Tirtirada Guriga Ka Saarida
Warqadan xogta aruursan ahi waxay ka hadashaa sidda iyo kolka aad ka tirtiri karto guri ka saarid diiwaankaaga guryaha.
Waa maxay macnaha “Tirtiridu”?
Tirtiraada macnaheedu waa ka saarida kiis hore diiwaanka maxkamada si aan dad weynahu u arag. Hadii kiiskaaga guri ka saarida ah lagaa tirtiro, kolkaa qofkii baara diiwaanada maxkamada ma uu helo karo qoraal sheegaya kiiskaagi guri ka saarida ahaa. Maxkamadahu marmarka qaarkood waa ay tirtiraan kiisaska guri ka saarida ah, laakiin aad bay u adkaan kartaa in la helo tirtiraad.
Kiisaska guri ka saarida ah waxaa loogu yeeri jiray “hayso sharci-darro ah” (UDs). Qaar ka mid diiwaanada waxaa dhici karta inay leeyihiin (Uds), taasi waa wax la mid ah guri ka saarid.
Goorma ayey maxkamadu tirtiri kartaa kiiska guri ka saarid ah?
Xaakim (ama garsoore) ayaa go’aansada in kiis la tir-tiri karo iyo in kale. Sharcigu waxa uu qoraa waxyaabaha aad u baahan tahay inaad tusto xaakimka si loo tirtiro kiiska. Laakiin, xataa hadii aad tusto dhamaan waxyaabahaa oo dhan, wali waxay jirtaa xaakimka inuu go’aansado haa, ama maya.
Waxaa jira qaar ka mid ah kiisaska oo xaakimku ay khasab ku tahay inuu ansaxiyo tirtiridooda. Waxaa lagu qoray qaybta bogga xiga, ee Tirtiridaha Dirqiga ah.
Waa maxay tusaalooyinka ah kiisaska ku fiican tir-tirida?
- Waa aad ku guulaystay kiiska. Kiiska waa la baa’biyey, ama waa ku guulayastay kiiska ka dib dacwo maxkamadeed.
- Waa aad guurtay ka hor intaan warqadaha guri ka saarida aan la keenin.
- Kiiska waa kala heshiisay waxa aadna sameysay wax walba oo ku jiray heshiiska.
- Qolada gurigu waxa ay ogolaatay inaysan ka mudacin tirtirada. Qolada gurigu kuma siin karto tirtiraad, laakiin heshiiska qolada guriga ee ah inaysan ka mudafayn tirtiridu waa ku caawin kartaa.
3 da Nooc ee Tirtiraadaha
Waxaa jira 3 nooc oo tirtirid ah oo aad codsan karto.
- “Awooda loo leeyahay”
- “Sharcigu qabo”
- “Dirqi”
Hadii ay xaaladaada ku haboon tahay, waxa aad codsan kartaa in badan hal nooc oo tir-tiraad ah.
Tirtiraada “Awood loo leeyahay”
Tirtiraada caynkan ahi waxa ay ka timaadaa awooda maxkamada ay ku maamusho kiisaska diiwaanadeeda. Maxkamada ayaa go’aansata in tirtirada kiisku adiga (kiraystaha) lagaa tirtirayaa ay ka muhiimsan tahay ogaanta kiiska ay ogaanayaan qolyaha gurigaha kiraynaysa mustaqbalka. Xaakimka ayaa leh awooda uu ku go’aansanayo inuu tirtiro ama uusan tirtirin kiiska.
Tirtirida “Sharcigu qabo”
Tirtiraada caynkan ahi waxa ay ka timaadaa sharciga. Sharcigu waxa uu leeyahay maxkamadu waxa ay leedahay shuruud la mid ah tan “awooda loo leeyahay” ee tirtirida: kiiska adiga (kiraystaha) lagaa tirtirayaa ay ka muhiimsan tahay ogaanta kiiska ay ogaanayaan qolyaha guryaha kiraynaya mustaqbalka? adiga (kireystaha) hadii ay jawaabtu haa tahay, AYNA jirin wax ka khaldan kiiska qolayaha guriga, kolkaa maxkamadu waa ay tirtiri kartaa kiiska. Xaakimka ayaa leh awooda uu ku go’aansanayo inuu tirtiro ama uusan tirtirin kiiska.
