Waxa aad u baahan tahay inaad codsato barnaamijyada aan uga hadalnay warqadan xog aruurinta.
Ka codso Maamulka Sooshal Sakuuratiga (Social Security) SSI iyo RSDI. Wac 1-800-772-1213. Hadii aad dhago la’ dahay ama aad dhaga-culus tahay, wac lambarkayaga lacag la’aanta ah ee (TTY) ee 1-800-325-0778. Waxaad kaloo ka codsan kartaa khadka (online) ka ee www.ssa.gov.
Ka codso dhamaan kuwa kale oo dhan waaxda gargaarada dhaqaale ee degmadaada. Wac telefanka akhbaarta ee degmadaada ama gal shabakada www.dhs.state.mn.us. Tani waa shabakada (website), Waaxda Adeegyada Bulshada, waxaa ku jira liis ay ku qoran yihiin lambarada degmada lagala helo shabakada (website).
2-1-1 waa il fiican oo laga helo caawimaad iyo akhbaar. Ka wac 2-1-1 gobolka oo dhan, dhambaal (text) ziib koodkaaga ugu dir iyaga lambarka ah 898-211 si aad u ogaato wixii caawimaad ah ee ka jira deegaanka ama kala hadal khadka (online) ee ah www.211unitedway.org.
Macluumaad dheeraad ee caawimaad kale oo ku saabsan Barnaamijyada MFIP ka waxa aad ka helo kartaa Barnaamija MFIP ee Waalidiinta da’doodu ka yartahay 18 sano.