Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa aabayaasha, abuurida xaquuq waalidnimo, go’aansiga haynta ilmaha, waxa ay sameyn karaan aabayaashu si ay u helaan waqti ay la qaataan ilmahooda.
Sidee ayaa aabanimada loo xaqiijiyaa? Qirashada Waalidnimada (ROP)
“Aabanimada” macnaheedu waa cidda sharciyan aabaha u ah ilmaha. Hadii labada waalid aysan is-qabin kolka ilmahu uu dhashay, ma jiro aabe sharci ah ilaa inta laga xaqiijinayo cidda aabahu yahay. Waxaa jira 2 jid oo lagu xaqiijin karo aabahu cidda uu yahay.
Qirashada Waalidnimada (ROP)
Labada waalidba waxa ay saxiixaan oraah dhaar ah oo ah in ninku yahay aabaha ilmaha. Waxa ay isticmaalaan foomka Qirashada Waalidnimada (ROP). Waxa aad ka heli kartaa foomka cisbitaalka kolka ilmahu dhasho ama xafiiska kaalmada ilmaha ee degmadaada. Waxaad kalood ka wici kartaa Waaxda Caafmaadka ee Minnesota (Minnesota Department of Health) khadka (651) 201-5970 ka dibna aad waydiisan kartaa foomka.
Si aad u xareysato ROP, faasxi ugu dir (651) 215-5834 ama ku hagaaji:
Minnesota Department of Health
Office of Vital Records
PO Box 64499
St. Paul, MN 55164-0499
ROP kaliya waxa uu shaqeynayaa kolka laga xareysto Waaxda Caafimaadka (Department of Health). Hadii hooyada aan nin kale qabin, ayna waalidku ugu yaraan jiraan 18 sanno, oraahdan aabanimadu waa kama dambayn. ROP waxaa la sameyn karaa markii la rabo. Uma baahnid qareen laakiin la hadal mid hadii aad awoodo ka hor inta aadan saxiixin, si aad u ogaato sida ay u saameyn karto arrintani xaquuqdaada.
ROP waxaa loo isticmaali karaa go’aaminta kaalimada ilmaha. Aabaha markiiba ma siinayso wax xaquuq oo ah waqti waalidnimo (booqasho). Laakiin waxa ay siisaa aabaha xaquuqda ah inuu waydiisto maxkamad inuu helo waqti uu haysto ilmaha.
Hooyada ama ninka saxiixay ROP waa ay baajin karaan (ceshi) ROP 60-cisho gudahood ka dib kolka la xareeyo. Waa inaad arrintan qoraal ku sameysaa. Waxaa jira foom khaas ah oo aad u baahan tahay inaad codsato si aad u baajiso ROP. Ka hel foomkan Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (Department of Health). Ka dibna halkaa ka xaree si aad uga dhigto mid sharciyeysan. Isticmaal isla ciwaanka iyo lambarka faaxsiga kor ku xusan. 60-cisho ka dib, kaliya waxa aad ku joojin kartaa ROP uun inaad maxkamad tagto. Waxaa u baahan tahay daliilo ah in ninku uusan ahayn aabaha ilmaha. Waxaa jira waqtiyo cayiman gudahood oo la rabo in arrintan lagu sameeyo. Degdeg ugu dhaqaaq!
Ogow: hadii labada qof midkood ka noqdo ROP, sheekadu intaa ku dhamaan mayso. Hooyada ama aabaha la yiri ilmaha ayuu dhalay waxa ay ka codsan karaan maxkamad inay xaqiijiso aabaha ilmaha dhalay, haynta iyo waqtiga waalidka.
Sidee ayaa aabanimada loo xaqiijiyaa? Amarka Maxkamada ee Aabanimada
Marmarka qaarkood waa khasab in maxkamadi go’aamiso arrinta aabanimada. Labada waalid midkood waxaa dhici karta inuusan doonayn inuu saxiixo ROP, ama waxaa dhici in hal nin ka badani ay sheegtaan inay yihiin aabaha ilmaha, ama waxaa dhici karta in hooyada uu nin kale qabay kolka ilmahu uu dhashay. Maxkamadu waxa ay eegtaa daliilaha, ay ku jiraan dhiig qaadid iyo wixii xiriiro ah oo horey uga dhaxeeyey hooyada iyo aabaha loo malaynayo inuu ilmaha dhalay. Waxa aad codsan kartaa dhiig qaadid, laakiin khasab ma aha in DHIIGlagaa qaado si loo xaqiijyo aabanimo.
Hadii labada waalid ay isqabaan, sharcigu waxa uu ka soo qaadaa in saygu uu yahay aabaha ilmaha. Hadii sayga ama afadu midkood uu rabto inuu bilaabo kiis maxkamadeed si loo inkiro in saygu uu ilmaha dhalay, kolkaa, kiisaska intooda badan, waa inay dacwadaa bilaabaan intaan ilmahu gaarin 3 sanno.
