Xayuubinta Xaquuqda Waalidka (TPR)
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxa macnaheedu yahay ka qaadida waalidka xaquuqda waalidnimo, habka, iyo sidda lagu soo ceshado xaquuqdaa ka dib ka qaadida.
Waa maxay macnaha xayuubinta xaquuqda waalidku?
Xayuubinta Xaquuqda Waalidka Macnaheedu waa qofka xaquuqdiisii waalidnimo ayaa laga qaadaa. Xayuubinta macnaheedu waa in la “joojiyo” wax. Qofku markaa wixii ka dambeeya ma aha waalidka sharciga ah ee ilmaha.
- Waalidku waxa uu waayi xaqqa booqashada ilmaha.
- Waalidku ma uu go’aansan karo sida ilmaha loo korinayo loona xanaanaynayo
- Ilmaha korsi qofka kale waa loo siin kartaa iyadoon waalidku golaan
Maxkamadahu waxa ka qaadaan xaquuqda waalidka si ay u ilaaliyaan amaanka ilmaha xaalada aadka u xun ku sugan ee la jooga waalidkooda. Waa wax aad naadir u ah in labada waalid midkood uu bilaabo dacwo si uu uga qaadayo xaquuqda waalidnimada waalidka kale. (Ka eeg arrintan qaybta ugu dambaysa ee warqadan xogta aruursan.
Xayuubintu waxa ay noqon kartaa mid “Ikhtiyaar ah” ama mid “Aan-Ikhtiyaar ahayn
Tan Ikhtiyaarka ah:
Xayuubinta ikhtiyaarka ah macnaheedu waa waxa aad ogolaadatay inaad faraha ka qaado xaquuqdaadii waalidnimo. Waxaa laga yaabaa inaad go’aansatay inaad arrintan sameyso waayo waxa aad is tiri waxa ay maslaxad u tahay adiga iyo ilmahaagaba waxaana jira sabab fiican oo loo sameeynayo. Sida, hadii ilmahaagu uu muddo dheer la joogay qoys loo geeyey, ama sabab ah in qofkii aad horey u wada jirteen uu guursaday qof doonaya inuu ilmaha isagu korsado. Ama waxaa dhici karta in saaxiib ama qof ehel ahi uu ogolaaday inuu la wareego korinta ilmaha.
Ogow: Maxkamadu kuuma ogolaanayso inaad faraha ka qaado xaquuqdaada waalidnimo hadii sababtu tahay inaadan doonayn inaad bixiso masaariifta ilmaha.
Aan-ikhtiyaar ahay:
Xayuubinta aan ikhtiyaar ka ahayn macnaheedu waa ma aadan ogolayn inaad faraha ka qaado xaquuqdaada waalidnimo, laakiin, si kastaba ha ahaatee ay maxkamadu go’aansato in ay kaa qaado xaquuqdaada waalidnimo.
Hadii maxkamadu ay kaa qaado xaquuqdaada waalidnimo, kaliya ma aad waayneysid xaquuqda waalidnimo ee ilmaha aad hadda haysato. Hadii aad ilmo kale dhasho mustaqbalka, maxkamadu waxa ay oran kartaa iyagana waalid fiican uma aad noqon doontid. Hay’ada Adeega Bulshadu waxa ay codsan kartaa in lagaa xayuubiyo xaquuqdaada durbadiiba kolka ilmahu uu dhasho.
Hadii xaquuqdayda waalidka la iga xayuubiyo, xiriir ma la yeelan karaa ilmaha?
Hadii uu jiro qof doonayo ilmahaaga inuu korsado aadna ogolaato inaad faraha ka qaado xaquuqdaada waalidnimo si hawsha korsigu u hir gasho. Adiga iyo qoyska ilmaha u qaadanaya inay korsadaani waa aad ka wada hadli kartaan aadna go’aansan kartaan hadii adiga ama qof kale oo ehel ah uu booqan karo ama ay iska warqabi karaan ilmaha.
Hadii ilmahaagu uu la joogo qoys ay dowladdu u gaysay, hay’ada ilmaha qoyskaa u gaysay, waa in ay ansaxisaa heshiiska la xiriirka. Waxaa aad ka xareyn heshiiskan maxkamada.
