Qof aad wakiilka ka dhiganeyso waa in ay da’diidu ka weyn tahay 18 sano. Dooro qof aad si wanaagsan u garaneyso oo raacaya sida aad ka dardaaranato, dantaada u taagan oo dhakhtarkaagu heli karo markii uu doodno. Qof kasta ayaa kuu noqon kara wakiil marka laga reebo dhakhtarkaaga ama shaqaalaha caafimaadka ee daryeelka kuu fidinaya, haddii uusan qaraabo kuula aheyn kula dhashay, xiriir guur idinka dhaxeeyo, isu dhaxdaan ama aad korsatay.
Waxa kale oo aad ku sheegi kartaa dardaaranka caaafimaadka sababta aad u dooratay qofkaas.
Aad ayey muhiim u tahay inaad la hadasho qofka aad u magacowday inuu noqdo wakiilkaaga. Hubi inuu diyaar u yahay inuu gaaro go’aamadda daryeelkaaga caafimaad ah haddii laga maarmi waayo. Siddoo kale waxa aad u baahan tahay inaad hubiso in qofkaasi uu og yahay waxa aad rabto marka ay noqoto daryeelkaaga caafimaad.