Tirtirada “Dirqiga ah”
Tirtiraada caynkan ahi sidoo kale waxa ay ka timaadaa sharciga. Xaakimku waa khasab inuu tiritiro kiiskaaga hadii aad cadeeyso:
- Gurigii oo lala wareegayo ama joojinta qandaraasyada guri kala gadashada
- kiiska guri ka saarida ahi kaliya waxa uu ku saabsanaa joogida guriga muddo dheer (iska fadhiya), ee kuma saabsanayn kiro bixin la’aan ama jabin heshiiska liiska guriga (axdi jabin), iyo
- Ugu yaraan in mid kuwan soo socdaa uu run yahay:
- Mudadii ama waqtigii kala soo noqodka la wareegida ama qandaraasku waa dhamaatay. Guriga waxa aad ka guurtay ka hor intii warqadaha guriga ka saarida ah aan la keenin.
- Waxaad ahayd kireyste xilligii mudadda ka noqoshada la wareegida, xiligii joojinta qandaraaska. Liiskaagu waxa uu bilowday ka dib kolkii amaahda (mortgage) ama qandaraaska guri gadashadu ay bilaabantay. Laguma siin ogaysiis quman oo lagu dhamaynayo heshiiska liiskaaga, ama waxaa lagu siiyey ogaysiis quman oo lagu dhamaynayo heshiiska liiskaaga, laakiin kiiska guri ka saarida ahi waa uu bilowday ka hor maalinta ogaysiisku leeyahay waa inaad guurtaa.
- Mudadii ama waqtigii kala soo noqodka la wareegida ama qandaraasku waa dhamaatay. Guriga waxa aad ka guurtay ka hor intii warqadaha guriga ka saarida ah aan la keenin.
Ogow: kiisaska guri la wareegida ah ugu yaraan ogaysiis 90-cisho ah ayaa inta badan la iska rabaa. Qandaraasyada guri kala gadashada, ogaysiis 12 bilood ah ayaa la iska rabaa. Hadii aadan hubin in ogaysiis quman lagu siiyey iyo in kale, eeg warqadayada xogta aruursan ee, Kolka Qolada Guriga Aad uga Jirto lagala Wareego Guriga: La Wareegida Guriga iyo Joojinta Qandaraaska Guri kala Gadashada.
Tirtiraada “Awood loo leeyahay”
Tirtiraada caynkan ahi waxa ay ka timaadaa awooda maxkamada ay ku maamusho kiisaska diiwaanadeeda. Maxkamada ayaa go’aansata in tirtirada kiisku adiga (kiraystaha) lagaa tirtirayaa ay ka muhiimsan tahay ogaanta kiiska ay ogaanayaan qolyaha gurigaha kiraynaysa mustaqbalka. Xaakimka ayaa leh awooda uu ku go’aansanayo inuu tirtiro ama uusan tirtirin kiiska.
Tirtirida “Sharcigu qabo”
Tirtiraada caynkan ahi waxa ay ka timaadaa sharciga. Sharcigu waxa uu leeyahay maxkamadu waxa ay leedahay shuruud la mid ah tan “awooda loo leeyahay” ee tirtirida: kiiska adiga (kiraystaha) lagaa tirtirayaa ay ka muhiimsan tahay ogaanta kiiska ay ogaanayaan qolyaha guryaha kiraynaya mustaqbalka? adiga (kireystaha) hadii ay jawaabtu haa tahay, kolkaa maxkamadu waa ay tirtiri kartaa kiiska. Xaakimka ayaa leh awooda uu ku go’aansanayo inuu tirtiro ama uusan tirtirin kiiska.
Tirtirada “Dirqiga ah”
Tirtirida caynkan ah siddoo kale waxa ay ka timaadaa sharciga. Xaakimku waa khasab inuu tirtiro kiiskaaga haddii aad:
Ku guulaysatay kiiska “kasbasho” taa oo macnaheedu yahay maxkamaddu waxa ay tixgelisay xaqaa’iqa kiiska iyo sharciga ayna go’aansatay inaysan ahayn in guriga lagaa saaro.