Siddee ayaa xaquuqda Waalidka loo xayuubiyaa?
-
hadii ay degmaddu hesho warbixin sheegaysa dayac iyo saxariirin, waxa ay sameeyaan baaritaan. Eeg warqadayada xogta aruursan ee Dhowrista Carruurta . Iyadoo hadba ku xiran waxa ay soo ogaadaan, ayaa waxaa dhici karta inay u gudbiyaan kiiska xafiiska xeer-ilaaliyaha degmada si uu uga codsado maxkamada waxa la yiraa codsiga (CHIPs). CHIPS waxa ay u taagan tahay “Ilmo u Baahan Ilaalin ama Adeegyo.”
-
Hadii xafiiska xeer-ilaaliyaha degmaddu uu xareysto codsiga (CHIPs) waxa ay waydiisanayaan maxkamada inay xukunto in ilmahaagu ay yihiin ilmo u baahan ilaalin iyo adeegyo.
-
Hadii xaakimku uu ku raaco dowlada arjigeeda, qorshe kiis ayaa la sameeyaa. Qorshaha kiisku waxa uu ku siin adiga fursad aad wax uga qabato dhibaatooyinka jira ee ay maxkamadu leedahaay waxa ay u baahan yihiin in wax laga qabto si kolkaa ay ilmahu adiga kuula noolaadaan.
-
Hadii aadan u hogaansamin qorshaha kiiskaaga ama aadan horukac ka sameyn dhanka wax ka qabadka dhibaatooyinka jira, degmaddu waxaa ay xareyn kartaa kolkaa codsi cusub oo ay maxkamada ku waydiisanayso in lagaa xayuubiyo xaquuqdaada waalid.
Marmarka qaarkood, kolka ay jiraan xaaladaha aadka u culusi, degmadu waa ay boodi inay marto habka (CHIPS) waxa ayna xareysan codsiga xayuubinta xaquuqda waalidka. Codsiga lagu codsanayo in lagaa xayuubiyo xaquuqdaada waalidnimo waa khasab inuu ku siiyo sababta sharciga ah ee xayuubinta ka dambaysa. Arrintan waxaa loogu yeeraa “asbaabta” xayuubinta.
-
Haddii uu xeer-ilaaliyahu dowladdu uu xareeyo dacwo uu ku Xayuubinayo Xaquuqdaada Waalid, waxa aad haystaa 2 waxyaabood oo aad kala dooran karto.
-
Waxa aad ogolaan kartaa ama aad ku raaci kartaa xayuubinta xaquuqdaadda waalid. Tan sidoo kale waxaa la yiraa xayuubinta ikhtiyaarka ah. Waxa aad faraha ka qaadaysaa xaquuqdaada aad dhagaysi mudac maxkamameed u lahayd.
-
Waa aad diidi kartaa waxa ay dowladdu ay tiraahdo waxaadna heli dhagaysi mudac maxkamadeed.
-
Haddii aad ku leedahay dacwo dhagaysi maxkamad, xeer-ilaaliyaha degmaddu waxa uu isku dayaa inuu cadeeyo in xaquuqahaaga lagaa xayuubiyo. Xeer-ilaaliyaha degmaddu waa khasab inuu sidoo kale cadeeyo in degmaddu ay intii ay awoodeeda ah ay isku dayday in adiga iyo ilmahaaga dib loo mideeyo.
Waa khasab inay ku cadeeyaan waxyaabahaa siyaabo ah “daliilo cadcad oo la garan karo.”
-
Ka dib kolka labada dhinacba ay soo bandhigaan daliilahooda, xaakimka ayaa go’aansada inay tahay in xaquuqda waalidka la xayuubiyo iyo in kale.
-
Hadii xaquuqdaada lagaa xayuubiy, waalid kalena uusan jirin, kolkaa degmaddu waxa ay eegi inay hesho qoys ilmahaaga u qaata inay korsadaan iyagu. Hadii ay jiraan dad kale oo ehel ah oo doonaya inay iyagu qaataan ilmaha, dadkaa ehelka ah waxa ay ka xareysan karaan maxkamada waxa la yiraa Arjiga Fara-gelinta. Maxkamada ayaa haysa fooomamka ama waxa aad ka heli kartaa iyaga shabakada www.MNcourts.gov iyadoo ku hoos jira “Get Forms” (Hel Foomamka). Riix “Child Protection” (Ilaalinta Ilmaha).