Ma I caawin karaa xeer-ilaaliyaha degmaddu?
- Hadii ilmahu uu adiga kula nool yahay, waxa aad ka codsan kartaa xeer ilaaliyaha degmada inuu xareeyo kiis lagu ogaanayo aabanimada, iyo in kaalmo dhaqaale iyo mid kaar caafimaadba la xukumo. Hadii aad tahay waalid aan ilmahu la noolayn, laakiin aad doonayso inaad xaqijiso aabaha ilmaha, sida aabe aan hooyada guursan, kolkaa degmadu waa inay ku caawiso. Waxaa dhici karta in lagugu yeesho lacagta kaalmada ilmaha la siiyo kolka la xaqiijiyo aabanimada.
- Xeer ilaaliyaha degmadu shaqo kuma leh haynta ilmaha iyo waqtiga waalidka (booqashada).
- Waalidka danyarta ahi waxa uu ka codsan karaa maxkamada qareen ka caawiya kiisaska xaqiijinta aabanimada. Laakiin waa inay noqdaan uun kiisaska lagu xaqiijinayo aabaha. Hadii aabanimada jaa la xaqiijiyey ama aad saxiixday ROP, aadna u baahan tahay caawimaad, wac xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee 1-(877) 696-6529, ama xafiiska qareenada tabarucayaasha ah si ay kuu caawiyaan.
Waxa aad heli kartaa kartaa foomam aad adiga kaligaa buuxsato hadii aadan qareen lahayn. Shabakada (website) maxkamadaha gobolka waxa ay hayaan foomam quseeya haysashada iyo waqtiga waalidka ee ilmaha.
Ogow: waxaa jira foomam BADAN. Waa lagu jaah-wareeri karaa arrimahan, kolka hadii aadan hubin waxa aad u baahan tahay riix Help Topics Homepage, riix Child Custody / Parenting Time (Haysashada Ilmaha/ Waqtiga Waalidka) mar labaad ka dibna akhri akhbaarta ku jira qaybta (Guudmarka Su’aalaha inta badan la is Waydiiyo Foomamka iwm) (Overview, FAQs, Forms etc).
Waa maxay sababta ay muhiimka u tahay in la xaqiijinta aabaha?
Aabanimada waxaa khasab in la xaqiijiyo si maxkamadu u aqoonsato xaquuqda ka dhaxeeysa aabayaasha iyo ilmaha.
- Aabuhu xaq uma laha haysasho ama waqtiga waalidka ilaa aabanimada laga xaqiijinayo.
- Ilmahu waxa uu xaq u leeyahay inuu helo masaariifta ilmaha. Masaariifta ilmaha lama amri karo ilaa inta laga xaqiijinayo aabaha. Ilmahu waxa uu heli karaa masaariifta ilaa iyo inta uu ka gaarayo 18 sanno (20 sanno hadii uu wali dhigto dugsi dare). Kaalmooyinka waxaa ku jiri kara bixinta kharashka kaarka caafimaadka, bixinta kharashyada daryeelada caafimaad iyo kharashaadka haynta ilmaha ku baxa.
Eeg warqada xogta aruursan ee Helida Masaariifta Ilmaha.
Marka ugu horeeysa ee ay maxkamadu go’aamiso masaariifta ilmaha, waxaa dhici karta in aabaha lagu xukumo inuu bixiyo kharashaadkii ku baxay dhalashadii ilmaha, wixii masaariif ah ee lagu yeeshay mudooyinkii la soo dhaafay ama manfacyada MFIP ka ee la qaaday.
- Hadii aabahu uu geeriyoodo, ilmahu dhaxal buu ku leeyahay aabaha hantida uu ka tago. Ilmahu sidoo kale waxa uu heli karaa manfacyada sida Sooshal Sakuuratiga Social Security, (Social Security), hadii aabahu uu qaato ama uu geeriyoodo.
Sidee ayaa loo go’aamiyaa Haysashada iyo Waqtiga Waalidka?
- Hadii labada waalid aysan isqabin markii uu ilmahu dhashay, hooyadu ayaa leh xaqa haysashada sharciga ah iyo mida korintaba ilaa inta ay maxkamadi go’aan kaa ka duwan ka gaarayso.
- Hadii ay jirto dacwo la qaado oo lagu ogaanayo aabaha, kolkaa maxkamada ayaa xukunta haysashada, masaariifta ilmaha iyo waqtiga waalidka iyadoo mar walba ku salaynaysa go’aanka waxa ay tahay maslaxada ilmahu, taa oo la mid ah sida wax loo xukumo kolka furiinka.