Ay maxkamaddu baabi’say kiiska qoladda guriga sabab kasta ha u baabi’see, oo ay ku jiro tusaale ahaan adeeg xun oo aan warqadahii lagu keenin
Adiga iyo qoladda gurigu aad ku heshiiseen tirtirida
Ay ka soo wareegtay 3 sanno ilaa kolkii la amray guri ka saarida
La gaartay heshiis waanwaan ah qoladda guriga aad uga jirto aadna u hogaansantay heshiiska
Guriga lagaaga saaray kaliya ku haysasho marawaano ama walxaha (tetrahydrocannabinols) ama aad xaq u leedahay in iskood ay kaaga tirtirmaan dambiyadda marawaanadda qaarkood. Ka eeg warqadayadda xogta aruursan ah, Ma heli karaa masaxid ah dambi marawaano oo la igu helay? (Can I get my marijuana convictions erased)? Sharciga cusub ee Mariwaanada ee MMN New (Marijuana Laws in MN).
Gurigii oo lala wareegayo ama joojinta qandaraasyada guri kala gadashada
kiiska guri ka saarida ahi kaliya waxa uu ku saabsanaa joogida guriga muddo dheer (iska fadhiya), ee kuma saabsanayn kiro bixin la’aan ama jabin heshiiska liiska guriga (axdi jabin), iyo
Ugu yaraan in mid kuwan soo socdaa uu run yahay:
Mudadii ama waqtigii kala soo noqodka la wareegida ama qandaraasku waa dhamaatay. Guriga waxa aad ka guurtay ka hor intii warqadaha guriga ka saarida ah aan la keenin.
Waxaad ahayd kireyste xilligii mudadda ka noqoshada la wareegida, xiligii joojinta qandaraaska. Liiskaagu waxa uu bilowday ka dib kolkii amaahda (mortgage) ama qandaraaska guri gadashadu ay bilaabantay. Laguma siin ogaysiis quman oo lagu dhamaynayo heshiiska liiskaaga, ama waxaa lagu siiyey ogaysiis quman oo lagu dhamaynayo heshiiska liiskaaga, laakiin kiiska guri ka saarida ahi waa uu bilowday ka hor maalinta ogaysiisku leeyahay waa inaad guurtaa.
Ogow: kiisaska guri la wareegida ah ugu yaraan ogaysiis 90-cisho ah ayaa inta badan la iska rabaa. Qandaraasyada guri kala gadashada, ogaysiis 12 bilood ah ayaa la iska rabaa. Hadii aadan hubin in ogaysiis quman lagu siiyey iyo in kale, eeg warqadayada xogta aruursan ee, Kolka Qolada Guriga Aad uga Jirto lagala Wareego Guriga: La Wareegida Guriga iyo Joojinta Qandaraaska Guri kala Gadashada.
Tirtirid caynkee ah ayaan codsadaa?
- Waa inaad mar walba codsataa tirtiradaada “awooda loo leeyahay.”Waa inaad dalbato labadaba tiririda “xaakimku awoodo” iyo kan “sharcigu” dhigayo.
- Waa inaad sidoo kale aad dalbataa tirtirida ‘dirqiga” ah haddii mid ka mid ah asbaabta ku xusan qaybtii ugu dambaysay ay adiga ku quseeyso.
Sidee ayaan ku ogaan karaa in wax ka khaldan yihiin kiiska qolada guriga?
Waa inaad codsato tirtirada “sharcigu qabo” hadii ay wax ka khaldanaayeen kiiska qolada guriga. Waxyaabo badan ayaa ka khaldanaan kara kiiska qolada guriga. Kiiska qolada guriga waxa uu lahaan karaa xaqaa’iq khaldan ama sharci khadlan ama labadaba.
- Xaqaa’iqa khaldan. Kiiska qolada gurigu waxa uu lahaa xaqaa’iq muhiim ah oo khaldan. Sida, qolada gurigu waxa ay tiri, ma aadan ku bixin kirada waqtigeedii la rabay in lagu bixiyo ama waxa aad ka baxday heshiiskii liiska, laakiin, waad og tahay in xaqaa’iqaasi ay khalad yihiin.
- Sharciga khaldan. Kiiska qolada guriga waxa uu lahaa sharciyo muhiim ah oo khaldan. Sida, warqadaha maxkamada markiiba lama keenin, ama kiisku waxa uu ku saabsanaa kiro bixin la’aan laakiin waxaa jiray waxyaabo guriga ka mid ahaa oo u baahnaa hagaajin.
Maxaan ku qori karaa warqadahayga tirtirida?
