Caymiska Bulshada u soo sheeg isla markiiba isbedelka ku dhacay lacagtii aad heli jirtay. Xitaa haddii aad soo sheegtay isla markiiba waxaa dhici karta in jeegi ku xigay laguu soo diro iyadoo aan tiradii waxba iska bedelin. Markaas waxaad heshay lacag dheeraad ah.
Waxyaabaha keeni kara in aad hesho lacag dheeri ah waxaa ka mid ah:
- Waad guursatay
- Waxaa isbedelay dakhligaagi
- Waxaad bilowday ama joojisay shaqo.
- Waxaaad gashay cisbitaal
- Waxaa geeriyooday xaaskaagii/saygaagii
- Waxaad heshay lacag badan sida abaal gudka caymiska, ama heshii maslaxaad shil gaari
Haddii aad u malaynayso in isbedelkaas ay dhici karaan, raadso tala bixin sharci ah oo ku saabsan sidii aad yeeli lahayd si aad isaga ilaaliso in lacag dheeraad ah oo laguu soo diro. Meel dhigo cadeyn ah kolka aad soo sheegto isbedel. Nuqulo adigu naftaada u hayso ama meel ku qoro cidda aad la hadashay ee ee xafiiska Sooshal Sakuuratiga (Social Security).