Qoysas badan way ka bixi karaan xayiraadda haddii ay la kulmaan la taliyahooda FSS. Waxaa kaloo suragal ah in aad ka baxdo xayiraaadi bilihii hore haddi aad la timaado sabad wanaagsan. Sabab wanaagsan waxaa ka mid ah xanuun kugu dhacay, adoo waayay xanaanaynta caruurta iyo gaadiidka, arrimo deg-deg ah, qalalaase qoyska ka dhex dhacay, ama sababo kale oo kuu diiday in aad hirgeliso qorshakaaga shaqo. Haddii aad u malaynaysid in aad hesho FSS aadna ku howlantahay sidii aad u heli lahayd caddayn in aad buuxin karto shuruudaha lagu helo FSS, waa in lagaa qaadaa xayiraadda ku saaran. Haddii la taliyahaaga shaqo uu kaa qaadi waayo xayiraadda, waxaad xereysaa racfaan.