U soo Sheegida Ciwaan Bedelida USCIS

Waxaa qoray
Education for Justice
Markii ugu dambeysay ee wax la soo geliyey
03/2025

Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa sidda loogu soo sheegi bedelida ciwaanka hay’ada USCIS, iyo sababta ay muhiimka u tahay taasi. 

*Siddani waa sidda looga bedelo ciwaankaaga hay'adda USCIS- ee aan ahayn sidda looga bedelo maxkamadda laanta socdaalka (immigration).* 

Ogow: Xeerarka soo sheegida bedelida ciwaanka ee qabanqaabiyeyaashu (sponsor). Haddii aad tahay kafiil, hubi inay jiraan akhbaar khaas ah oo uu ku leeyahay kafiilku qayb walba.   

Qaar badan oo ka mid ah foomamka USCIS waa ay isbedelayaan iminka! Ka eeg shabakada (USCIS website) si aad u hubiso in aad isticmaalayso foomkii ugu dambeeyey ka hor inta aadan waxba u dirin. Haddii aad u dirto foom khalad ah waxaa dhici karta inaad wax walba dib u bilowdo!