Marka laga reebo in qof sharci u heysta uu fuliyo isu guurinta, waa in ay 2 qof oo markhaati ah goobjoog ka ahaadaan. Goob joogayaasha waa in da’doodu ka weyn tahay 16 sano jir. Waa in ay saxiixaan shahaadada si ay uga marag kacaan in ay goobjoog ka ahaayeen.
Haddii uu xafladda qabtay qof xagga diinta ka socda, xafladda waa in loo qabtaa hab waafaqsan sida ay diintaadu qabto.
Haddii uu xafladda qabto qaali, maamulaha maxkamadda, ama dad kale oo aan aheyn wadaadada diinta, waa in aad cadeysaa in qofka aad u noqoneyso xaas, say ama dad wada nool xilli ka mid ah inta ay xafladdu socoto.