Waa aad ka joojin kartaa in deyn aruuriye uu ku soo waco ama warqad kuu soo diro. Waa khasab inaad u dirto warqad oranaysa “Stop contacting me about this debt.” (“Jooji ila soo xiriirida ku saabsan deyntan”) Ku qor magaca deyn bixiyaha iyo xisaabta bangiga, taariikhda oo saxiix. Nuqul (koobi) ka reebo.
Waraaq U Qor Aad Ku Weydsiisaneyso In Ay Joojiyaan. Soo booqo Forms (ingiriisi kaliya)
- Hoos timaadda “Debts, Fees & Deposits” (Deymaha, Kharashka, Keydka)
- Guji “Stop Contacting Me About This Debt - Letter to Creditors” (Jooji in aad iila soo xiriirtaan deyntan darteed)
Ka dib marka ay soo gaarto warqadda, waxa uu deyn bixiyuhu kula soo xiriiri karaa oo kaliya marka ay ku sheegayaan talaabada xigta ee xagga sharciga ah ee ay qaadayaan.
Xusuusnoow, waraaq ha ila soo xiriirin ah oo aad u dirto xaq kuuma siineyso in aad iska indho tirto warqadaha maxkamadda. Tusaaale ahaan, haddii uu ku soo gaaro Amarka Soo Bandhigidda Macluumaadka, kaasoo ku faraya in aad sheegto lacagta iyo hantida aad leedahay, waa in aad u soo bandhigtaa deyn bixiyaha haddii kale ganaax ama xarig ayaad ku mudan kartaa amarka maxkamadda oo aadan raacin. Akhri xogta urursan ee, Xabsi Ma Ku Geli Karaa Haddii Aanan Bixin Amaahda.
Fiiro Gaar Ah:
Haddii aadan bixin biilasha, deyn bixyaha ama kuwa deymaha ururiya Dacwad ayey kugu soo oogi karaan oo maxkamad u xukumi karto. Akhri xogta urursan ee Maxaan Yeelayaa Haddii La I Dacweeyo.
Haddii aadan ka jawaabin dacwadda ama uu deyn bixiyaha ay maxkamad u xukunto, waxa ay isku dayi karaan in ay qaataan (lacag ka qaataan) mushaharkaaga ama xisaabtaada bangiga ama ay xoog ku iibiyaan hantidaada.