Faa’iidada mida “bixi kana jaro” waa waxa aad bixiso waxaa kala hari kartaa kirada, adigoon maxkamad tagin. Laakiin hadii in ka badan hal wax la goynayo, ama hadii ay jiraan dhibaatooyin hagaajin la’aan guriga ah, waxaa inaad xareystaa dacwada (ETRA). Dacwada (ETRA), ah waxaad maxkamada uga codsan kartaa inay amaro qolada guriga inay bixiso dhamaan biilalka korontada ah oo dhan iyo inay guriga wixii ka halaysan ay hagaajiso. Dacwada (ETRA), ah hadii qolada gurigu aysan wax ka qaban dhibaatada koronto goynta ah, waxaad kaloo maxkamada ka codsan kartaa inay u magacowdo maamule la wareega maamulka sarta aad guriga ka kireysatay ilaa iyo inta dhibaatooyinka wax laga qabanayo.
Hadii aad si ikhtiyaar ah ugu soo furato gaaska iyo korontadda magacaaga, shirkadda koronto bixiyaha ahi waxa ay ka dhigi mas’uuliyadaadda biilka wixii markaa ka dambeeya. Laakiin, waa xaquuqdaadda inaad bixiso aadna ka jarato hal bil biilkii iyo midda xigta adigoon biilka magacaaga gelinayn.
Haddii shirkadda korontaddu ay kaala mudacdo xuquuqdaadda ku saabsan isticmaalka bixi-kana jar, ka xareyso ashtako Xafiiska Arrimaha Macaamiisha ee (Consumer Affairs Office) ee Gudoomiyaha Korontadda Dadweynaha [Minnesota Public Utilities Commission (CAO/PUC)]. Waxa aad ka heli kartaa foomka ashtakada barta consumer.puc@sate.mn.us. Ama wac khadka ah (651) 296-0406.
Ogow: Haddii shirkad koronto ama gaas ay horey kuugu lahayd wax lacag ah adigoo ku nool qowlad ama guri kale, waa inaad bixiso lacagahaa horey laguu lahaa.