Waxa aad u baahan tahay inaad ka dhaadhiciso xaakimka inaad u qalanto tirtirid. Si khaas ah uga hadal sida kiiskani uu u saameeyey noloshaada. Waxay u badan tahay inaad hesho tirtirida aad doonayso hadii aad ka bixiso faahfaahino badan xaaladaada.
Ka hadalka waxyaabahaas oo kale waxay ay caawin inaad hesho tirtirida aad doonayso:
- Hadii guri ku saaridu ay sabab u ahayd daruufo adag oo nolosha ah oo ku haysatay adiga kolkaa, sida shaqo la’aan ama dhibaatooyin caafimaad.
- Hadii aad wali guriga ku nooshahay.
- Hadii tani ay tahay guri ka saaridii kuugu horeeysay waligaa.
- Hadii kiisku uu mar hore ahaa.
- Hadii kiiska aad xalisay aadna sameysay wax walba oo aad ku ogolaatay heshiiska waanwaanta.
- Hadii aad qolada guriga aad siisay wax kasta oo ay kugu lahaayeen.
- Sida guri ka saaridu ay kuugu adkayso adiga inaad guri hesho.
- Qor inta goor ee laguu diiday guri inta lacag ah ee aad ku bixisay khidmadaha codsiga.
- Sababta ay guri xasiloon oo amaan ahi ay muhiim uguu tahay adiga iyo qoyskaagaba, iyo sida guri ka saaridu ay kaaga hor istaagi karto helida guri.
Ka waran hadii aan kiradii bixiyey ka dib kolkii kiisku bilowda?
Bixinta waxa lagugu leeyahay kama bixiso kiiska diiwaankaaga. Bixinta waxa lagugu leeyahay ma balan qaado hubaal ah tirtirid.
Ka waran hadii qolada gurigu wali lacag igu leedahay?
Aad bay u adag tahay inaad hesho in kiis lagaa tirtiro hadii qolada gurigu ay wali lacag kugu leedahay. Inta badan waxaa fiican inaad sugto icodsashada tirtirida ka dib ilaa inta aad ka siinayso qolada guriga lacagta ay kugu leeyihiin. Haddii xaaladaada iminku ay aad xun tahay, ama mid ka mid ah asbaabta tirtirida “dirqiga” ah ay adiga ku quseeyso, xaakimku waxaa laga yaabaa inuu kaa tirtiro dacwada. Waxaa laga yaabaa inuu tirtiro dacwadda xataa haddii ay qoladda gurigu wali lacag kugu leedahay.
Marmarka qaarkood, xaakimka kiiska guri ka saarida ah waxa uu amraa inaad qolada guriga lacagtooda siiso. Taa waxaa la yiraa u xukmida lacagta. Ka hor inta qolada gurigu aysan ka codsan maxkamada in lacagtaa lagaa soo qaado, waa inay tagaan maxkamada (qaamaha yaryar) heshiisiinta. Tan waxaa la yiraa “gelinta” ama “diiwaangelinta” xukunka. Kolkaa waxa ay haystaan 10 sanno inay kaaga qaadaan lacagta lagugu xukumay. Marmarka qaarkood qolada guryahu ma ay qaadaan talaabadan ilaa iyo inta kiraystahu uu maxkamada ka waydiisanayo in kiiska laga tirtiro. Hadii qolada gurigu ay wali lacagtii kugu leedahay, isku day inaad la tashato qareen marka hore ka hor inaadan xareysan codsiga tirtirida ah.
Xataa hadii kiiska lagaa tirtiro, amaahda qolada gurigu kugu leedahay waxaa dhici karta inay lagu arko warbixin kiridhidkaaga. Qaar badan oo ka mid ah qolaha guryahu waxa ay eegaan labadaba warbixinada kiridhidyada iyo guri ka saaridyada kolka ay ka kiraynayaan guri qof.
Sidee ayaan maxkamada u waydiistaa tirtirida?
- Eeg dhamaan warqadaha maxkamada ee kiiskaaga guri ka saarida oo ay ku jiraan go’aanka maxkamada. Hadii aadan ka haysan nuqul warqadaha, tag maxkamada laga xareeyey ka dibna waydiiso nuqul. Waxaa dhici karta inay jiraan kharash la xiriira nuqulada (copies).
