Hadda waa Juun. Waxaa aad guriga soo degtay Janaayo 1. Tuubooyinka biyahu waa ay xumaayeen kolkii aad guriga soo degtay. Waxa aad qoraal ahaan ugu sheegtay qolada guriga tuubooyinka xun markiiba. Saqafkuna biyo ayuu soo daynayey ilaa iyo bishii Maarso, waxa aadna qolada guriga qoraal ahaan ugu sheegtay kolkii uu bilaabay saqafku biyo sii deynta.
Hadii aadan wali bixin kirada bisha Juun, waxa aad bilaabi kartaa kiis Kirada Rahmid ah adigoo kirada bisha Juun ee aan la bixin u dhiibaya maxkamada ayadoo ay ku lifaaqan tahay foomka dhaarta ee Kiro Rahmida iyo nuqul (copy) warqadihii aad u qortay qolada guriga Janaayo iyo Maarso. Waxa aad ka codsan kartaa xaakimka inuu amro in qolada gurigu wax ka qabato dhibaatooyinka. Waxaa kalood codsan kartaa in lacagta kirada ee bilaha Janaayo iyo Febraayo qaar la dhimo waayo tuubooyinka xun awgood iyo in cadad ka badan intii hore laga jaro kirada Maarso, Abriil, Maajo iyo Juun, sababtoo ah dhibka labaad ee saqafka biyaha sii deynaya.
Sidaa awgeed, lacagta aad u dhiibtay maxkamada, qaar ka mid ah waa inay kuu soo noqoto sababta oo ah in aan guriga lagaa hagaajin. Waydii xaakimka inuu dhimo kirada aad mustaqbalka bixinayso ilaa iyo inta qolada guriga ay ka hagaajinayso waxa guriga ka halaysan.
Waa Muhiim in la ogaado in xaakimku uu leeyahay awood badan oo uu ku go’aansado inta ay le’eg tahay kiro dhimida aad helaysaa. Xaakimyada kala duwani waxa ay siiyaan qiimeyno kala duwan arrimaha hagaajinta, kolkaa, cadadka dhimida kirada ahi aad ayey u kala duwanaan karaan iyadoo hadba ku xiran cida go’aansanaysa kiiskaaga ama meesha aad ku nooshahay.
Xasuusnow: dulucda weyn ee kiiska kirada rahmida ah waa in guriga laga hagaajiyo waxa ka halaysan ee ma aha in kirada la soo celiyo. Taasi waa sababta ay muhiimka u tahay in aad adigu cadeyso sida dhib walbaa uu kuu saameeyey adiga uuna noloshaada uga daray intii aad ku noolayd guriga kirada ah. Cadeynta sida dhib walbaa uu uga daray noloshaada waxa ay caawin kartaa inay ka dhaadhiciso xaakimka inuu xukumo kiro yareyn iyo amrid hagaajin guriga ah.