Hadii aad doonayso adeegyada tababarada naafadu inay kaa caawiyaan inaad shaqo hesho ama shaqo ka sii shaqayaso, waa khasab inaad codsato. Nidaamyada codsigu waa kala duwan yahay iyadoo hadba ku xiran barnaamijka aad codsanayso.
Adeegyada Tababarada Xirfadaha (VRS)
Waa inaad wacdo ama aad tagto xafiiska deegaankaaga ee hay’ada (VRS). Hadii aadan aqoon meesha ku yaal xafiiskaaga kuugu dhow, wac xafiiska weyn ee (VRS) ee St. Paul. Waa ay ku sheegi karaan meesha xafiiska kuugu dhowi uu ku yaal waxayna ku siin karaan lambar telefan.
Xafiis weyn ee (VRS) ee St. Paul:
Magaalooyinka mataanaha ah (Metro Twin Cities Voice): 651-259-7366
Ka dib kolka hay’ada VRS ama SSB ay go’aansato inaad xaq u leedahay adeegyada, adiga iyo la taliyahaaga xirfadaha waxa aad ka wada shaqysaan qorshe shaqo. Qorshaha Shaqadu (EP) waxa uu dejiyaa hadafyadaada shaqo iyo wixii adeeg iyo qalab ah ee aad u baahan tahay si aad u gaarto hadafyadaada.
Adeegyadan soo socda waxaa kharashkooda la bixiyaa hadii ay muhiim u yihiin shaqo helitaada iyo sii wadashada shaqadaa. Qorshahaaga shaqo waxay u badan tahay inay ku jiri doonaa mid in ka badan oo adeegyadaa ah hadii aan laga heli karin ilo kale:
qiimeyn lagu ogaanayo xaq u yeeladka iyo/ama baahi adeeg inay jirto
la talin dhanka tababarada ah, hagid, iyo u gudbin adeego
daryelid si loo saxo cilad si kolkaa aad u shaqeyn kartid. Daryeelida kharashkeeda ma ay bixin karaan ilo kale. Kuwani waxay noqon karaan waxyaabaha sida xubnaha caaga ah ee jirka, ookolyaale ama dabiib dhanka miyirka ah oo aysan bixin ilo kale oo dhaqaale.
Adeegyada xirfadaha iyo tababarada, oo ay ku jiraan kharashka waxbarashada khidmaha, buugaagta iyo alaabta.
Bixinta siyaadada ee kharashaadka nolosha ee soo baxa inta ad ka qaybgalayso barnaamijka tababarka xirfadaha
gaadiidka, la xiriira wixii adeegyo tababarka xirfadaha ah
adeegyada xubnaha qoyska, hadii loo baaho, si lagaaga caawiyo inaad hesho shaqo siina wadato