Hadii ilmaha aad awoowaha u tahay labada waalid ee dhalay ay wali isqanaan, uusana ilmahu adiga kula noolayn sannad, maya, ma tagi kartid maxkamad si aad u codsato booqasho.
Hadii ilmaha aad awoowaha u tahay waalidkii dhalay aysan isqabin laakiin ay qoys ahaan u wada nool yihiin ilmaha aad awoowaha u tahay, waa aadi kartaa kolkaa maxkamad si aad u raadiso booqasho LAAKIIN kaliya hadii ay saxiixeen Qirashada Waalidnimada (ROP) ayna ka xareeyeen xafiiska gobolka ee diiwaangelinta qoraalada muhiimka ah.
Eeg qaybta “Aadida Maxkamada” ee kor ku xusan si aad uga hesho akhbaar dheeraad ah.