Diiwaanka maxkamaddu ma sheegayaa inaad xaq u leedahay tiririd dirqi ah? Maadaama sharciyo cusubi ay dhaqangali 2024, ayaa waxaa jira sababo badan oo ay dhici karto inaad xaq ugu yeelato tirtirid iskeed ah. Haddii ay suurtagal tahay, la kulan qareen yaqaan dacwooyinka guri ka saarida ah si uu kaaga caawiyo inaad eegto inay jiraan wax mudacyo ah oo laga yaabo inaad u hayso tirtirid dacwada ah.
Tirtirida Dirqiga ah ee ku salaysan sababaha 1-4 ama 7, ee kore, waxa aad heli kartaa tiritirid adigoon xareyn dacwo maxkamadeed. U qor maxkamadda warqad si aad uu sharaxdo sababta aad xaqqa ugu leedahay tirtirida dirqiga ah una geey warqadda garaaniga maxkamadda si ula xareeyo kiiska dacwadda. Waxaa jira foom ka hadlaya Codsiga Tirtirida Dirqiga ah oo ku lifaaqan warqadan xogta aruursan ah.
Haddii ay maxkamaddu ku tiraa waxa aad u baahan tahay inaad xareyso dacwo ama aad bixiso khidmad, raac tilmaamaha hoose. La hadal qareen si aad caawimaad iyo talo uga hesho haddii arrintan oo kale kugu dhacdo.
- Tirtirida uu Xaakimku Awoodo, midda Sharciga ah ama mid Dirqiga ah ee ku salaysan sababaha 5-6 ee kore, waxa aad u baahan tahay inaad xareysto dacwo si aad u hesho tirtirid. Waxaa jira foom Codsiga Tirtirida ah oo ku lifaaqan warqadan xogta aruursan.
- Waydii karaaniga inaad u baahan tahay inaad ku qorto waqtiga maxkamada Ogaysiiska Codsiga “(Notice of Motion)” iyo in kale. Degmooyinka qaarkood waxa ay rabaan inaad adigu ku qorto taariikhda, halka kuwa kalena aysan u baahnayn.
- U tag karaaniga si aad u eegto in xukun “la galiyey” kiiskaaga iyo in kale. Hadii ay taasi jirto, qaar ka mid ah karaaniyadu sidoo kale waxa ay kaa rabaan inaad buuxiso codsiga ah in lagaa qaado xukunka. Karaaniga waxaa dhici karta inuu kuu sheego inaad u baahan tahay in aad taa sameeyso waxa uuna ku siin foom.
- Waydii karaaniga tilmaamaha ku saabsan sida loogu geeyo “Codsiga” dhibanaha. Inta badan adigu waa aad u “geyn” kartaa codsiga adigoo boostada ugu dirayo ciwaanka laga hayo qolada guriga.
- Waxaa jira khidmad lagu bixiyo codsiga tirtirida. Hadii aad dan yar tahay, waxa aad buuxin kartaa foomka saamixidaha khidmadaha ee maxkamada (IFP). Foomkani waxa uu maxkamada waydiistaa in la saamaxo khidmadaha. Maxkamadu iyada ayaa haysa foomamkaa ama waxa aad ka sameynsan kartaa khadka. (ingiriisi kaliya)
Gal shabakada Forms.
- Riix "Court Fee Waiver (IFP)" (Saamixida Khidmada Maxkamada)
La imow cadeyn dakhligaaga ah, sida jeeg dabadood, ama cadeyn gargaar dowladeed inaad hesho ah.
Dacwada dhagaysigeeda tag adiga odiyaar ah. La imow wixii qoraalo ah ee aad ku dartay Codsigaaga, iyo wixii kale ee kaa caawin kara inaad cadeyso kiiskaaga. Keen cidii makhraati ah ee gargaari karta sheekadaada.
5. Waxaa jira khidmad lagu bixiyo codsiga tirtirida. Hadii aad dan yar tahay, waxa aad buuxin kartaa foomka saamixidaha khidmadaha ee maxkamada (Fee Waiver). Foomkani waxa uu maxkamada waydiistaa in la saamaxo khidmadaha. Maxkamadu iyada ayaa haysa foomamkaa ama waxa aad ka sameynsan kartaa khadka. (ingiriisi kaliya)
Gal shabakada www.lawhelpmn.org/forms.