Waa maxay xaquuqahaygu xilliga dhagaysiga maxkamaddu?
-
Waxa aad xaq u leedahay mudac maxkamadeed. Khasab kuguma aha inaad ogolaado xayuubinta xaquuqdaadda waalid.
-
Waxa aad xaq u leedahay qareen inaad hesho. Haddii aadan awoodin inaad qabsato qareen, waa KHASAB in maxkamaddu mid kuu qabato. Ka dalbo qareen maxkamaddu kuu magacowdo barta www.lawhelpmn.org/self-help-library/legal-resource/apply-court-appointed-lawyer-chips-case.
-
Waxa aad xaq u leedahay inaad soo bandhigto daliilo cadeynaya in dowladdu aysan haysan sabab sharci ah oo ay ku xayuubin karto xaquuqdaadda waalid. Ama inaysan si weyn isugu dayin in adiga iyo ilmahaaga dib loo mideeyo.
-
Waxa aad xaq u leedahay inaad u yeerto makhraatiyaal kuu fura makhraati. Adiga naftaaddu makhraati waa aad isu noqon kartaa.
-
Waxa aad xaq u leedahay inaad imtixaanto makhraatiyaasha kaa dhanka ah ee dowladda. Taa macnaheedu waa waxa aad waydiin kartaa su’aalo makhraatiyaasha dowladdu u yeerto si ay makhraati ugu noqdaan.
Waa maxay sababaha sharciga ah ee loo cuskado ka xayuubinta xaquuqda waalidka?
Waxaa jira 9 sababood oo sharci ah ama “asbaabo” oo waalidka xaquuqda waalidnimada looga xayuubiyo Minnesota.
- Cidlayn- Ka soo bixi waaga ka warqabka ilmahaaga ama danayn waaga hagaagsanaantooda muddo 6-bilood ah iyadoo aysan wax sabab fiican ahi aysan jirin.
- Dayac – hadii aad siin karto waxa ay ilmahaagu u baahan yihiin laakiin aadan siin, kolkaa waa aad dayacaysaa ilmaha. “Baahida” waa waxyaabaha sida cuntada, hoyga, tacliinta, dharka, iyo daryeelo kale si kolkaa ay ilmahu u koraan ayna u noqdaan kuwo caafimaad qaba.
- Dhaqaale ahaan gargaarid la’aanta – Waxaa jira amar maxkamadeed oo ah masaariifta ilmaha, laakiin ma aadan bixin waxba. Tan macnaheedu ma aha dhowr goor oo aad gaftay inaad bixiso masaariifta ama hadii aadan u bixin karin masaariifta sabab macquul ah awgeed.
- Waalid aan qumanayn- Waxaa laguu arki karaa in aadan qumanayn hadii habdhaqankaaga ay ka muuqato in aadan awoodi karin ama aadan doonayn inaad daryeesho ilmaha caafimaadkooda jirka, caadifada, ama madaxa.
- Wax ka qabad la’aanta sababaha dowladdu ilmaha ugu meelaysay dadka kale?
- ilmahu waxa ay guriga ka maqnaayeen muddo 12-bilood ah oo ka mid ah 22-bilood ee la soo dhaafay, ama 6-bilood hadii ay ka yar yihiin 8-sanno,
- uu jiro qorshe ilmaha guriga dibadiisa lagu meelaynayo oo ay maxkamadi amartay, adiguna aadan u hogaansamayn qorshahaa, ama aadan wax ka qabanayn dhibaatooyinka iyo
- adeegyada bulshadu ay isku dayeen inay ka caawiyaan in qoyskaagu dib isugu soo noqdo laakiin ay taasi shaqeyn wayday
- Waxyeelo xad-dhaaf ah - Ilmaha si xun ayaa wax loo yeelay intii gacantaada ku jireen.
