Racfaanka SSI
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa sidda racfaan looga qaato go’aan Sooshal Sakuuratiga (Social Security) haddii manfacyadaadda la yareeyo, laguu diido ama lagaa jaro.
Maxaa dhici haddii lacagtayda Sooshal Sakuuratiga (Social Security) ah la ii diido, la iga yareeyo, ama la iga jaro?
Badbaadada Bulshada waa in ay kuu soo dirtaa ogaysiin qoraal ah oo lagu diiday codsigaaga, lagu jaray ama la yareeyay dakhligii SSI. Si aad u hesho SSI, waan in aad ugu yaran jirtaa 65 sano ama aad muujisaa in aad leedahay naafo waqti dheer qaatay oo kaa reebaysa in aad shaqayso. Waxay noqon kartaa naafo xagga maskaxda ah, ama jirka ah. Waxaad xaq u leedahay in aad racfaan ka qaadatid go’aanka laga qaatay dalab kaagi SSI haddad u malaynayso in uu khalad yahay.
Foomamka
Waxaad si lacag la’aan ah uga heli kartaa foomka xafiiska Maamulka Badbaadada Bulshada. Wac 1-800-772-1213 (TTY 1-800-325-0778).
Waxaad kaloo foomka ka heli kartaa, aadna ka diri kartaa racfaankaaga si toos ah (xiriir) ah www.ssa.gov/forms/. (ingiriisi kaliya) Geli tirada foomka aad u baahan tahay laynka baarida.
Tallaabada 1aad : Dib-u-Eeg
Tallaabada kowaad waxa la yiraahdaa “Dib U Eegid). Waxaan yaqaan “recon”.
Ka soo qaado foomka xafiiska Badbaadada Bulshada ama khadka:
SSA-561 Request for Reconsideration
Haddii aad racfaan ka qaadanaysid diidmo in aad curyaan tahay, waxaad kaloo u baahantahay:
SSA-3441 Disability Report – Appeal
SSA-827 Authorization to Disclose Information to the Social Security Administration
Waxaad foomak si xiriirsan (toos ah) uga helaysaa www.ssa.gov geli tirsiga foomka barta raaadinta. Buuxi foomka dabdeed dir ama geey xafiiska Badbaadada Bulshada.
Haddii aad buuxinaysid racfaan u Diidid naafanimo si toos ah (xiriirsan) u tag www.ssa.gov.
- Guji “Menu”
- Hoosta “Benefits” guji “Manage Benefits”
- Dhinaca liilka riix “Apply”
- Riix mareegta tiraa “Request Reconsideration”
- Hadii aad racfaan ka qaadanayso go’aan aan quseyn daryeel caafimaad, kolkaa xulo santuukha buluuga ah ee leh, “Request Non-Medical Reconsideration”
- Guji santuukha leh “Start a New Appeal”
Badbaadada Bulshadu waa in ay heshaa foomka codsigaaga ee Dib-U Eegists muddo 60 maalmood gudeheeda ah laga bilaabo marki aad heshay ogaysiinta diidmada. 60 ka maalmood waxay ka bilaabanayaan ka dib maalinta aad heshay diidmada. Badbaadada Bulshadu waxay ka soo qaadaysaa in aad heshay ogaysiinta diidmada 5 maalmood ka dib taariikhda la qoray ogaysiinta.
Haddii Badbaadada Bulshadu aysan helin waraaqaha racfaanka taariikhdaas la xusay, waraaqahaagu waa daaheen. Hadii aysan jirin sabab macquul ah oo keenaty dahitaanka, waa in aad dib u soo bilowdaa arjiga cusub oo aad ku codsanayso curyaannimo.
Haddii Badbaadada Bulshadu rabaan in ay kaa gooyaan gargaarka, waxaa weli kuu sii socon kara SSI inta racfaanka lagu jiro. Laakiin waa in Badbaadada Bulshadu helaan foomka Codsiga Dib-U Eegista 15 maalmood gudeheed ka dib marka aad heshay ogoysiintooda si taasi u dhacdo. Waa in aad weydiisataa in gargaarku kuu sii socdo. Weli waxaad haysataa 60 maalmood oo aad racfaan ka qaadatid go’aankooda, laakiin waa lagaa joojinayaa SSI haddi Badbaadada Buslshadu aysan helin waraaqaha Racfaanka muddo 15 maalmood gudohooda ah.
Haddii aadan racfaan qaadan, waxaad luminaysaa xaqi aad u lahayd racfaan qaadasho. Laakin haddi aad codsato muddo xadidan gudeheed, waxaad weydiisan kartaa in go’aanki kowaad markale dib loo furo, oo aad weydiisato illaa taariikhdaas in dib laguu siiyo gargaarkii kaa baaqday.
Waxaas oo dhan adaa samayn kara, ama la xiriir garyaqaan. Ka wac xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga 1-(877) 696-6529. Ama ka eeg caawimaad barnaamijyadda kale ku jira barta: www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.
