Haddii aad rabto in aad gaddo gaari, waxaa jira waxyaabo ay tahay in aad iska ilaaliso in ay dhibaato kuu keento mar dambe, waxaa ka mid ah tigidh ganaax aadan adigi lahayn, ama lagugu soo dacweeyo shil aadan adigu geeysan. Isku day inaad sameyso waxyaabaha ku qoran warqadan xogta aruursan ah si aad amaan u ahaanto.
Mar kasta kala kala qorta heshiis. Sidaas waxaad ku xaqiijinaysaa adiga iyo qofka kaa iibsanaya gaariga in aad ku heshiiseen qiimaha gaariga iyo xaaladda gaariga. Labadiinuba waad saxiixaysaan heshiiska waxaadna la haraysaa koobi. Heshiiskaas waa in ay ku jirtaa:
Magaca qofka iska gadaya
Magaca qofka gaariga iibsanaya
Lambarka Aqoonsiga Gaariga (baabuurka) “VIN”
Lambarka ruqsadda taargada gaariga
Imisa ayaad ku iibineysaa gaariga
Xaaladda gaariga – inta badan waxaad gaariga ku iibineysaa “ sida uu yahay”
“Damaanad qaad” waa ballan qaad xaaladda gaariga ee taariikhda la gadayo. Haddii aadan rabin in aad mas’uul ka noqotid dayactirka ama dhib kale ee mar dambe ku soo baxa gaariga, u sheeg iibsadaha in aad gaarigu ku gadaysid “ sida uu yahay”. Sidaas waxaad kaloo ku sheegaysaa heshiiska qoraalka ah.
Weydiiso in iibsaduhu ku siiyo lacagta oo dhan iyada oo caddaan ah, jeegga wareega ah, ama jeega khasnad hayaha ah oo bangi laga qoray. Ha ku wareejin mulkiyadda ama furayaasha illa aad hesho lacagta. Ha qaadan jeeg shakhsi ah, waxaa laga yaabaa in lagugu soo celiyo, xisaabta oo aan lacagi ku jirin awgeed, ama waa joojin karaan jeega inta aadan lacagta helin.
Qofna hadalkiisa ha qaadan in ay ballan ku qaadayaan in ay bixiyaan bishiiba ama xiligiiba qayb ka mid ah lacagta. Hadii aad ka ogolaato iibsadaha gaariga qorshaha bixinta lacagta si tartiib tartiib ah, waa in qorshahaasi yahay qoraal waana in aad xaqiijisaa in heshiiska lagu sheego waxa ku dhacaya gaariga iyo lacagta horey loo bixiyay haddii uu iibsaduhu bixin waayo lacagta dhiman oo dhan. Xitaa haddii ay jirto heshiis, waxay noqon kartaa wax adag, oo lacag badan, oo waqti badan qaata si aad qof maxkamad u gaysid oo isku daydid in aad ka hesho lacagtii aad ku lahayd haddii ay bixin waayaan. Dad badan oo dacwad maxkamadeed ku guulaysta ayaan weligood awood u yeelan in ay lacagtoodii dib u helaan.
Dad badan waxay qaataan lacagta, waxay saxiixaan wareejinta mulkiyadda, waxay ka goostaan warqadda qaybta ay ku qorantahay “Ogaysiinta Gadidda” ee xagga hoose ee mulkiyadda waana diraan. Taas micneheedu waxa weeye wareejinta mulkiyadda ee dhabta ah waxay uga tegayaan iibsadaha. Taasi ma xuma, haddii qof walba uu samaynayo wixii ay ahayd in uu sameeyo. Laakiin, inta badan, dadku ma wada sameeyaan wixii ay ahayd in ay sameeyaan! Ugu dambayna waxaa kugu yimaada in aad bixiso ganaax, ama dhibaato xagga sharciga ah ama wax ka badan.