- Aabaha ilmaha dhalay oo la la’ yahay - Kani waa aabe:
- Aysan hooyada isqabin kolkii uu ilmahu dhalanayey ama uu calool galayey
- Aan lagu qoran warqada dhalashada ee ilmaha
- Aan ilmaha shaqo ku lahayn
- Aan ilmaha wax tarin iminka,
- Aan lagu diiwaan gelin diiwaanka ilmo korsiga ee aabaha
- La dayacay dowladuna meel gaysay - Tan macnaheedu waa ilmahaaga dowladdu waxa ay ku meelaysay meel kale gurigaagana ma ay imaan karaan waayo wax kama aadan qaban dhibaatooyinkii ama ma aadan isticmaalin khayraadyadii lagu siiyey adiga.
Sidoo kale macnaheedu waxa uu noqon karaa in aadan booqan doonin ama aadan dhaqaale ahaan gargaari doonin inta ay joogaan meesha dowladu gaysay.
- Ku helida dambiyo cul-culus - Hadii lagugu helay dambi ah inaad dishay ama aad gacanqaad xun u geysatay ama fara-xumaysay ilmo.
Xaquuqdayda ma la iiga xayuubin karaa uun sabab ah in noloshaydu hadda ay adag tahay?
Xaquuqdaada lagaagama xayuubin karo uun sabab ah in aadan dhaqaale ahaan iyo korin ahaanba aadan u daryeeli karin ilmahaaga. Taa macnaheedu waa naafa ahaanta, hoy la’aanta ama sabool ahaantu ma aha sababo fiican oo lagu xayuubiyo xaquuqdaada. Hawl-wadeenada bulshada ayaa kaala shaqeyn kara adiga inaad hesho khayraadyo ku caawiya.
Ka waran hadii aan xabsi ku jiro?
Xabsi ku jiridu ma aha sabab fiican oo lagu joojin kara xaquuqdaada. LAAKIIN, waa la eegi karaa iyada iyo waxyaabo kale si loo cadeeyo inaadan qayb ka ahayn nolosha ilmahaaga. Waa muhiim inaad intii aad awoodo aad xiriiriso ilmahaaga si aad isaga ilaaliso inaad waydo xaquuqdaada. Meel dhigo nuqulada warqadaha aad u dirto ilmaha meelna ku qoro wicitaanada iyo booqashooyinka ilmahaaga.
Ogow: Hadii lagugu helay dambiyada cul-culus qaarkood, waa inaad cadeyso inay tahay maslaxada ilmahaaga inay iyagu ku soo booqdaan adiga.
Ma u baahnahay qareen?
Amuurtani waa mid aad u culus. Waxa aad xaq u leedahay qareen, runtii waa ra’yi wacan inaad qareen hesho. Waxa aad heli kartaa qareen lacag la’aan ah oo maxkamaddu kuu magacowdo hadii aadan awoodin inaad la baxdo mid kharashkiisa. Ka dalbo qareen maxkamaddu kuu magacowdo barta www.lawhelpmn.org/self-help-library/legal-resource/apply-court-appointed-lawyer-chips-case.
Buuxi foomka la yiraa Affidavit for Court-Appointed Attorney (Dhaarta Qareen Maxkamadi Magacowday). Waxa aad ka heli kartaa foomkaa maxkamada deegaankaaga ama khadka (on-line) ee www.mncourts.gov qaybta Hel Foomam “(Get Forms)” ka dib Ilaalinta Ilmaha “(Child Protection.)”
Maxkamada ayey jirtaa inay go’aansato in aadan runtii awoodin inaad qareen qabsato iyo in kale, kolkaa hubi inaad tuso cadeyn fiican.
Ama waxa aad qabsan kartaa qareen adiga jeebkaaga ah.
Xaquuqdaydu ma ka duwan tahay kuwa dadka kale hadii aan ahay waalid “Ilmo Hindida” Mareykanka ah haysta?
Haddii ilmahaagu ay ka tirsan yihiin qabiil Hindida Mareykanka ah ama ay xaq u leeyihiin ka tirsanaan qabiil, kolkaa xeerarka ku saabsan xayuubintu waa ay ka duwan yihiin kuwa dadka kale waayo waxaa jira sharci la yiraa Sharciga Hagaaginta Ilmaha Hindida ah [Indian Child Welfare Act (ICWA)].
