Khashkhashaadda jinsigu sharcidarro ayay ku tahay iskuulka iyo arrimaha iskuulka la xiriira sida, cayaaraha, masraxa, ama shaqobarashada iskuulku kafaalo qaaday.
Khashkhashaadda jinsigu 2 qaab ayay iskuulka sharcidarro uga tahay:
- Markuu qof kaa ballan qaado inuu ku dhaqaalaynayo ama uusan dhib kuu gaysanayn haddii aad la samaysid wax jinsi la xiriira ama haddi aadan khashkhashaaddiisa qofna u sheegin. Tusaale, macallin baa ku yiri A baan ku siinayaa haddi aad isu kay qaawisid.
- Khashkhashaadda waxay noqotay mid aad u xun ama mid marwalba dhacda ilaa aad dareentay xasilloonidarro iyo ammaan xumo iskuulka markaad joogtid ama hawlaha iskuulka ka qaybqaadanaysid, ama waxyeello bay u geysatay shaqadaada iskuulka.
Xusuusnow, khashkhashaadda waxaa loogu dhiirraday waa jinsiga ama caynta aad tahay. Taas macnaheedu waa in waxyaalaha badanaaba sharcigu ilaalinayo ay ku jiraan khashkhashaadda ardayda LGBTQ-ga ah.
Sida sharcigu yahayba, iskuullada dawladdu waa in:
- Ay leeyihiin nidaam khashkhashaadda jinsiga ah
- Ay leeyihiin qaab ay uga warbixiyaan khashkhashaadda jinsiga
- Ay baaritaan ku sameeyaan dhammaan cabashooyinka la xiriira khashkhashaadda jinsiga
- Ay tillaabooyin ded-deg ah ka qaadaan joojinta khashkhashaadda jinsiga, isla markaana hubiyaan in aysan dib dambe u dhicin.