Riix “Court Fee Waiver” (Saamixida Khidmada Maxkamada)
La imow cadeyn dakhligaaga ah, sida jeeg dabadood, ama cadeyn gargaar dowladeed inaad hesho ah.
Dacwada dhagaysigeeda tag adiga odiyaar ah. La imow wixii qoraalo ah ee aad ku dartay Codsigaaga, iyo wixii kale ee kaa caawin kara inaad cadeyso kiiskaaga. Keen cidii makhraati ah ee gargaari karta sheekadaada.
Maxaan sameeyaa hadii aan helo tirtirida aan codsaday?
Eeg diiwaanada maxkamada si aad u hubsato in kiiska lagaa saaray. Karaaniga maxkamada ayaa kuu sheegi doona kolka kiiska lagaa tirtiri doono iyo sida loo eego diiwaanada si aad u hubiso in lagaa saaray.
Shirkad baarida kiraystahu ma soo sheegi karto guri ka saarid hore kolka ay shirkadu og tahay in saaridaa hore la tirtiray. Waxaa jirta warqad ku lifaaqan warqadan xogta aruursan. Ka samee 16 nuqul warqadaa. Saxiix, ka dibna uga dir hal ay la socoto amarkaaga tirtiridu mid walba oo ka mid ah hay’adaha soo baarida kireystayaasha ee kor uga ku qoran warqada. Hayso warqada asalka ah ama nuqul kala har aad naftaada u haysato.
Hadii guri laguu diido, soo ogow hay’ada baarida kireystaha ee ay qolada gurigu isticmaashay. Wac shirkadaa baarida si aad u hubiso inaysan soo gudbinayn arrin kiis horey loo tirtiray ah. Eeg warqadayada xogta aruursan ah ee Soo Baarida Kireystaha si aad uga hesho akhbaar dheeraad ah.
Maxaan sameeyaa hadii xaakimku yiraa “maya”?
Sharcigu waxa uu siiyaa xaakimka awood badan oo uu ku go’aansado tirtiraadaha. Xataa hadii aad is leedahay waxa aad haysataa kiis fiican, sharcigu waxa uu leeyahay xaakimku wali waa uu oran karaa “maya” hadii taasi ay tahay waxa uu go’aansado inuu sameeyo. Marka kaliya ee uu xaakimku ay tahay inuu tirtiro kiiska waa haddii ay tirtiridu ‘dirqi’ tahay. Haddii aadan ku raacsanayn go’aanka xaakimka, waxa aad qaadan kartaa racfaan. LAAKIIN waxay u badan tahay maxkamadda xigta ee kiisku uu tagayo inay ku raaci go’aankii xaakimkii hore. Haddii aad u malaynayso in uusan xaakimku tixgelin dhamaan akhbaarta oo dhan ama uusan u isticmaalin sharciga si sax ah, la hadal qareen si aad u eegto inay tahay inaad racfaan qaadato iyo in kale.
Waa isku dayi kartaa inaad mar kale kiiska iska tirtirtid ka dib muddo markii ay ka soo wareegto ayna jiraan waxyaabo badan oo ka dhiga tirtirida kiiska adiga (kireystaha) wax aad uga muhiimsan ogaanta ay qolyaha guryaha ee mustaqbalku ogaanayaan kiiska. Kuwaasi waxay noqon karaan waxyaabahaha sida, ahaanta hoy la’aan, lacagta lagu kharash gareeyey khidmada codsiga ama in guryo lagaaga diiday meelo badan.
Eeg warqadayada Xogta aruursan ee Guri Raadinta iyo Soo Baarida Kireystaha, ee ku saabsan helida guri kolka ay diiwaanka kuugu jirto guri ka saarid hore.
Waxa aad xaq u leedahay inaad ku darto oraah sharxayasa wixii guri ka saaritaan hore ah diiwaankaaga soo baarida kireystaha. Hubi in warbixintaada soo baarida kiraystahu ay sax tahay. Waxaa kaloo dhici karta inay leedahay akhbaar kale oo khalad ah oo adiga kugu saabsan.
Shirkadaha soo baaritaanku waa ay soo sheegi karaan guri saaritaanada ah 7 saano, qolada guriguna waxa ay toos u eegi kartaa kiisaska maxkamada inta maxkamadu ay sii hayso kiisaska hore ee guri ka saarida. Waydiiso shirkadu inay saxdo wixii khalad ah ee ku jira warbixinta.