Sharciga (ICWA) waxa uu yiraa maxkamadu ma ay xayuubin karto xaquuqdaada waalid hadii uusan xiliga dhagaysiga dacwadaada uusan maxkamada xaadir ku ahayn wakiil qabiil ama uu soo xareeyey wakiilku Warqada Dhaarta Makhraatiga Sharciyeysan uuna ku raaco joojinta xaquuqda. Si uu u joojiyo xaquuqdaada waalidnimada, xaakimku waa khasab inay ka dhaadhacdo “shaki la’aan” in ogolaanshaha in ilmahu kula sii joogaan ay u “badan inay keento waxyeelo weyn oo jir ahaan iyo maskax ahaan u soo gaarta ilmaha.” Tan macnaheedu waa xaakimku kaama uu qaadi karo xaquuqdaada waalidnimo aan ka ahayn inay gabi ahaanba hubaan in u ogolaanta in ilmahu adiga kula sii joogaan ay waxyeelayso ilmahaaga. Eeg warqadayada xogta aruursan ee Your Rights Under the Indian Child Welfare Act (Xaquuqdaada sida uu Dhigayo Sharciga Hagaaginta Ilmaha Hindida ah).
Wixii kale ee akhbaar ah kala xiriir Rugta Sharciga ICWA (ICWA Law Center) ee khadkeedu yahay 1-866-879-0123 ama booqo shabakadooda (website) ah http://www.icwlc.org.
Ilmahayga ayaa la iga kaxaysay. Goorma eyey degmadu isku dayi kartaa inay iga xayuubiso xaquuqdayda waalid?
Badanaa degmadu waa khasab inay kuugu baaqdo adeegyo si ay kaaga caawiso adigu inaad wax ka qabato arrimaha dhaliyey in ilmaha meel kale lagu meeleeyo. Xaakimka iyo hawl-wadeenka degmadu, waxaa dhici karta inay arrintaa ugu yeeraan “Sameynta dadaal macquul ah” ama kiisaska uu quseeyo sharciga hagaaginta Ilmaha Hindida ah “sameynta dadaalo firfircoon.”
Haddii ilmahaaga lagaa kaxaysto, maxkamaddu waa khasab inay ku qabato dhagaysi dacwo dib eegid ah 6 bilood gudahood si ay u eegto horukacaaga ku saabsan qorshahaaga kiiska.
Laakiin, hadii aad wali ka shaqeynaysay qorshaha kiiskaaga aadna booqanaysay ilmahaaga, maxkamadu waxa ay ku siin kartaa 6-bilood oo kale si aad ugu soo dhamaystirto qorshahaaga kiiska ka hor dhagaysiga dacwada. Dacwada dhagaysigeeda ka dib, maxkamadu waxaa dhici karta inay amaro degmadu inay soo xareysato arjiga rasmiga ah.
Kolka ilmaha uu la joogo dadka loo geeyo 12 bilood, degmaddu waxa ay xareysataa arji. Arjigani waxa uu waydiistaa maxkamaddu inay go’aansato meesha uu ilmahaagu ku noolaan doono haddii aan guriga qoyskoodu lagu soo celin karin. Waxyaabahaa “rasmiyeynta” ah ee la kala dooranayaa inta badan waa:
xayuubinta xaquuqda waalidka si kolkaa uu ilmahu xor ugu noqdo in korsi loo qaato, ama
lagu wareejiyo haynta sharciga ah ee ilmaha qaraabo
Kiisaska qaarkood, degmaddu ma aha inay sameyso dadaal macquul ah si ay ugu soo celiso ilmaha gacantaadda. Sidda haddii xaquuqdaadda ilmaha aad ku haysanayso horey si aan ikhtiyaar ahayn lagaaga xayuubiyey ama haddii aad si xun waxyeelo ugu gaysatay ilmahagaaga.
Xeerar kale ayaa quseeya kolka ilmo uu waalid meel geeyo si uu uga helo daryeel iyo dabiibid.
Haddii aan ogolaado in ciyaalkayga dowladdu ay meel kale oo lagu haynayo ay geyso sababtoo ah waxa ay u baahan yihiin in guriga meel ka baxsan lagu hayo si loo daryeelo ama loo daweeyo, xaquuqdayda waalidnimo miyaa la iga xayuubin?
