Waxaa jira sharciyo quseeya saacadaha dheeraadka ah ee shaqada oo ay dowladda dhexe iyo tan gobolkuba leeyihiin. Waxa ay yihiin Sharciga Xoogsiga Xaqqa ah (FLSA) (Federal Fair Labor Standards Act - FLSA) ee Dowlada dhexe (FLSA) iyo kan Minnesota ee dhigiisa ah ee (FLSA). Sharciga dowladda dhexe waxa uu ogolaadaa bixinta lacagta saacadaha dheeriga ah iyadoo lagu salaynayo saacado ka yar kuwa gobolka uu u aqoonsan yahay waqti dheeri ah waxa uuna quseeyaa shaqaale ka badan inta sharciga gobolku uu quseeyo. Haddii uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada sharci labaduna ay quseeyaan qof shaqaale ah, kolkaa, sharciga dowladda dhexe ayaa inta badan la qaadan. Wixii akhbaar ah oo ku saabsan shaqaalaha soo hoos galiya sharciga dowladdda dhexe (FLSA), ka eeg Warqada Xogta Aruursan ee #14 (Fact Sheet #14) ee Wasaaradda Shaqadda ee Dowladda dhexe (Department of Labor) ee www.dol.gov/whd, qaybta Khayraadyada (Resources). (ingiriisi kaliya)
Hadii aad xaq u leedahay sharciyan in lacagta saacadaha dheeriga ah lagu siiyo, waa sharci-darro in shaqadu ay isku daydo inay waan-waan adiga kula gasho ah inaysan lacagtaa bixin. Arrintani ma quseeyso haddii aad saacado buuxa shaqeeyso ama aad saacado yar shaqeyso. Qolada shaqaddu waa khasab inay siiso qofka shaqaalaha ah lacagta saacadaha dheeriga ah aan ka ahayn in shaqaddu ay cadeyn karto in qofkaa shaqaalaha ah laga “reebay” sharcigaa. Shaqaalaha intooda badan ma soo hoos galaan wax ka reebitaan ah waxaana loogu yeeraa shaqaalaha aan “laga reebin.” Shaqaalaha aan sharciga laga reebin waa in la siiyaa dhamaan xaqqa saacadaha dheeriga ah ee saacad walba oo ay shaqeeyaan. Wixii akhbaar ah ee ku saabsan ciddii laga “reebay” ama “aan la reebin,” sharcigan, ka eeg warqadayada xoga aruursan ee Martabadaha Shaqada iyo Xaquuqdaada.
Mar walba waa ra’yi wacan inaad adigu saacadahaaga iskaa ula socota oo u xisaabsato. Qor kolka aad shaqada bilowdo iyo kolka aad ka baxdo maalin walba. Ku xafid qoraaladan meel amaan ah.