Lacagta aad bixiso heshiiska mulkiyadda waxaa kale oo ka mid noqon kara dulsaarka.
Tusaale ahaan, haddii aad iibsato guri qiimhiisu yahay $100,000 oo aad dhigto lacag horudhac ah oo dhan iyo dulsaar 10% ee heerka dulsaarka heshiiska mulkiyadda, sanadka u horeeya waxa aad bixineysaa $10,000.
Sidaa darteed, haddii aad bixineyso $1,000 bishii, dhamaadka sanadka waxa aad bixineysaa oo kaliya $2,000 qiimaha guriga iyo $10,000 oo dulsaar ah. Weli waxaa kugu haray $98,000 qiimaha guriga marka aad bixisay $12,000.
Qaar ka mid heshiiska mulkiyadda waxa ay ogol yihiin in aadbixiso dulsaarka kaliya. Taasi waxa ay ka dhigan tahay ma jrto wax lacag ah laga bixinayo qiimaha guriga. Marka la gaaro xilliga bixinta lacagta isku duubka ah, waxaa laga doonayaa qiimaha guriga oo dhan.
Inta aadan saxiixin heshiiska mulkiyadda, la xiriir bangiyada si aad isu barbardhigto heerka dulksaarka uu kuu soo bandhigay iibiyaha iyo kan deynta bangiyada. Haddii heli karto deyn, inta badan waxaa wanaagsan inaad guriga deyn ku iibsato halkii aad ku iibsan laheyd heshiiska mulkiyadda