Waxaa laga yaabaa in gaarigaaga uu yaalo goobta gawaarida la dhigo ee magaalada ama meel gaar ah oo shirkadda qandaraaska heysata leedahay. Waxa aad wici kartaa xafiiska magaalada gaariga loo qaaday.
Haddii gaarigaaga laga jiiday goobta gawaaarida la dhigto oo gaar loo leeyahay ama goob ganacsi, oo ay ku taalo calaamad ay ku qoran tahay magaca iyo telefoonka shirkadda gawaarida jiida.
Waxa aad isku dayi kartaa in aad wacdo goobaha gawaarida la jiido la geeyo ee degaanka ama aad fiiriso bogooda haddii ay hayaan gaarigaaga. Ma jiro number ama bog internetka ah oo laga eegi karo gobolka oo dhan. Waa in aad baartaa goobta la geeyo gawaarida la jiido ee magaalada ama degmada.
Haddii gaariga ay jiido ama ay dhigto goobaha gaadiidka la dhigo hay’ad ka tirsan dawladda, waxaa laguu soo dirayaa 5 cisho gudahood waraaq ay ku cad yihiin:
- Xilliga gaarigaaga la jiiday iyo halka laga jiiday.
- Macluumaadka ku saabsan gaarigaaga, sida sanadka, cidda sameysay, nooca iyo lambarka taxanaha ah ee gaariga.
- Halka uu yaalo gaarigaaga
Waraaqda waa in ay sidoo kale kuu sharaxdo
- Xaqa aad u leedahay in aad gaarigaaga dib u soo ceshato iyo lacagta lagaa doonayo in aad bixiso.
- Maxaa dhacaya haddii aadan la soo xiriirin si aad u hesho gaarigaaga muddo gaaban
- Mudada aad heysato in aad ku qaadato gaarigaaga
- Sida aad ku heli karto alaabada gaariga kaa saaran