Liiska soo noqnoqda, mudadda kiradu waxa ay bilaabantaa maalinta kirada in la bixiyo ay tahay waxa ayna socotaa ilaa iyo waqtiga kirada la rabo in la bixiyo laga gaarayo mar labaad. Hadii ay tahay kiradaada in la bixiyo kowda bil walba, mudada kiradaadu waxa ay socon bisha kowdeeda ilaa iyo bisha dhamaadkeeda. Badanaa liisaska soo noqnoqdaa waxa ay leeyihiin muddo kiro oo bil le ah.
Si aad u joojiso liiska soo noqnoqda, sida kan bil-bilka ah, labadiina mid adiga iyo qolada guriga waa khasab inaad bixisaan ogaysiis qoran oo quman ugu yaraan hal kiro oo buuxda ka hor maalinta guurida. Kolkaa, haddii aad doonayso inaad joojiso heshiiska (lease) aakhirka bisha xigta, ogaysiiska waa khasab in gacanta laga geeyo lana hayo 11:59 habeenimo ee maalinta kiradda bisha xigta la iska rabo in la bixiyo.
Tusaale ahaan: ka soo qaad, waxaad isticmaashaa guri kireynta kirada bil-bil loo bixiyo iyadoo la rabo in kirada la bixiyo bisha kowdeeda. Waxa aad doonaysaa inaad guurto aakhirka bisha Abriil. Waa khasab inaad qolada guriga aad siiso ogaysiis qoran oo ah inaad doonayso inaad guurto ka hor aakhirka bisha Maarso. Qolada gurigaagu waa khasab inay hesho ogaysiiskaaga qoran ee ah ah inaad guriga banaynayso 11:59 habeenimo, ee bisha Maarso 31keeda.
Si uu u noqdo ogaysiis qoran ee quman, warqadaadu waxa ay u baahan tahay inay tiraa inaad joojinayso liiska bil-bilka ah iyo waqtiga aakhirka bisha ee aad guuri.
Kolka, tusaale ahaan, warqadaadu waa inay tiraa, “Waxa aan joojinayaa liiskayga bil-bilka ahaa aakhirka bisha Abriil. Waa aan banayn kana guuri doonaa guriga kirada ah ka hor bisha Abriil 30 keeda.” Waxa aad buuxin kartaa warqada halkan ku lifaaqan ama waxa aad qori kartaa mid aad adigi leedahay.
Hadii aad doonayso inaad guurto, laakiin aadan bixin ogaysiis quman oo ah inaad guriga banaynayso, qolada gurigu waxaa dhici karta inay ku saaraan bil siyaado ah kiradeed ama ka badan xataa hadii aad guurto ka hor inta bisha kale aysan bilaabmin.
Hadii qolada gurigaagu ay rabto inaad ka guurto laakiin aysan ku sii ogaysiis quman oo aad guriga ku banaynayso, waa aad sii joogi kartaa guriga ilaa iyo inta qolada gurigu ay kaa siinayo ogaysiis kale oo quman. Waase inaad kirada bixisaa. Xataa hadii ogaysiisku uusan sax ahayn. Qolada gurigu wali waa ay ka xareysan karaan maxkamad dacwo guri ka saarid ah. Waxa aad u baahan tahay inaad maxkamad tagto aadna tusto xaakimka in ogaysiiska lagu siiyey uusan qumanayn.
OGOW:Dhamaan liisaska soo noqnoqdaa ma wada aha kuwa bil-bil ah. Dhamaan liisaska soo noqnoqda ma wada laha xeer ogaysiin hal-bil ah. Qaar ka mid ah ogaysiisyada soo noqnoqdaa waxa ay u baahan yihiin ogaysiis 2 bilood ah in la bixiyo, ogaysiis 60-cisho ah ama xataa ogaysiis 45-cisho ah, hubi inaad eegto mudadda ogaysiiska ah ee lagaa rabo inaad bixsio si aad u guurto.