Si aad u dacwootid ku darid iyo ka goyn kaydi xaashida lacag bixinta (risiidka) marka aad qalabka dugsiga iibsatid , oo ay ku jiraan qalmaanta qoriga ah, qalimada, qalimada wax lagu midabeeyo, buuga wax lagu qorto, kaalkulaytar iwm.
Waxaad kaloo ku dacwoon kartaa kharajyada ay ka mid yihiin:
- Kharashkaadka qalabka kumbuyuutarka iyo soofti weerada tacliinta (ilaa iyo $200)
- Macallin caruurta wax kuu bara
- Buugagta waxlaga barto
- Kharajka gaadiidka ee la siiyay cid kale
- Casharada muusikada
- Barnaamijyada warbarasho ee dugsiga markuu dhamaado la bixiyo
- Xeryaha waxbarasho ee xagaaga
Qaar ka mid kharashaadka waxaa lagu xisaabiyaa jaritaanka laakiin laguma xisaabiyo kiridhidka. Tusaale ahaan, waxa aad u isticmaali kartaa kharashaadka khidmaha iskuuladda lacagta ah ama koorsooyinka kuleejka (inta ilmahaagu uu dhigto dugsiga sare) kaliya jaritaanka.
Qaar ka mid ah kharashaadka laguma xisaabin karo labada midna kiridhidka ama jaritaanada. Kuwaa waxaa ku jira kharashaadyada xeryaha kubada, ama casharada iyo socdaalada, jiifka iyo cuntada ee safarada fasalka ee habeenkii la dhaxayo.