Waxaa jira 3 nooc oo Dib-u-Eegis ah (recon):
Dib u Hubi in gal dacwadeedka, kulan aan rasmi ahayn, iyo dhageysi rasmi ah. Waxaad dooran kartaa kan adiga kuugu haboon xaalkaaga. Ku calaamadi sax foomka kan aad dooratay.
- Haddii aad racfaan ka qaadanaysid siyaado lagu siiyay, yarayn, ama joojin lagu sameeyay gargaarkaaga oo ay ugu wacantahay sababo aan caafimaad la xiriirin, waxaad waydiisan kartaa kulan rasmi ah ama mid aan rasmi ahayn. Sabab aan caafimaad ahayn waxaa ka mid noqon kara:
- dakhli badan oo ku soo gala ama ilo dhaqaale,
- in magacaaga laga helo xisaab bangi oo aadan adigu lahayn, ama
- laguu sheego in aad qaadatay gargaar aadan heli lahayn.
Waa in aad la kulantaa qofka go’aanka ka gaaraya racfaankaaga. Badanaaba kulanku wuxuu ka dhacaa xafiiska Badbaadada Bulshada.
- In aad racfaan ka qaadato jarid lagu sameeyay gargaarkaaga ( loo yaqaan “cessation” ee Curyaannimadaada) , waxaad xaq u leedahay dhegaysi goob jog ah. Waa in aad la kulantaa sarkaalka dhegaysiga ee dib u hubinta ku sameynaya galkaaga Dacwada. Kulankani waa mid yare hawl yar. Waxa uu ka dhici karaa xafiiska deegaanka ama xafiiska Adeegyadda Xukumida Naafanimada ee Gobolka (DDS).
- Waxaad keeni kartaa markhaati. Kani ma aha fursadii dhageysi ee kuugu dambeysay. Haddii aad lumiso dhageysiga aan rasmiga ahayn ee DDS, waxaad xaq u leedahay in aad hesho dhegaysiyo badan oo rasmi ah oo uu mar dambe qaado Qaali Sharci ee Maamulka ah (ALJ). Waa in aad racfaan ka qaadata go’aanka dhegaysiga DDS 10 maalmood gudohood si ay kuugu sii socoto gargaarkaaga inta aad suggayso ballanta dhegaysiga ALJ.
Be ready for your meeting. Write out a statement of the facts, including any new evidence. Tell Social Security about any new doctors, hospital stays, or medical treatments. If you are dealing with a non-medical issue, you should gather bank statements, deeds, vehicle titles, and any other important information. You have a right to look at your file before the meeting.
Talaabada 2aad: Dhegaysiga
Haddii aad lumiso dib u eegidda, waxaad weydiisan kartaa dhegaysi Qaali Sharci ee xagga Maamulka ah (ALJ). Tani waa tallaabada ugu muhiimsan. Dhegaysigu wuxuu noqon karaa goob joogid, araga fog (video) ama telefan.
Si aad u weydiisato dhegaysi waa in aad Badbaadada Bulshada soo gudbi foomka HA-501 Request for Hearing by Administrative Law Judge (Codsiga uu Dhageysto Qaali Xaga Maamulka Ah) 60 maalmood gudohood laga bilaabo taariikhda aad heshay go’aanka dib u eegista. 60ka maalmood waxay bilaabanaysaa maalinta ka dambeysa maalinta aad heshay go’aanka dib u eegista. Badbaadada Bulshadu waxay ka soo qaadayaan in aad heshay go’aanka 5 maalmood ka dib taariikhda go’aanka la gaaray.
Waa in aad foomka xeraysaa 10 maalmood gudohood si ay kuugu sii socoto SSI inta aad racfaanka ka qaadatay joojinta SSI.
Ka hel foomka xafiiska Sooshal Sakuuratiga (Social Security) ama khadka (online).
Haddii aad racfaan ka qaadanayso diidmada naafonimada, waxaad kaloo u baahantahay:
“SSA-3441 Disability Report – Appeal”
“SSA-827 Authorization to Disclose Information to the Social Security Administration”
Si aad u hesho foomka toos (xiriir) u tag www.ssa.gov oo geli tirsiga foomka barta baaritaanka. Buuxi foomka oo boostada ka dir ama geey xafiiska Badbaadada Bulshada ee ku yaal ee degmadaada.
Si aad u xereyso racfaanka Diidmo Curyaannimo si toos ah (xiriir) ah u tag www.ssa.gov.
- Guji “Benefits”
- Hoosta “Benefits” guji “Manage Benefits”
- Dhinaca liilka riix “Apply”
- Riix mareegta tiraa “Appeal a Decision We Made”
- Riix mareegta tiraa “Request Hearing”
- Guji santuukha buluuga leh “Start Disability Request”
- Hadii aad racfaan ka qaadanayso go’aan aan quseyn daryeel caafimaad, kolkaa xulo santuukha buluuga ah ee leh, “Start a Non-Medical Request”
Isu diyaari dhegaysiga! Fiiri galkaaga Badbaadada Bulshada. Waxaa ku jira xogta caafimaadkaaga, warbixinta Badbaadada Bulshadu kaa qoreen ama aad adigu qortay.
