Marmarka qaarkood, dadku waxay u maleeyaan in hadii ay xoroobaan ay xoroobidu xalin doonto dhibka haysta. Laakiin, badanaa, waxyaabo kale oo la yeeli karo oo dhanka sharciyada ayaa ka fiican. Kuwani waa tusaalayaal arrintaa ku saabsan.
- Ninka hooyaday qaba ayaa igu tacadiya. Waxaan doonayaa inaan ayeyday la noolaado, laakiin hooyaday iima ogola taa, sidaa awgeed, waxaan rabaa inaan xoroobo.
Xaaladan oo kale, ilmahu runtii ma doonayo inuu gaar u noolaado oo uu naftiisa mas’uul ka noqdo. Ilmahu waxa u doonayaa in waalid loo noqdo. Maadaama uusan gurigu amaan ahayn, waxa ay doonaysaa inay ayeydeed la noolaato. Waxay is tiri hadii ay xoroowdo, waxa ay la degi kartaa ayeydeed in kastoo hooyadeed ay tiri maya. Laakiin ma ay heli karto xoroobid waayo hooyadeed ma doonayso inay ka tanaasusho xaquuqdeeda ah inay u taliso ilmaha.
Xoroobidu ma aha wax anfacaya arrinta, waxaa jira waxyaabo kale oo ay yeeli karaan dhalinyada doonaysa inay helaan ka ilaalin tacadiga. Xaaladan oo kale, ayeeyadu waxaa dhici karta inay maxkamad tagi karto si ugu hesho amar ilaalin ilmaha ah ama amar siinaya iyadu inay ilmaha hayn karto. Gabadhu waa ay heli waxa ay rabto: qof daryeela oo aan ku tacadiyin.
- Hooyaday waxay i soo cayrisay asbuucii hore. Waxaan u baahnahayn inaan dhaqtar arko, laakiin dhaqtaradu waxa uu tiri, ima ay arki karto ogolaanshaha hooyada la’aantii? Waxa aan rabaa inaan xoroobo si aan u arko dhaqtarada.
Minnesota, ilmaha aan la noolayn waalidka ama qofka sharciyan mas’uulka ah, waxa ay gaari karaan go’aano ku saabsan daryeeladooda caafimaad la’aanta ogolaansho cid kale. Dhalinyaradu waxaa dhici karta kolkaa inay mas’uul ka noqdaan bixinta kharashka daryeelka, dhaqtarkuna waxaa dhici karta inuu go’aansado inay tahay maslaxada ilmaha in loo sheego waalidka booqashada dhaqtarka, laakiiin, dhallinyada gaarka u nool ma aha inay “xoroobaan” si ay u ogolaadaan inay helaan daryeel caafimaad la’aanta ogolaanshaha waalidka. Eeg warqadayada xogta xafidan ee Ma u tagi karaa dhaqtar kaligay hadii aan ka yarahay 18? Dhaqtar aan anigu leeyahay ma yeelan karaa hadii aan ka yarahay 18 sanno?
Dhanka kale, dhibaatooyinka qaarkood waxaa la xalin karaa hadii aad tusto in laguu tixgeliyo inaad xorowday. Matalan, qolo guri lahi waxaa dhici karta inay kuu diido inay guri kaa kireyso aan ka ahayn inaad u cadeyn ah inaad xoroowday. Qolada gurigu waa dhici karta inay ku qancaan oraah ay saxiixeen waalidkaa ama warqad qareen oo bayaaminaysa xaqaa’iqa iyo sharciga go’aaminaya in laguu tixgeliyo inaad xorowday.