Haa. Qof leh karti iyo awood waa baabi’in karaa wakiil ka noqoshada sharciga ah waqti kasta. Waa in aad qoraal ku sheegtaa in aad baabi’isay wakiil ka noqoshada sharciga ah, aad saxiixdaa, ku qortaa taariikhdataariikh nootaayada horteeda. Waa in aad koobi u dirtaa wakiilka, qof kasta, xafiis kasta iyo bangiga wakiilkaaga arrimahaaga kala xiriiray. Haddii aadan dirin koobiyada baabi’inta, shirkaduhu ma ogaanayaan, wakiilka gaarka ahna sidiisii ayuu howsha u wadanayaa.
Waa in aad adigu soo ceshataa wakiil ka noqoshada sharciga ah nuqulkii asliga ahaa.
Halkaan waxaa ku lifaaqan foomka baabi’inta wakiil ka noqoshada sharciga ah.
Ama waxaad kartaa Si xiriisan u samay Baabi’inta Wakiil ka Noqoshada Sharciga ah halkan Forms. (ingiriisi kaliya)
- Ka fiiri hoos "Health Care and Power of Attorney"(Daryeelka Caafimaadka iyo Wakiil ka noqoshada Sharciga ah)
- Guji halka "Revocation of a Power of Attorney"(Baabi’inta Wakiil ka Noqoshada Sharciga ah)
Tani waa su’aalo talaaba talaabo ah oo ku gaarsiinaya in aad daabacato foomkii oo dhamaystiran marka aad ka wada jawaabtid su’aalaha.
Fiiro gaar ah: Wakiil ka Noqoshada Sharciga ah waxay dhamaataa marka uu geeriyoodo wakiilkaaga . Haddii aad siiso wakiil ka noqoshada sharciga ah qofka aad isu dhaxdaan, waxay dhamaataa marka qofkii uu bilaabo is furitaanka, kala noolaanshaha, ama dacwad baabi’inta isu dhixidda.