Sharciga Minnesota waxa uu dhigayaa in kireeyaha uu mas’uul ka yahay bixinta biilasha saacadda la wadaago.
Biilka saacadda la wadaago laguma qori karo magaca kireystaha, marka laga reebo hal xaalad oo kaliya. Haddii saacadda biyaha iyo korontada ee guriga kireystaha ay ku jirto kharash yar oo ah korontada lagu isticmaalo dibadda guriga, oo raacsan isla guriga kireystaha. Kharash yar waxaa loola jeedaa laba nal oo ku yaala dariiqa guryaha u dhaxeeya. Sharcigani waxa uu gaar u yahay isticmaalka korontada, mid gaask iyo waxyaabaha kale lagu xisaabayo.
Ma aha in aad bixiso kharashka korontada iyo biyaha xisaab ku qoran magaca kireeyaha, oo ay ku mid yihiin saacad la wadaago.
Laakiin, haddii uu kireeyuhu aanu bixin biilka oo shirkadaha korontada iyo biyahana doonayaan in ay xiraan, waxaa laga yaabaa in aad ku khasban tahay in aad bixiso qeyb biilka ka mid ah si aan loo joojin adeegga. Haddii ay taasi dhacdo, lacagta aad bixisay waxa aad ka jari kartaa kirada soo socota (akhri hoos - Maxaan Yeelayaa Haddii Aanu Kireeyaha Bixin Biilashaha Oo La I Siiyo Ogeysiis In La Jarayo Ah?) La xiriir shirkadaha korontada iyo biyaha haddii aad aaminsan tahay in aad bixiso biilka saacad la wadaago.
Waxaa jira habab kala duwan oo aad ku bixin karto qeybtaada biilka ee saacad la wadaago. Kharashka korontada iyo biyaha waxaa la raacin karaa heshiiska kirada, ama waxa aad kireeyaha weydiisan kartaa in aad bixiso qeybta kaaga soo beeganta biilka haddii aan lacagta kirada lagu darin.