Amarka Amaan Helida (OFP) ee dhanka ka ah Dagaalka Qoyska Dhexdiisa ah – Adigu iskaa u sameyso
Haddii aad khatar ku jirto, WAC CALL 911
Akhbaartani waxa ay kaa caawin kartaa hawsha maxkamada Amarka Amaan Helida (OFP). Amarku kaama uu ilaalin karo qof khatar ah. Haddii aad is leedahay hadda khatar ayaad ku jirtaa, wac 911.
Ka Fakar Inaad Qareen Hesho
Si weyn uga fakar inaad qareen hesho haddii kiiskaaga ay ku jiraan:
- waxyeelid ilmood
- walwal ku saabsan martabadaada sharciga wadanka aad ku joogto (immigration)
- amrida qof makhraati ahi inuu maxkamada yimaado
- daliil qoraal ah
- makhraati furka khibradlayaasha sida dhaqaatiirta ama bilayska
hadii qofka kugu tacadiyeyaa uu qareen leeyahay, waa inaad isku daydaa in aad adiguna mid soo hesho. Hel qareen bilaash ugu shaqeeya dadka danyarta ah (Find a free lawyer for low-income individuals) ama hel qareen jeebkaaga ah (private lawyer).
La soo Bax (Download) Foomamka
Kala soo bixida (Download) foomamka banaan shabakada (website) Maxkamada Minnesota. La soo bax (download) foom walba adigoo riixaya “PDF” ama “DOC” ku hoos taal foomka.
- Haddii aad doonayso inaad daabacato foomka aadna gacanta ku buuxiso, riix “PDF”
- Haddii aad doonayso inaad jawaabahaaga geliso ka dibna aad daabacato foomka buuxsan, riix “DOC”
Ka hor inta aadan bilaabin buuxinta foomamka, akhri tilmaamaha qaybaha falaaraha hoos u jeeda ee hoose ee la yiraa ”Ku saabsan Amarka Amaan Helida” iyo “Waxa aad u baahan tahay inta aadan bilaabin.” Ka eeg Warqadayada xogta aruursan ee Amarada Amaan Helida iyo Amarada Ka Reebida Khashkhashaadaha (Orders for Protection and Harassment Restraining Orders) wixii kale ee akhbaar ah.
Haddii adiga ama ilmahaagu aad u baahan tihiin amaan helid, buuxi foomamkan “Dalbashada Amarka Amaan Helida ah” hadda:
- Gal https://mncourts.gov/GetForms.aspx?c=17&p=63
- Falaarta hoos geey ka dibna hel mid walba oo ka mid ah foomamkaa:
- OFP101 - Tilmaamaha Dalabka Ammarka Badbaadinta
- OFP102 - Dacwada Amarka Difaacidda ah (OFP)
- OFP103 - Ogeysiiska la Siiyo Codsadaha Kuna Saabsan Macluumaadka Lagu Bixiyay Cosdsiga iyo Warqadda Dhaarta (Affidavit)
- OFP106 - MUHIIM OGEYSIISKA CODSADAHA
- OFP107 - Codsiga Cinwaanka/Telefoonka Qarsoodiga
- OFP904 - Carruuta Yaryar ee Kale ee la nool Dacweysanaha
Haddii laguu “keeno” warqado maxkamadeed oo ku saaban qof kaa codsanaya Amaan Helid, buuxi foomamka “Ka Jawaabida Amarka Amaan Helida” markiiba:
- Gal https://mncourts.gov/GetForms.aspx?c=17&p=64
- Falaarta hoos geey ka dibna hel mid walba oo ka mid ah foomamkaa:
- OFP201 - Macluumaadka Dacweysanaha Kiis ah Tacaddiyada Qoyska Gudihiisa
- OFP202 - Codsiga Dacwad-dhageysi