Haa, laakiin waa inay noqotaa mid ka mid ah sababaha sharciga ah ee kor ku xusan “Waa maxay sababaha sharciga ah ee xayuubintu?”
- haddii aad ogolaato ilmahaaga dowladdu inay geyso meel si ay u helaan daweyn IYO
- ilmahuna uu ku sii nagaado meeshaa uu daryeelka ka helayo 13 bilood laga bilaabo maalinta heshiiska ikhtiyaarka ah ee ilmaha lagu geynayo goobta lagu haynayo uu dhaqangalo, AMA
- uu ilmahu joogay meel lagu meeleeyey 15 ka mid ah 22 bilood ee ugu dambeeyey, hay’adda waa ku khasab:
- inay ku soo celiso ilmaha gacantaadda: AMA
- ay go’aasato inay jiraan sababo fiican oo ilmaha loogu haynayo meelaynta ikhtiyaarka ah ayna waydiisato xaakim inuu ansaxiyo go’aankaa AMA
- inay xareyso arji lagu joojinayo xaquuqdaada waalid
Maxkamaddu waa khasab inay dacwo qaado si ay u go’aansato meesha uu ilmahaagu ku noolaanayo. Waxaa dhici karta inay:
- Ku soo celiso ilmaha gacantaadda
- Ay ansaxiso in ilmahaagu uu sii joogo goobta sidda ikhtiyaarka ah loogu meeleeyey ama
- Go’aansato in ku sii heynta meesha sidda ikhtiraarka ah loogu meeleeyey aysan ahayn maslaxadda ilmahaaga. Kolkaa hay’addu waxa ay waydiisan degmaddu inay maxkamadda ka xareyso arji u doonaya meelayn rasmi ah ilmahaaga.
Waxyaabahaa “rasmiga” ah ee la kala dooran karo inta badan waa:
- xayuubinta xaquuqdaadda waalid si kolkaa uu ilmahu xor ugu noqdo in dad kale oo korsanayaa ay qaadan karaan, ama
- ku wareejinta haynta sharciga ah ee ilmaha qof ehel ah
Maxaan sameyn karaa si aan isaga ilaaliyo in aan xaquuqdayda waalid la iga xayuubin?
- hadii ilmahaaga lagaa kaxeysto ama kiis (CHIPS) ah la xareystay, walina aan la sameyn codsi ah xaquuq xayuubin, waxa ugu roon ee kolkaa aad sameyn kartaa waa inaad u hogaansanto qorshaha kiiskaaga. Hadii aadan fahmin waxa lagaa rabo inaad sameyso, waydiiso qareenkaaga ama hawl-wadeenka kiiskaaga ku shaqada leh inay kuu sharxaan. Kala shaqee hay’ada adeegyada bulshada inaad hesho adeegyada aad u baahan tahay si aad u haysato ilmahaaga ama aad ula soo noqoto ilmahaaga si dhaqso leh.
- Hadii arji lagu joojinayo xaquuqdaada jaa la xareeyey, kala shaqee qareenkaaga si aad maxkamada u tuso in sii haysiga xaquuqdaada waalidku uu tahay wax dani ugu jirto ilmahaaga. Tus maxkamada inaad aad iyo aad ugu dadaalayso inaad sameyso waxa walba oo dani ugu jirto ilmahaaga. Tus waxa aad sameynayso si aad wax uga qabato dhibka jira.
- Hadii ay u badan tahay in maxkamadu ay kaa xayuubin doonto xaquuqdaada waalidnimo, waxa aad waydiisan kartaa maxkamada intii ay taa sameyn lahayd inay si rasmi ugu wareejiiso haynta iyo korinta sharciga ah ee ilmaha saaxiib, qof ehel ah ama qoys kale oo ilmaha haya.
- Wareejinta haynta ilmahu waxa ay kuu ogolaataa inaad sii haysato xaquuqdaada waalid adigoo isla markaana hubinayo in ilmahaagu ay helaan goob rasmi ah oo ay ku noolaadaan. Ilmahaagu adiga kulama ay noolaanayaan, qof kale ayaana u gaaraya go’aanada muhiimka iyaga, laakiin, wali waxa aad awoodi inaad aragto aadna la hadasho iyaga hadii qofka hayaa uu yiraa waa hagaag kuwaasi ama hadii ay maxkamadu amarto waqti booqasho waalid ah. Maxakamadu waxa ay amri kartaa booqashooyin kormeerid wata oo ilmaha iyo waalidka booqanayaa aysan isku cidlaysan.