- Aabahu ma laha wax xaq ah oo haysaho ama waqti waalid ah ilaa inta uu maxkamad ka tagayo. Arrintan waa dhab xataa hadii uu saxiixay ROP. Waalidku waxa ay ku heshiin karaan arrimaha haynta iyo/ama waqtiga waalidka iyagoon maxkamad tagin, laakiin heshiiskooda ma aha mid sharciyan cid u qabanaya hadii aysan maxkamadi ansaxin.
- Hadii uu jiro ROP laakiin aysan jirin wax dawco qaadid aabanimo ah oo la sameeyey, aabahu waa khasab inuu maxkamad dacwo ka xareysto si uu u helo haynta ilmaha iyo waqtiga waalidka. Hadii waalidku aysan ku heshiin karin haynta ilmaha iyo waqtiga waalidka, maxkamadu waxa ay go’aansan waxa ugu roon ee maslaxada u ah ilmaha.
- Hadii uu jiro ROP, waalidkana ay dhaxeeyso dacwo dagaal qoyska dhexdiisa ah, maxkamadu waxaa dhici karta kolkaa inay si ku meel gaar ah ugu xukunto Amarka Ilaalinta ah [Order for Protection (OFP)] aabahu waqti waalid oo ilmaha uu ku arki karo.
- Haddii waalidku ay is guursateen ka dibna ay is fureen ama ay codsadeen kala guurid sharci ah, maxkamada ayaa go’aansata xilliga furitaanka ama kala guurid sharciga ah haysashada ilmaha iyo waqtiyada waalidka.
Waa maxay noocyada haysashada Ilmaha ee jiraa?
- Haynta sharciyeysan macnaheedu waa xaqqa lagu go’aansan karo arrimo waaweyn oo ku saabsan ilmaha, sida iskuulka, daryeelada caafimaad iyo diinta. Haynta sharciyeysani waxa ay noqon kartaa mid kali ah u (Hal waalid) ama mid la wadaago (labada waalidba).
- Haynta Sharciyeysan ee wadajirka macnaheedu waa labada waalidba waxa ay leeyhiin xaquuq siman iyo waajibaad marka ay noqoto gaarida go’aamadaa waaweyn. Hadii labada waalid ay wadaagaan haynta sharciyeysan, waxa ay u baahan yihiin inay ku heshiiyaan wixii go’aan weyn ah ee la gaarayo.
- Haynta ilmaha iyo deganaanshaha macanaheedu waa la noolaanta iyo daryeelida maalin walba ah iyo gacan ku haynta ee ilmaha. Hal waalid waxa uu noqon karaa mid ay kaligii gooni u tahay gacan ku haynta ilmahu xataa hadii waalidku ay wadaagaan haynta sharciyeysan.
- Haynta ilmaha ee wadajirka ah macnaheedu waa ilmahu waxa uu u dhaxeeyaa labada waalid. Jadwalku haynta ilmahu khasab ma aha inuu waqtigiisu is le’ekaado si loogu tixgeliyo “wadajir.” Waqtiga booqshada ee waalidka waxa maamula inta uu yahay waqtiga uu ilmahu la joogayo waalid walba.
Sidee ayaa haynta lagu go’aansadaa?
Hadii labada waalidba ay doonayaan in haynta ilmaha iyaga loo xukumo, maxkamadu waxa ay eegtaa arrimahan soo socda si ay u go’aansato waxa ugu roon ee Maslaxa ilmaha. Kuwaasina waa:
- Baahida ilmaha, ee dhanka jirka, caadifada, dhaqanka, caqiidada iyo waxyaabo kale. Sidee ayuu qorshayaasha waalidka ee ilmahu ay u saameeyaan baahiyadaa iyo horukaca ilmaha?
- Ilmahu ma leeyahay baahi gaar ah oo ah dhinacyada caafimaadka, miyirka, ama waxbarashada oo u baahan gacanku hayn waalid oo gaar ah iyo helitaan adeegyo?
- Ilmahu muxuu isagu rabaa? Ilmaha waxa uu doonayo waxa ay saameyn kartaa go’aanka maxkamada hadii maxkamadu ay go’aansato in ilmahu uu awoodo, uuna gaaray da’ iyo xasilooni ku filan oo uu go’aan ku qaadan karo.
Ogow: Ilmahaagu uma badna inuu makhraati ka furo maxkamada. Aad uga taxadar sida aad ugala hadlayso kiiska maxkamada ilmahaaga. Ilmaha aad ayey wax ugu dhintaa inay ku lug yeeshaan dagaalka u dhaxeeya waalidkood. Marmarka qaarkood, xirfadle ay maxkamadu magacowday ayaa la kulma ilmaha si uu ugala hadlo waxa uu rabo.
- Ma ka dhex dhacay dagaal qoysaska labada waalidka midkoodna qoyskiisa ama xiriiradooda kale? Waa maxay faah-faahinada waxa dhacay, mise saameysaa waalidnimada ama amaanka iyo baahida ilmaha?
