EITC waa lacag canshuureed u soo noqota dadka shaqeeya. Inta ugu badan ee lacag ah ee qofka u soo noqon kartaa waa $7,430. Dadka kaligood ah iyo kuwa isqabaa labaduba waa ay heli karaan. Khasab ma aha inaad ilmo haysato, laakiin, lacagta soo noqonaysaa waa ka badan tahay tan kale hadii aad ilmo haysato. Kuwaasi waa xeerarka ku saabsan ilmaha kuwa aad sheegan kartid kolka aad canshuurta xareysanayso. Ka eeg hoos. Hadii aad xeerarkaa jabiso, waxaa laguu diidi karaa lacagta ilmaha ee (EITC) ilaa iyo 10 sanno.
Waa khasab inaad shaqeyn jirtay 2023. Ma aad heli kartid lacagta (EITC) hadii aad lacag ka kasbatay dibada Mareykanka (U.S.). Kasbashooyinkaaga iyo “Dakliga Guud” ee ku qoran foomka canshuurtaadu waa khasab inay ka yaraadaan:
$56,838 hadii aad leedahay 3 ilmood ama ka badan oo ah ilmaha xaqa u leh (ama $63,398 hadii aad tihiin labo qof oo is isqaba oo wada xareysanaya)
$52,918 hadii aad leedahay 2 ilmood ama ka badan oo ah ilmaha xaqa u leh (ama $59,478 hadii aad tihiin labo qof oo is isqaba oo wada xareysanaya)
$46,560 hadii aad leedahay hal ilmood oo xaq u leh in lagu xareysto canshuurta (ama $53,120 hadii aad tihiin labo qof oo is isqaba oo wada xareysanaya)
$17,640 hadii aadan lahayn wax ilmo ah oo xaq u leh in lagu xareysto canshuurta (ama $24,210 hadii aad tihiin labo qof oo is isqaba oo wada xareysanaya)