Waxaa dhici karta inaad ku bixinayso lacag aad u badan kaarkaaga Medicare. Barnaamijka Keydka ee Medicare (Medicare Savings Program- MSP) waa barnaamij ah Medicaid Gobolku leeyahay oo kaa caawin kara bixinta lacagta bilaha ee Medicare iyo wixii kharash ah ee kale ee ku soo aadid ah. Haddii aad ka soo baxdo shuruudaha ku xiran Medicare, waxa kale oo suurogal ah in aad ka soo bixi karto shuruudaha mid ka mid ah 4ta Barnaamijka ee Keydka Medicare. (MSP). Xaaladaha qaarkood, waxaa suurogal ah in aad dheeraad ahaanm u isticmaalo kari karto ceymiska Caafimaadka ee Gobolka (Medical Assistance) ee laguu ogolaado. Dakhligaaga ayaa lagu ogaanayaa,haddii uu jiro, barnaamika aad xaqa u leedahay.
Haddii aad ku jiro barnaamijka MPS, waxaad markiiba toos uga diiwaan galaysaa barnaamij Caawimaad Siyaado ah bixiya si uu kaaga caawiyo bixinta kharashka dawadaada laguu soo qoro.
Mid walba oo ka mid ah MSP siddee kale waxa uu leeyahay xad hantidda ah. Hase yeeshee dhamaan hantidda oo dhan kuma wada jirto xisaabta xadkaa.