- Waa khasab inaad qoraal ahaan ku codsato adigoo warqad qoraya ama u diraya foomka codsiga oo buuxsan barnaamijka SSB.
Si aad u hesho codsi, wac:
- (agagaarka beledyada): (651) 539-2300
- Khadka Lacag La’aanta ah: 1(800) 652-9000
Waydii inaan la hadasho qof ka tiran Qaybta Horumarinta Shaqo-ku-jaynta.
Waxaad kaloo isticmaali kartaa khadka (online) ee codsiyada akhbaarta ee https://mn.gov/deed/ssb/about/contact/locations/ssbinfoform.jsp.
Waa khasab inaad saxiixido foomka “bixinta akhbaarta.” Taasi waxay u ogolaan barnaamijka SSB inuu helo akhbaartaada caafimaad si u uu cadeeyo inaad indhaha naafo ka tahay.
- Arrimaha intooda, la taliyaha SSB ku waxa uu kugula kulmaa adiga bil gudaheed kolka aad codsiga xareysato. La taliyahu waxa uu kuu sharxi kolkaa hanaanka xirfadaynta iyo mashaariicda kala duwan ee uu fidiyo barnaamijka SSB. Waxaa kaloo dhici karta inaad u baahato inaad ka qaybgasho fadhi akhbaar aqoon-iswaydaarsi ah oo ku saabsan adeegyada SSB.
La taliyahu waxa uu ku waydiiyaa adiga wixii akhbaar ah ee uu u baahan yahay si ay u ogaadaan xaq u yeeladkaaga. Waxay noqon karaan waxyabaha tarriikhdaada shaqo, tacliintaada, tababaradaada, awoodahaaga iyo xiisahaaga, baahida xirfadeynta, iyo hadafyada meheradaha suurta gal ah.
Kolka uu soo aruurinayo akhbaarta, barnaamijka SSB waxa uu eegaa akhbaarta jirta intii la awoodo. Hadii taasi aysan ku filnayn in la go’aansado xaq u yeeladka adeegyada, barnaamijku waxa uu kala shaqeeyaa adiga sidii laguugu heli lahaa akhbaarta kale ee uu u baahan yahay. Hadii uu jiro wax kharash ah oo ku baxaya helida akhbaartaa, waxa aad waydiisan kartaa barnaamijka SSB inuu isagu bixiyo.
Go’aamada intooda badan waxaa lagu gaaraa 60-cisho gudahood laga bilaabo maalinta codsiga aad keentay. Hadii waqti kale loo baahdo, SSB waa inay adiga kula hadashaa si kolkaa labadiinuba aad u wada gaartaan heshiis ku saabsan waqti kordhinta.