Waxa ay qaadan kartaa ilaa 3 bilood ka hor inta aanu kuu bilaaban lacagta daryeelka caruurta. Haddii aad heysato amar maxkamdeed oo amraya in waalidka kale lacag bixiyo, oo aad caawinaad ka codsatay IV-D si ay lacagta kuugu soo ururiyaan, waxa ay gal kuugu furayaan ilaa 20 cisho. waxa ay heystaan ilaa 15 cisho in ay gaarsiiyaan goobta shaqada ee waalidka kale si lacag looga soo jaro.
Loo shaqeeyaha waa inuu ka jaraa mushaharka shaqaalaha 14 cisho gudahood laga bilaabo marka uu soo gaaro amarka lacagta daryeelka caruurta oo lacagtaas u soo diraa Xafiiska IV-7 cisho gudahood ka dib. Ka dib Xafiiska IV-D waa in 2cisho gudahood kuugu soo diraan lacagta daryeelka caruurta.
Haddii aad qaadato gargaarka MFIP, waxaa lagu siinayaa lacagta daryeelka caruurta, MFIP lacagta caddaanka ah waa layreynayaa 2 bilood.
Waxa aad qaadan kartaa lacagta daryeelka caruurta ilaa $100 bishiiba iyo ilaa $200 bishiiba haddii aad heysato 2 caruur ah ama ka badan iyada oo aan la yareyn MFIP.
Haddii aad qaadato MFIP, gargaarka heynta caruurta ee degmada, ama gargaarka Caafimaadka (Ceymiska) (MA), IV-D waxa ay kaa reebeysaa qeyb ka mid ah lacagta daryeelka caruurta si loogu bixiyo lacagta heynta caruurta iyo kaarka caafimaadka.
Haddii aadan qaadan MFIP, gargaarka heynta caruurta, ama MA, Xafiiska IV-D waxa ay kaa goynayaan 2% oo lacagta ay ka soo jaraan waalidka kale oo ah kharashka maamulka waxaana suurogal ah in lagaa qaado lacag sanadle ah oo dhan $25.00.