Nidaamka dib u bilowga macaashka waa mid muddo qaadata, waxa aad bilaabi kartaa 3 bilood ka hor inta aan xabsiga lagaa sii deyn. Sida aad dib ugu bilaabeyso macaashka waa mid ku xiran nooca macaashka aad qaadan jirtay.
SSDI: Si aad dib ugu bilwodo macaashka SSDI, waa in aad ogaataa taariikhda lagu sii deynayo. Marka ay 3 bilood ka dhiman tahay taariikhda sii deyntaada, shaqaalaha kula shaqeynaya ayaa kaa caawinaya sida aad ula xiriiri laheyd oo aad sii deyntaada u gaarsiin laheyd Lambarka Bulshada.
Waxa kale oo aad soo wici kartaa Lambarka Bulshada ee 1-800-772-1213 si aad u soo gaarsiiso taariikhda sii deynta. Qofka aad la hadasho ayaa ku siin kara macluumaad dheeraad ah.
Maalinta xabsiga lagaa siidaayo, sida ugu dhaqsaha badan u tag xafiiska Lambarka Bulshada adiga oo wata aqoonsi sawir leh iyo cadey muujineysa in xabsiga lagaa sii daayey. Tani waxa ay Lambarka Bulshada u ogolaaneysaa in ay kuu soo diraan lacagta. Waxaa lagaa doonayaa in aad u keento Lambarka Bulshada cinwaanka aad degan tahay.
Marka ugu horeysa oo jeegga SSDI aad heli karto bisha xigta bisha xabsiga lagaa soo daayey.
SSI: Xusuusnoow, macaashka SSI oo la joojiyey wax ka badan 12 bilood waa laga noqday (buriyey). Si aad dib ugu bilowdo macaashka SSI oo laga noqday, waa in aad dib u codsataa oo aad cadeysaa in aad naafo tahay oo aad ka soo baxday shuruudaha maaliyadda ee ku xiran. Si ka duwan macaashka SSDI, ma codsan kartid macaashka SSI ilaa 30 cisho ay ka dhiman tahay marka xabsiga lagaa sii deynayo. Weydii shaqaalaha kula shaqeynaya in ay kaa caawiyaan sida ay codsi cusub oo SSI u soo gudbin lahaayeen bil ka hor taariikhda sii deyntaada.
Haddii aad xabsi ku jirtay wax ka yar 12 bilood, oo aad dooneyso in aad dib u bilowdo macaashka SSI oo lagaa joojiyey, weydii shaqaalaha kula shaqeynaya in ay la xiriiraan Lambarka Bulshada bil ka hor soona gaarsiiyaan taariikhda lagu sii deynayo.
Waxa kale oo aad soo wici kartaa Lambarka Bulshada ee 1-800-772-1213 si aad u soo gaarsiiso taariikhda sii deynta.
Ama qofka wakiilka kaa ah ayaa tagi kara xafiiska Lambarka Bulshada haddii ay doonayaan in ay qoraal soo gudbiyaan. Qof qoyska ka tirsan ama saaxiib kula ah ayaa sidoo kale keeni kara iyaga oo sita warqad ogolaasho oo aad soo saxiixday.