In aad ka goosato qaybta ogaysiinta Gadidda, ma aha wareejinta mulkiyadda. Haddad rabto in aad si buuxda uga badbaado wax kasta oo dhib ah, xaqiiji in wax kasta ay sax yihiin, addiga iyo iibsadaha waa in aad wada tagtaan Xarunta Leesinada iyo Adeegga Gaadiidka oo aad wareejinta halkaas ku wada samaysaan waji ka waji. Waa ay mudantahay in dadaalkaas dheeraadka ah aad la timaadaan oo aad wada tagtaan xafiiska si aad isaga ilaalisaan dhibaatooyin xagga sharciga ah iyo dhib kale oo mar dambe idinku soo baxa, oo ay ka mid noqon karaan ganaax iyo dacwad maxkamadeed.
Waxaad wici kartaa (651) 297-2005 si aad u hesho xafiiska.
Xaddii aad lumisay magaca lahaanshaha asliga ahaa, waa in aad codsataa koobi magaca lahaanshaha ka hor inta aan lagu wareejin mulkiilaha cusub. Weydii xafiisk DVS waqtiga ay qaadanayso. Haddii aad adigu doonato waxay qaadan karta maalin ama labo.
Marka aad tagto xafiiska DVS, waa in aad saxiixdaa ku wareejinta lahaanshaha asliga ah iibsadaha cusub, oo aad dhamays tirtaa macluumaadka kale ee loo baahanyahay. Adiga iyo gataha cusub waa in aad buuxisaan foomka Application to Title/Register a Vehicl (Arjiga Mulkiyadda/Diiwaan gelinta Gaariga). Waxaad foomka ka heli kartaa barta internetka ee xafiiska. Waa in aad taqaanaa, akhridaa oo aad qorataa tirsiga saacadda masaafada xisaabisa ee gaariga ka hor inta aadan xafiska tegin. Waa in aad sidoo kale soo bandhigtaa wixii waxyeello ah ee gaarigu horey u qabay. Haddii ay jirto rahmad, waa in aad haysataa kaarka ka sii deynta rahmadda ama lacagta lagu leeyahay oo nootaayo la soo mariyey oo cadeyneysa in aan waxba lagu lahayn gaariga si aad mulkiyadda gaariga ugu wareejisid iibsadaha cusub.
Wada dhiib warqadaha oo dhan iyo kharajka isku mar. Sida aad u hubiso in in ay arrintaasi dhamaatay.
Ka war bixinta gadidda gaariga lama mid aha wareejinta mulkiyadda. Haddii aad wareejiso mulkiyadda waji ka waji waxaad si toos ah uga war bixinaysaa gadidda gaarigaaga. Haddii aad mulkiyadda siisid iibsadaha, oo aadan tegin xafiiska DVS si aad warqadaha u dhamaystirtid, waa in aad ka war bixisaa in aad gaari-gaagii gadday 10 maalmood gudohood. Fiiro Gaar ah: Hadii aad ka gaday shirkadaha gawaarida ka ganacsada ma ha in aad ka warbixiso gadidda.
Waxaa jira laba siyood oo aad uga warbixin kartid gadidda:
Si xirriah (Online): Waxaad uga warbixisaa si xiriir ah halka www.dps.mn.gov
Gujihalak “Mark Vehicle as Sold/Donated/Removed from State”
Boostada: Buuxi jeexa hoose ee warqadda mukiyadda oo ay ku taal “Ogaysiinta Gadidda”. Xaqiiji in aad qorto magaca iibsadaha, cinwaankiis, lamabarka ruqsada gaari wadida, haddiiba ay jirto, iyo taariikhda gadida. Ka soo jeex qaybtaas aad buxisay, boostadan u dhig DVS cinwaanka soo socda:
Driver and Vehicle Services – Central Office Town Square Building 445 Minnesota Street, Suite 190 Saint Paul, MN 55101-5168
Haddii gaariga lagu taba rucay ama la tuuray iyadana uga war bixi DVS.