Waxa aad ka codsan kartaa BCA diiwaankay fal dambiyeedka oo dhameystiran. Midka dadweynaha oo dhan arki karaan iyo midka kuu gaarka ah Waxa laguugu soo diri karaa boostada ama waad ka soo qaadan kartaa xafiiska.
Boostada: Buuxi foomka codsiga (request form). Foomka ka soo qaado BCA ama buuxi midkan ku lifaaqan xogta urursan. Foomka buuxi oo nootayada soo mari.
Waajib kuguma aha in aad isticmaasho foomka. Waxa aad qori kartaa warqad aad ku codsaneyso nuqul ka mid ah diiwaankaaga. Weli waa in aad soo marisaa nootaayada. Hubi in aad warqadda ku qorto magacaaga iyo taariikhda dhalashada, iyo magacyo kale oo aad horey ula baxday.
Buuxi foomka oo soo raaci jeegaaga bangiga ama jeeg (money order) dhan $8 kuna qoran BCA. Waxa kale oo aad raacisaa baqshad tigidh leh oo ku qoran cinwaanka natiijdada laguugu soo dirayo.
Xafiiska aad tagto: Waxa aad tagi kartaa xafiiska BCA waxa aad weydiisan kartaa nuqul ka mid ah diiwaankaaga. BCA waxa ay sawir ka qaadayaan farahaaga. Waxaa lagaa doonayaa lacag $8.00 ah. Waxaa lagaa doonayaa in aad la timaado aqoonsi, sida leesinka gawaaarida.
BCA xafiiskooda waa 1430 Maryland Ave. E., St. Paul, MN 55106. Telefoonka BCA waa (651) 793-7000.