Marka aanu qofku maareyn kaarin baahidooda gaarka ah, maxkamadda ayaa u magacaabi karta qof caawiya. Aanu maareyn karin waxaa loola jeedaa in qofku gabo fahamka iyo awoodda uu ku gaari karo kuna fulin karo go’aanada shaqsiga ah. Ma qabsan karo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha sida cafimaadka, dhar xirashada, hoyga iyo degaanka, ama uu daryeelo arrimaha la xiriira maaliyadda, xitaa haddii la caawiyo. Maxkamadda ayaa go’aan ka gaarta haddii u qofku gabo intaas oo dhan.
Qofna markiiba looma aqoonsado inuu gabay go’aan isu gaarista haddii cudurada qaarkood ay ku dhacaan sida cudurka xusuusta qofkaka qaada, ama ay naafo noqdaan. Maxkamaddu waxa ay eegtaa waxyaabo fara badan marka ay go’aan ka gaarayaan haddii uu qofku gabay iyo in kale.
Waxaa laga yaabaa in maxkamaddu ogolaato in qofka mas’aal laga noqdo ama loo maamulo dhaqaalaha laakiin aysan aheyn qeyb kasta oo ka mid ah qofka noloshiisa. Taas waxaa lagu magacaabaa Mas’uul Ka Noqoshada Ama U Maamulidda Dhaqaalaha ee Kooban. Mas’uul Ka Noqosho ama U Maamulid dhameystiran waa talaabada ugu dambeysa oo inta badan maxkamaddu tixgeliso marka aan taageerada kale ee qofka loo fidiyo aanay ku filneyn.
Qofka u baahan mas'uul ka noqoshada ama u maamulidda dhaqaalaha lagama qaado xuquuqda aasaasiga ah, sida xaqa uu u leeyahay inuu codeeyo, haddii aysan jirin sabab macquul ah ama aysan ka soo saarin amar gaar ah.