Waxaad samayn kartaa wax yaabaha soo socda:
- Ogolow in aad soo celiso kalana shaqay qorshe dib u soo celin. Habkaani wuxuu kuu ogolaanayaa in aad xakamayso inta laga jari karo jeegaaga. Fiiri in ay goosan karaan wax ka yar 10% jeegiiba
Ogow: tirada ugu yar ee ay aqbali karaa waa $10 bishiibaa. Waxa aad waydiisan kartaa cadad kale oo dib u bixin lacagta ah adigoon sameynin wax warqado buuxin ah haddii sidoo kale aad hesho nooc kale oo gargaar lacag cadaan ah sidda MFIP, MSA, manfacyadda Halgamayaasha wadanka (Va).
- Racfaan. Haddii aad u malaynayso in wax dheeraad ah aadan qaadan, racfaan waad ka qaadan kartaa. Xereey racfaan qorran isla markiiba. Fiiri xoggta urursan, Racfaanka SSI, siddi tan aad u samayn lahayd.
- Racfaan qaado 10 maalmood gudohood markaad heshay ogaysiinta haddii aad rabto in jeegaagu ahaado intiisii inta lagu jiro racfaanka.
- Racfaan qaado 60 maalmood gudohood markaad heshay ogaysiinta, haddii kale waxaad waayaysaa xaqa aad u leedahay in aad racfaan qaadato.
Ogow: Caymiska Bulshadu waxay u qaadanaysa in ogaysiinta aad heshay 5 maalmood ka dib taariikhda ogaysiinta. Waxa aad isku dayi kartaa inaad racfaan qaadato ka dib 45 cisho laakiin waxa aad u baahan tahay inaad cadeyso in aad haysato sabab fiican oo ah la soo daahida racfaanka.
- Waysiido in lagaa “dhaafo” (cafiyo). Taas micneheedu waxa weeye in xitaa haddii lagu siiyay lacag dheeraad waajib ma ah in aad soo celiso. Haddii aadan awooodi karin in aad lacagta soo celiso, xereey isla markiiba in lagaa cafiyo. Haddii aad xereyso 30 maalmood gudohood markii aad heshay ogaysiinta, Caymiska Bulshadu kaama goosan karaa wax lacag ah ilaa aad iyaga la kulantid. Haddii ay bilaabeen in ay lacag kaa qaataan, codsiga in lagaa cafiyo (dhaafo) waxay ka joojinaysaa in lacag lagaa qaato illaa go’aan lagaa gaaro. Waa in ay ku siiyaan cafis haddii lacag bixinta dheeraadka ahi aysan ahayn qalad adiga xagaaga ka yimid iyo:
- Waxay noqonaysaa wax aan caddaalad kugu ahayn in aad dib u bixiso ( tusaale, ma awoodi kartid in aad dib u bixiso, waxayna kugu noqonaysaa dhib badan, ama
- Inta dheeriga kugu ahi aad bay u yartahay mana mudna waqtiga iyo xoogga la gelinayo soo ururinteeda.
Ogow: Haddii sababta aad u heshay lacagta dheeriga ah ahayd addiga oo qaadanaya gargaar intii uu socday racfaanku sharcigu waa ka duwan yahay. La xiriir gargaare sharci ah si aad u hesho xog dheeraad ah.
Hal mar waad wada xerayn kartaa racfaan iyo cafis ( ka dhaafid) labadaba. SSA ma aha inay kaa xayirto manfacyadda xilliga racfaanka ama inta aad sugayso go’aan ku saabsan saamixida.