hadii adiga iyo xilahaagu aad wadajir deyn u qaadataan, labadiinuba mas’uul ayaad ka tihiin inaad dib u bixisaan. Cidii rabtaa lacagta ha isticmaasho ama ha qaadato alaabta deyntala qaatay lagu gatay. Hadii labada magacba ay ku wada qoran yihiin warqadaha deynta, labadiinuba mas’uul ayaad ka tihiin.
Hadii adiga iyo xilahaagu aad wadajir u qaadataan kaararka amaahda (credit card), labadiinuba mas’uul ayaad ka tihiin dhamaan wixii lagu gato kaararka. Waxa aad mas’uul ka tahay kaarka la wadaago wixii lagu gato xataa hadii aadan ku raacsanayn ama aadanba aqoon waxa kaarka lagu gatay.
Hase yeeshee, waxa la yiraa “isticmaalaha la ogol yahay” waa ay duwan tahay taa. Hadii aad haysto kaararka amaahda ka dibna aad qof ka dhigto “isticmaalaha la ogol yahay,” kolkaa waxa aad mas’uul ka tahay deynta ee mas’uul kama tihid “isticmaalaha la ogol yahay.”
Hadii aad is furtaan qofkii aad isqabteen labadiinuba waxa aad mas’uul ka tihiin deynta xataa hadii alaabta deynta lagu soo qaatay uu labadiina mid kaliya uu haysto.
Marba hadii magacaagu uu ku qoran yahay amaahda mas’uul ayaad ka tahay. Hadii qof kale aad la wadaagto uuna qofkaasi joojiyo bixinta amaahda, waa inaad sii wadaa inaad bixiso waxa oo dhan si aad u ilaaliso kiridhidkaaga. Waa aad isku dayi kartaa inaad lacagta aad dib uga hesho qofkii aad isqabi jirteen hadii warqadaha furiinka ee maxkamada ee kama dambaysta ahi ay leeyihiin in qofkii horey aad isu qabi jirteen ay wuxuun waajib ahi ka saaran yihiin amaahda. Meel dhigo cadeymaha sheegaya inaad amaahdii aad wada bixisay.
Hadii aysan waxba ka oran amaahda warqadaha amarka furiinku, waa aad isku dayi kartaa inaad dib u hesho qaarka mid ah lacagta hadii aad aado maxkamada dhexdhexaadinta, laakiin taasi waa ay adkaan kartaa in la sameeyo. Eeg warqadayada xogta aruursan ee Maxkamadaha Dacwadaha Madaniga.