- Xataa haddii aad haysato qorshe maxkamadi amartay, qofka ilmaha hayaa waa uu kaa hor istaagi karaa inaad aragto iyaga hadii aad sarkhaan tahay, ama moondooriye aad soo isticmaashay ama aad u dhaqmayso si khatar ah kolka aad timaado guriga.
- Maxkamadu waa ay bedeli kartaa qorshaha booqashada hadii waxyaabo noloshaada ka mid ahi ay isbedelaan. Waxa ay go’aansan kartaa inaad la qaadato waqti badan ama waqto yar ilmahaaga.
- Hadii qofka ilma hayaa uusan si fiican u daryeelayn, aadna noloshaada iyo deegaankaaguba ay yare xasiloon yihiin, waxa aad tagi kartaa maxkamad waxa aadna waydiisan kartaa in haynta ilmahaaga laguu soo celiyo. Xaakimka ayaa go’aansan cidda haynaysa ilmaha iyadoo ku salaysan waxa xaakimku uu u malaynayo inay tahay maslaxada ilmahaaga.
Ma aan ka qaadi karaa xaquuqda waalidka kale ee ilmaha?
Uma badna maya. Maxkamadahu badanaa waxa ay aaminsan yihiin in ilmahu ay lahaadaan 2 waalid mana doonayaan inay ka qaadaan xaquudda waalidnimada mid ka mid ah labada waalid aan ka ahayn kolka ay jirto sabab aad macquul u ah. Arrintani waa ay jirtaa xataa hadii labada waalid ay heshiis ku yihiin qaadida xaquuqda.
Waa muhiim in la xusuusnaado in xayuubinta xaquuqda waalidku sidoo kale ay joojinayso dhamaan wixii waajib masaariif ilmood ahaa oo dhan.
Inta badan sababta kaliya ee lagu joojiyo xuquuqda waalid kale ee ilmahu waa hadii qofka aad hadda isqabtaani uu doonayo inuu ilmaha asagu korsado. Hadii waalidka kale ee ilmahu uu ogolaado korsiga ilmaha uu korsan qofka aad isqabtaani, waxa aad ka xareysan kartaa arji Maxkamada kurayda ee deegaanka si aad ugu waydiisato maxkamadu inay joojiso xaquuqdii waalidka kale ayna u ogolaato in xilahaagu uu u korsado ilmaha isagu. Waalidka kale ee ilmahaagu waxa uu u baahan yahay inuu ku bixiyo ogolaanshahiisa arrintan qoraal ahaan.
Laakiin taasi ma aha wax suurtagal ah hadii:
- Hadii aadan dib u guursan ama
- Aad guursatay uusana xilahaagu doonayn inuu korsado ilmaha, ama
- Waalidka kale uusan ogolaan joojinta waalidnimada ilmaha, ama
- Adiga iyo ilmahaagu aad wuxuun manfacyo dowladeed ah aad heshaan. Ka qaadida waalid xaquuqda waalidnimadu waxay kaloo ka qaadaa waajibkoodii ahaa inay gargaaraan ilmaha. Hadii ay suurtagl tahay inay wuxuun kaalmo ah ay u awoodi karaan ilmaha, kolkaa dowladdu ma ay rabto inay dhamaato xaquuqdooda waalidku, hadii taa macnaheedu yahay in adiga ama ilmahu aad u baahan tihiin manfacyo dowladeed.
Hadii aad qabto in ilmahaagu aysan amaan ku ahayn la joogida waalidka kale, tag Maxkamada Qoyska, ka dibna waydiiso amar bedelaya ama xadidaya waqtiga waalidka kale ilmaha uu haysanayo. Waxaad kaloo waydiisan kartaa booqashooyinka kormeerka leh. Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan amarada waqtiga waalidka, ka eeg warqada xogta aruursan ee Waqtiga Waalidka (Booqashada) iyo Qorshayaasha waalidka.
Ka Waran hadii xaquuqdaydii hadda la xayuubiyey?