Galku wuxuu yaal xafiiska Howl Fulinta Dhegaysiyada (OHO). Wac (877) 512-3856 si aad u qabsato waqti aad galka ku aragto.
Haddii galkaagu yahay danab ku shaqeeye( elektaroonik) waxaad weydiisan karta koobi ku jira cajallad (CD). Xafiiska OHO wuxuu leeyahay kombiyuutar aad isticmaali kartid si aad u aragto. Waxaad kaloo heli kartaa in galkaaga iimayl ahaan laguugu soo diro.
- Haddii warqadaha ku jira galka midkood qalad yahay ama loo baahanyahay in la sharraxo, u diyaargaroow sidii aad u sharraxi lahayd marka dhageysigu dhacayo.
- Haddii war bixin cusub aad ka heshay dhakhtarka, ama warqad meeshii aad ka shaqaynaysay, ama adeegaha bulshada ee xaalkaaga haya oo ku saabsan awoodda aad u leedahay in aad shaqayn kartid, ugu gee xafiiska OHO 5 cisho oo kuwa shaqada ah ka hor dhagaysiga dacwada.
- Qof waa kuu raaci kara dhegaysiga si uu kuugu marag kaco aman kuu caawimo.
- Isku day in aad raadsato garyaqaan ama u doode. Way ku caawimi kartaa haddii aad la timaado cid kugu matasha dhegaysiga ALJ. La xiriir caawiye sharci yaqaal ee degnmada jooga ee 1-(877) 696-6529.
Dhegaysiga waa la duubaya. Qaaligu wuxuu eegayaa dhamaan caddaymaha iyo markhaatiyada, wuxuuna kuu soo dirayaa go’aanka dhegaysiga ka dib. Hubi in OHO ay hayaan cinwaanka boostadaada.
Talaabada 3aad: Guddiga Racfaanka
Haddaad lumiso dhegaysiga, waxaad dib u hubin waydiisan kartaa Guddiga Racfaanka ee jooga Virginia. Racfaanku ma aha dhegaysi goob joog ah. Guddiga Racfaanku waxay dib u hubin ku samaynayaan warqadaha ku jira galkaaga oo keliya.
Waa in aad xeraysaa foomka HA-520 Request for Review of Decision/Order of Administrative Law Judge (Codiga Dib U Eegista Go’aanka ee Qaali Xagga Maamulka Ah) 60 maalmood gudohood ka dib markii aad heshay go’aanka ogaysiinta ee “ALJ.
Ka soo qaado foomka xafiiska Badbaadada Bulshada ama khadka.
Si aad u hesho foomka si toos (xirrir) ah u tag www.ssa.gov oo geli “HA-520” barta baaridda. Buuxi foomka boostada dhig ama adigu gey xafiiska Badbaadada Bulshada ee degmadaada ku yaal.
Waxaad sidoo kale si toos ah (xiriirsan) racfaan uga diri kartaa www.ssa.gov.
- Guji “Benefits”
- Hoosta “Benefits” guji “Manage Benefits”
- Dhinaca liilka riix “Apply”
- Riix mareegta tiraa “Appeal a Decision We Made”
- Riix mareegta tiraa “Request Review of Hearing Decision”
- Guji santuukha buluuga leh “Start Request”
- Guji xulo santuukha buluuga ah ee leh, “Start an Appeal”
Ku dar galka haddii aad hayso caddayn ama warbixin dheeri ah, laakiin ha xirin galka haddii aadan caddaymaha oo dhan aadan soo aruurin Karin. Marka hore diiwaangeli galka hadday tahay in aad diiwaan geliso, waxaii caddaymo cusub ee aad heshana dib uga dir sid ugu dhaqsa badan. Guddiga Racfaanku waxay ku siinayaan 25 maalmood si aad u soo dirtid caddaymaha kadib marka aad racfaanka xeraysay. Waxaad kaloo weydiisan kartaa waqti dheeraad ah.
Gudiga racfaanku wuxuu dib u hubinayaa waxii laga duubay dhegaysigii, iyo warqadaha ku jira galka iyo wixii caddaymo kale ah ee aad soo dirtay. Waxay yeeli karaan in ay galka dhegaysi kale ku celiyaan, ay diidaan racfaankaaga, ama ay nasakhaan (baabi’iyaan) xukunkii hore, oo ay ogolaaadaan in aad buuxisay shuruudihii la rabay.
Talaabada 4aad : Maxkamadda
Haddii golaha racfaanaddu uu soo saaro xukun adiga dhan kaa ah, waxa aad racfaan u qaadan kartaa maxkamadda dowladda dhexe. Ka hel akhbaar kale oo ku saabsan racfaankaa barta: https://www.ssa.gov/apply/appeal-decision-we-made/file-review-federal-district-court.
Waa in aad leedahay garyaqaan kaa caawina tallaabadaan.