Waad dacweyn kartaa kireeyaha ka dib marka aad guurto. Akhri xogta ururusan ee Maxkamadaha Dacwadaha Madaniga. Waxaa wanaagsan in aad sameyso waxyaabaha ay ka midka yihiin:
- Heysato diiwaan aad maxkamadda hor keeni karto sida lacag qabashada kirada, heshiiska kirada, iyo warqadaha kireystaha.
- Soo qaado amarka baaraha guryaha iyo ogeysiiska degaan ka baxa ee magaalada.
- Haddii aad awoodo, sawir ka qaad dhibaatada dayactirka ka hor inta aadan guurin. Qor ciladaha dayactirka iyo goorta ay bilaabatay.
- U yeer markhaati kula eega guriga.
- Heyso dhamaan lacag qabashada kharashka aad gasho marka aad guurto: hotel, kharashka guuritaanka, shidaalka, cuntada iyo bakhaarka alaabada la dhigo.
Haddii gurigaaga horey looga dhigay degaan ka bax markii aad u soo guurtay, waxa aad dacweyn kartaa kireeyaha oo lagaaga qaadi karaa 3 laab khrashka kirada iyo keydka kirada ee aad bixisay. La xiriir guryo baaraha magaalada si aad u ogaato markii ugu horeysay ee ay magaaladu ka dhigtay griga hoy ka bax.
Dacwadaada u diiwaangeli sida ugu dhaqasha badan. Tag maxkamadda oo weydiiso in aad cabasho ka furto maxkamadda dacwadaha madaniga ah. Waxa aad weydiisan kartaa ilaa $20,000 Maxkamadda Madaniga ah umana baahnid qareen.
Wixii ka badan $20,000 waxa aad ka dacweyn kartaa Maxkamadda Degmada laakiin waxa aad weydisan kartaa qareen.
Haddii ay dhibaatada xagga dayactirku keentay dhaawac jirka ah ama xanuun, ama sunta ka dhalata rinjiga, la tasho qareen qaabilsan dhaawaca ka hor inta aadan diiwaan gelin dacwada kirada.
Waxa aad u baahan tahay magaca iyo cinwaanka kireeyaha. Waxa aad ka heli kartaa baaraha magaalada ama xafiiska canshuuraha. Lacag yar ayaa lagaa qaadayaa, laakiin waa lagaa cafinayaa haddii dakhligaagu yar yahay.