Waxa aad ka qaadan kartaa racfaan go’aanka maxkamada. Racfaanku waa waydiisiga in xaakim go’aankiisa ay dib u eegto maxkamad isaga ka sareeysa, Racfaanka waxaa loo baahan yahay in lagu sameeyo 20-cisho gudahood oo ka bilaabi maalinta amarka la soo saaray.
Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan sida loo xareysto racfaan waxa laga heli karaa shabakada (website) Maxkamada Racfaanada ee http://www.mncourts.gov/CourtOfAppeals.aspx. Riix badhanka “Mawduucyada Caawinta ee Maxkamada Racfaanka” (“Court of Appeals Help Topics”).
Kiisaska qaarkood ee ilmaha roonroon, degmadu waxa ay waydiisan kartaa maxkamada si dib loo soo celiyo xaquuqdii waalidka. Eeg warqada xogta aruursan ee Waligay Guriga mar Kale ma ku noqon karaa Hadii Waalidkay Xaquuqdii laga Qaaday?
Dib ma u soo ceshan karaa xaquuqdaydii waalid ka dib kolkii la iga qaaday?
Waxaa laga yaabaa inaad dib u soo ceshan karto xaquuqdaadii waalid marmarka qaarkood.
Ka hor inta aadan bilaabin hawsha dib u soo celinta xaquuqdaadii waalid ee lagaa qaaday, waa khasab in:
- Aad horey ugu lahayd xaquuq waalid ilmahaaga uu amarkii hore ee maxkamadu uu kaa qaaday xaquuqdiisa sida uu dhigayo sharciga (Minnesota Statutes, section 260C.317)
- Aad wax ka qabatay waxyaabihii kalifay xaq qaadida markii horeba
- Aad diyaar u tahay aadna awoodo inaad siiso daryeelka maalin walba ah ilmahaaga, aadna ilaaliso caafimaadkooda, amaankooda, iyo hagaagsanaantooda.
Si xaquuqdaadii waalid dib loogu soo celiyo, ilmahoodu waa khasab inuu:
- Uu ku jiray goobaha ilmaha dowladu gayso ugu yaraan 48-bilood ka dib kolkii ay maxkamadu soo saartay amarka joojinayey xaquuqda waalidka
- Aan korsi loo qaadan (ka eeg xiriirka hoose ee MN DHS wixii akhbaar ah ee khaas ah ee ku saabsan shuruudan)
- Aan ku jirin heshiis qoran oo ah ku meelayn ilmaha cid korsata
Dib u soo celinta xaquuqda waalidka ee la qaaday LAMA ogola hadii:
Waalidka xaquuqdooda horey loo joojiyey iyadoo joojintaa lagu saleeyey go’aan sharci oo ahaa tacadi galmada ah, fal kale oo keenay geerida ilmo yar
ama
lagu helay wax dambi ah oo ku jira liiska MN ee qaybta qodobada sharciga ah ee (260C.007, subdivision 14). Gal shabakada www.revisor.mn.gov/statutes/ ka dibna geli taa meesha waxa la baarayo lagu qoro.
Hadii aad isku dayeyso inaad dib u soo ceshato xuquuqdaadii waalidnimo, waxa aad u baahan tahay inaad ogaysiiso hay’ada adeega bulshada ee ilmahaaga. Waxa aad u baahan tahay inaad isticmaasho foomka Waaxda Adeega Bulshada (Department of Human Services) ee DHS-7949-ENG, ugu yaraan 45-cisho ka hor inta aadan xareyn arji.
Si aad u hesho foomkan gal shabakada https://mn.gov/dhs/.
- Meesha “Sidee ayaan” (“How do I?”) ee baarida ka dooro “eDocs iyo foomamka" (“eDocs and forms”)
- Geli “DHS-7949-ENG” meesha wax laga baaro
Arjigu sidoo kale waa inuu ka soo baxaa shuruudaha ku xusan Qodobka Sharciga ah ee Minnesota ee Minnesota ee 206DC.329
Tani waa arrin adag oo ay KHASAB TAHAY IN LOO SAMEEYO SI SAX AH. Waxaa roon in lala tashado qareen ka hor inta aan la isku dayin dib u soo celinta xaquuqda waalidka hadii xaquuqdaa lagaa qaaday.