Dadka Maraykan (U.S.) yimaada badankoodu waxa ay ku leeyihiin qof qaraabo ah Maraykanka (U.S.) oo kafiil qaada. Qofka qaraabada ah ee kafiilka ahi waa qof qoyska ka mid ah oo ah muwaadin ama haysta sharci deganaan rasmi ah (LPR). Kafiilku waxa uu ogolaadaa inuu mas’uul kaa noqdo adiga kolka aad Mareykanka (U.S.) timaado. Kafiilku wuxuu ka balan qaadaa hay’ada (USCIS) in hadii aad sabool noqoto, uu ku caawin doonaan adiga.
Haddii wadanka Mareykanka (US) aad soo gashay ka dib bishii Deseembar 19, 1997 iyadoo kafiil uu ku keenay, dowladdu waxa waxa ay u xisaabin kartaa dakhliga iyo hantida qofka kafiilka ah ee ku keenay iyo waliba xilaha qofka ku keenay sidii dakhli iyo hanti aad adigu leedahay oo kale. Haddii hal qof ka badan uu kafiil kaa ahaa, dakhliga iyo hantida dhamaan kafiiladaadda oo dhan waxaa loo xisaabin siddii dakhli ama hanti oo kale.
Dakhliga iyo hantida kafiilka wadanka ku keenay waa la xisaabin ilaa iyo inta aad ka noqonayso muwaadin Mareykan ah (US), kafiilka ku keenay uu ka dhimanayo ama uu si rasmi ah uga tagayo Mareykanka (US), ama aad adigu shaqeysay 10 sanno lagaana jaray canshuurta la yiraa (FICA) lacagtaada shaqada. Waxaa dhici karta in laguu xisaabiyo shaqada xilahaagu ama waalidkaa uu qabtay intii aadan wali qaan gaarin.
Kolka la xisaabiyo dakhliga iyo hantida kafiilkaaga waxaa dhici karta inay kor kaa mariso xadka dakhliga xaqqa loogu yeesho barnaamijka SNAP. Waxaa jira 2 waxyaabood oo laga reebay xisaabinta dakhliga iyo hantida kafiilka wadanka ku keenay:
- Saboolnimada: Dakhliga iyo hantida kafiilka ku keenay lama xisaabinayo haddii aad cadeyn karto in cunto IYO hoy la’aani ay kugu dhacayso hadii dakhliga iyo hantida la xisaabiyo.
- Tacadi: Dakhliga iyo hantida kafiilka ku keenay lama xisaabinayo haddii aad cadeyn karto in adiga iyo ilmahaagu aad la kulanteen tacadi iyo cadownimo aad u ba’an oo uu idiin geystay qofka idiin keenay ama waalid. Aadana la noolaan karin tacadi gaystaha mar dambe. Waa khasab inaad cadeyso inaad ugu baahan tahay gargaarka SNAP tacadiga awgii.
Ogow: Dakhliga iyo Hantida kafiilka ku keenay LAGUMA DARO XISAABTA ILMAHA kolka ay qaataan barnaamijka nafaqada SNAP.
Ogow: Barnaamijka SNAP, dowladdu waxa ay eegtaa kafiilka ku keenay baaxada qoyskiisa iyo amaahda go’an ee lagu leeyahay kolka uu go’aansanayo inta ay tahay inta laga xisaabinayo dakhliga iyo hantida qofka ku keenay.