- Waa in aad telefoonka kula xiriirtaa ama aad booqataa xafiiska VRS. Haddii aadan garaneyn halka uu ku yaalo xafiiska kuugu dhow, la xiriir xarunta VRS ee St. Paul. Iyaga ayaa kuu sheegaya xafiiska aad la xiriireyso.
Xarunta VRS Office ee St. Paul:
- Telefoonka Magaalooyinka Ku Hareereysan 651-259-7366
- Telefoonka lacag la'aanta ah cod: 1 (800) 328-9095
Waxa kale oo aad soo booqan kartaa: https://mn.gov/deed/job-seekers/disabilities/find-vrs/
- Waxa ay ku siinayaan codsiga aad buuxineyso oo aad ogolaaneyso in macluumaadkaaga loo soo diro. Macluumaadkaaga oo loo soo diro waxa ay VSR fursad u siineysaa in ay helaan macluumaadkaaga caafimaad ee dhakhtarkaaga iyo barnaamijyada aad horay uga soo qeyb qaadatay.
- Waxa ay u badan in aad ka qeyb qaadato barnaamij wacyi gelin ah.
Shaqaalaha VRS ayaa soo ururiya macluumaadka intiisa badan iyo goobihii hore ee aad ka soo shaqeysay, waxbarashada iyo tababarada, hiwaayadda iyo waxyaabaha aad jeceshahay, baahida shaqo u diyaarinta iyo waxa aad hiigsaneyso.
VRS waxa ay eegaan macluumaadka ay hayaan oo go’aan ku gaaraan. Haddii aanay ku fileyn in ay go’aan gaaraan,VRS waxa aad kala shaqeyneysaan helitaanka macluumad dheeraad ah. Haddii ay lacag kaaga baxeyso helitaanka macluumaadka, VRS ayaa bixineysa.
Go’aanada intooda badan waxaa lagu garaa 60 maalmood gudahood laga soo bilaabo taariikhda codsigaaga.