Hadii aad leedahay dhaawac ama cudur kugu soo gaaray ama ay uga dartay shaqadu, waa in lagu siiyaa Xaqqa shaqaalaha shaqada ku Dhaawacma ama “(Workers’ Comp).” Xaqqa shaqaalaha shaqada ku dhaawacma waa nooc caymis ah oo ay qoladaada shaqadu ku galiso si uu xaq kuu siiyo lacala hadii aad shaqada ku dhaawacanto.
Sharciga Xaq-siinta shaqaalaha ee Minnesota waxa uu leeyahay dhamaan qolo walba oo loo shaqeeyaa waa inay bixiso kharashka caymiska shaqaalaha ama ay iyagu iskood caymis isu noqdaan. Habka xaq-siinta shaqaalaha dhaawacmaa waxa uu ku siin macfacyo hadii aad shaqada ku dhaawacanto ama ku jirato. Waxa uu bixiyaa kharashaadka dhaawaca ama jirada ay keentay ama ay uga dartay shaqadu ama goobta shaqadu.
Hay’ada xaqqa shaqaalaha dhaawacmaa waxa ay bixisaa:
- daryeeada caafimaad ee la xiriira dhaawaca, ee macquul ah loona baahan yahay
- manfacyada lacagta shaqada ee la waayey oo ah qayb dakhliga dhumay ah
- manfacyada xaqqa jaa’ifada joogta ah ee jirka soo gaarta
- manfacyo la siiyo cidii aad mas’uulka ka tahay hadii aad u dhimato dhaawac shaqo
- adeegyada tababarka iyo xirfadeyn ah hadii aadan ku noqon karin shaqadaadii hore ama shaqo aad hore uga shaqeyn jirtay intii aadan dhaawacmin.
- Maylka la socdo si loo tago balamaha daryeelada caafimaad iyo/ama hawlo gaar ah oo ah tababarka iyo dib u xirfadeynta