Marka laguu bilaabo MFIP, waxa aad la kulantaa la taliyaha shaqaaleynta si uu sameeyo “qiimeyn.” Taasi waxa ay ka dhigan tahay ururinta macluumaadka sida aad shaqo ku heli karto una heyn karto. La taliyaha shaqaaleynta waxa uu eegaa aqoontaada, taariikhdaada shaqada, xirfadahaaga, iyo suuqa shaqada si aad u hesho “shaqo kugu haboon.” Shaqo kugu haboon oo ugu yaraan ku siisa lacagta ugu yar ee lagu shaqeeyo, oo amaan iyo nadiif ah, oo aad ka bixi karto.
La taliyaha shaqaaleynta waxa kale oo uu ku weydiinayaa heynta caruurta iyo gaadiidka aad u baahan tahay iyo haddii ay jiraan waxyaabo shaqsi ah ama qoyska ah oo laga yaabo in ay kaa hor istaagi karaan helitaanka iyo heynta shaqada, oo ay ka mid tahay dagaalka qoyska dhex mara.
La taliyaha shaqaaleynta waxa uu ku weydiin doonaa haddii aad dooneyso in aad dhameystirto shahaadooyinka ama leesinka xirfadaha. Haddii ay taasi jirto, waa in ay qeyb ka noqotaa qorshahaaga shaqada.
La socodsii la taliyahaaga shaqada haddii aad madaxa ka jiran tahay, isticmaalka maandooriyayaasha, ama baahi gaar ah ee waxbarashada oo laga yaabo in ay kaa hor istaagaan in aad shaqo hesho ama aad heyso shaqada.