Midka aad tahay labada waxaa qeexa sharciga. Inta ay le’eg tahay xukunka qolada shaqada ee shaqadaadu badanaa waxa ay muujisaa inaad tahay shaqaale ama qandaraasle madax banaan.
- Shaqaale: Waxa ay u badan tahay inaad shaqaale tahay hadii shaqadu ay iyadu xukunto shaqada aad qabanayso. Inta badan, hadii aad shaqaale tahay, mushaar joogta ah ayaad qaadataa ee ma aha in lacag lagu siiyo kolkaa hawl gaar ah aad soo dhamayso. Jeegaagana canshuur laga gooyo, waxaana dhici karta in gunooyin kale aad hesho.
- Qandaraaslaha madaxa banaan: Qandaraaslaha madaxa banaani waa ganacsi iskii u shaqayasta. Hadii aad tahay qandaraasle madax banaan, waxa aad badanaa ogolaataa inaad hawl ku qabato waqti ama qiimo cayiman. Shirkada aad shaqada u qabanaysaa ma ay goyso iyadu inta saacadood ee aad shaqaynayso maalintii, maalmaha aad shaqaysayso kuumana sheegto sida loo sameyanayo shaqada. Waxay u badan tahay inaadan helin wax guno ah ama canshuur ka jirid lacagtaada ah. Waqtiga aad tahay qandaraasle madax banaan laguma daro xisaabta manfacyada shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo ama sooshal sakuuratiga aan ka hayn inaad adigu canshuur ka bixiso waxyaabahaa adigoo qof iskii u shaqeyste ah.
Qolo shaqo waxaa dhici karta inay kuugu yeeraan inaad tahay qandaraasle madax banaan si ay ay iga dhuuntaan waajibaadka sharciyankan shaqaalahooda ka saaran. Waxaa dhici karta in ay isku dayayaan inay ka badbaadaan bixinta canshuurta shaqada, lacagta dheeriga ah ee waqtiyada siyaadada ah lagu shaqeeyo, lacagta ugu yar ee lagu shaqeeyaan, bixinta caymiska xaqqa shaqaalaha shaqada ku dhaawacma iyo waxyaabo kale. Hadii aad dhabtii shaqaale u tahay sida sharcigu dhigayo, laakiin ay qolada shaqadaadu kuula dhaqanto sidii qandaraasle madax banaan oo kale, waxa ay kolkaa jabinayaan sharciga.
Hadii aad qabto inay tahay in laguu tixgeliyo shaqaale inaad tahay, waxa aad u askhtakoon kartaa Waaxda Shaqada iyo
Meheradaha ee Minnesota (Minnesota Department of Labor and Industry), Wasaarada Shaqada ee U.S. (Department of Labor), ama adiga oo adeegsanaya qareen sharciyada shaqada qaabilsan.