Waqtiga waalidku waxaa goyn karta Maxkamada. Xataa hadii labada waalid mid loo xukumay haynta ilmaha kaligii, waalidka kale, (oo la yiraa “waalidka aan ilmaha hayn”) waxaa la siin karaa waqti waalid. Maxkamadu waxay kaloo dejin kartaa jadwal waqti waalid ah kolka labada waalid ay wadaagaan haynta ilmaha. Si ay u gooyso waqtiga waalidka, maxkamadu waxa ay eegtaa arrimo badan sida da’da ilmaha, amaanka ilmaha, iyo xiriirkii uu horey ilmaha ula lahaa waalidka aan haynin. Waxaa jira 12 tobon arrimood oo maslaxada ilmaha ku saabsan oo khasab ay tahay in Maxkamadu ay tixgeliso. Eeg warqada xogta aruurasan ee, Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha.
Guud ahaan, waalidka aan ilmaha hayni waxaa uu helaa ugu yaraan 25% oo waqti waalid ah. Tan waxaa la xisaabiyaa iyadoo la tiranayo tirada inta habeen ee ilmahu la baryo waalidka muddo 2-asbuuc ah. Tusaale haan, 25% waxa ay la mid tahay Sabti iyo Axad dhaaf iyo hal maalin asbuucii. Haddii midkood labada waalid uusan ilmaha la baryin, maxkamadu waxa ay eegi kartaa waqti dheer oo kale oo uu ilmahu la qaadan karaa waalidkaa.
Marmarka qaarkood, maxkamadu waxa ay bixisaa “waqti waalid oo macquul ah” iyadoon si gaar ah wax u cayimin. Kolkaa waalidku waa inay iyagu sameystaan qorshe ay iyagu leeyihiin. Laakiin, hadii labada waalid midkood uu codsado, maxkamadu waxay gooysaa maalmo iyi waqtiyo cayiman oo waqti waalidka ah.
Maxkamadu waa dhici karta inay siiyo waqti siyaado oo waqtiga waalidka ah hal waalid si uu u xanaaneeyo ilmaha inta waalidka kale uu shaqada jirto. Hadi aad tan codsato, maxkamadu waxa ay eegtaa sida labada waalid u wada shaqeeyaan, sida ay wada jir uga shaqeeyaan labada waalid arrimaha booqashada iyo inay jiro dagaal qoyska dhexdiisa ah iyo in kale.