- Waalidku ma qabaa wax dhibaato ah oo ah dhanka jirka, miyirka ama isticmaalka maandooriyeyaasha oo saameeya amaanka ilmaha ama baahidiisa horukac?
- Sidee ayuu waalid walbaa u fidiyey daryeel hada ka hor?
- Diyaar u ahaanta iyo awoodida uu waalid walbaa ku sii wadi karo daryeelida ilmaha. Sidee ayuu waalidku uga soo baxaa ilmaha baahidiisa ah dhinacyada koritaanka, caadifada, caqiidada iyo dhaqanka? Waalidku ma noqon karaa mid joogta u hogaansama ugana soo baxa waqtiga booqashada ee waalidka?
- Isbedelka guriga, iskuulka iyo beeshu ma saameyn ilmaha hagaagsanaantiisa iyo horukaciisa?
- Xiriirka ilmaha ee waalid walba, walaal, iyo cidii kaleba ee muhiim ku ah ilmaha. Qorshaha haynta ilmaha ee la soo jeediyey ma saameyn doonaa xiriiradaa dadka kale?
- Inta badan waxaa u roon ilmaha inuu la qaato waqti ugu badan ee suurtagala ah labada waalidba. Maxkamadu waxa ay eegtaa arrintan waxay sidoo kale eegtaa hadii la qaadashada waqti yar mid labada waalid ahi ay si uun waxyeelo u gaysan karto ilmaha.
- Labada waalidka mid walbaa ma ka caawin doonaa ilmahu inuu in badan oo joogta ah la xiriiro waalidka kale? (marka laga reebo marka ay jiraan dagaal qoyska dhexdiisa ah – eeg #4)
- Diyaar u ahaanta iyo awoodida waalidku ay ka wada shaqeyn karaan korinta ilmahooda. Waalidku ma wadaagi karaan akhbaar? Ma ka ilaalin karaan khilaafkooda ilmaha? Ma leeyihiin qaabab fiican oo ay ku xalin karaan muranada go’aamada waaweyn ee ku saabsan ilmahooda?
Maxkamadu waa inay qortaa gunxaarka dhamaan waxyaabahaa oo dhan. Maxkamadu waa khasab inay sheegto sida ay u go’aansatay waxa ugu roon ee maslaxada u ah ilmaha. Maxkamada ma eegto falalka waalidka mar hadii aysan saameyn ku lahayn xiriirkooda ilmaha.
Wax ma laga bedeli karaa haysashada?
Haa. Maxkamadu waa bedeli kartaa haysashada hadii xaalada ilmaha ama waaldiku isbedesho, waxaana loo baahan yahay amar cusub oo ah waxa ugu roon ee maslaxada u ah ilmaha. Maxkamadu kaliya waxa ay eegtaa arrimaha isbedelay wixii ka dambeeyey xiligii amarkii hore ama arrimaha aan la ogayn waqtigii la soo saaray amarkii hore. Maxkamadu kaliya waxa ay bedeli kartaa haysashada kolka:
- Labada waalidba ay isku raacaan ama
- Waalidka ilmaha hayaa uu u ogolaato in ilmahu uu la qabsado (uu si buuxda qayb uga noqdo) guriga waalidka kale ama
- In guriga ilmaha ee iminku uu khatar ku yahay caafimaadkooda jirka iyo kan miyirka ama koritaankooda ayna bedelida hayntu ay waxyeeladeedu ka yar tahay tan sii joogida guri aan amaan ahayn.
- Waalidka asal ahaan inta badan ilmaha hayaa uu maxkamad waydiistay in uu ilmaha ula guuro gobol kale ayna maxkamadu tiri maya – laakiin waalidku uu iska guuray.
Si wax looga bedelo amarka haysashada ilmaha, waalidku waa khasab inuu dacwo maxkamad hor keeno. Waalidku waa khasab inuu haysto makhraatiyaal, warqad dheereedyo (affidavits) ama dukumiintiyoo kale oo cadeynaya mid ka mid ah sababaha kor ku xusan si wax looga bedelo haynta.
Ogow: Waalidku waa inuu sugaa 1 sanno laga bilaabo waqtiga haynta marka ugu horeeysa la go’aamiyey ka hor inta aysan codsan wax bedelaad ah. Hadii uu jiray codsi wax bedelid ah, waalidku kolkaa waa khasab inuu sugo 2 sanno ka hor inta aysan codsan wax isbedel ah. Codsigaa hore ha la ansaxiyo ama yaan la ansaxine.
Laakiin xadidaadyadaasi ma ay quseeyaan hadii:
- Waalid marmar badanuu kas uga dheereeyo waalidka kale arkida ilmaha ama
- Guriga ilmaha ee iminka uu khatar ku yahay iyaga.