Haddii aad shaqayso laakiin aadan laheyn dhakhli kugu filan oo kaa saari kara MFIP, codso waqti kordhin.
Hal waalid qoysasku way heli karaan waqti kordhin haddii waalidku:
- Uu shaqaynayo ugu yaraan 30 saacadood todobaadkiia ama
- Uu shaqaynayo 25 saac todobaadkii oo 5saac oo kale uu samaynaayo hawlgalo kale.
Laba waalid qoysasku waa heli karaan waqti kordhin haddii labada waalid:
- Ay shaqaynayaan ugu yaraan 55 saacadood todobaadkii ama
- Ay shaqaynayaan ugu yaraan 45 saacadood todobaadkii oo ay samaynayaan 10 saacadood oo hawgal kale.
“hawlgal/ dhaqdhaqaaq” waa waxyaabaha ay ka mid yihiin shaqa raadin, waxbarasho ama tababar, iskaa wax u qabso, ka shaqayn addeega bulshada, fasalada ESL. Waxay kaloo noqon karaan raadsasho tala bixin, ama baxnaanin si aad shaqo u qaban kartid, ama waxyaabo kale oo ku qoran qorshaha shaqaalaynta.
Haddii aadan shaqayn Karin saacadaha lagaa rabo oo dhan sababta oo ah waad jirran tahay ama waxaad tahay curyaan, wali way kuu banaanthay in aad waqti kordhin heshid haddii dhakhtarkaagu sidaas soo qoro. Si aad u isticmaasho waqti kordhinta, waa in aan xayiraad ku saarayn 10 bilood oo ka mid ah 12kii bilood ee ugu dambeeysay ee aad ku jirtay MFIP.