After you're done reading this page, take a short quiz to test what you've learned!
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa kolka iyo sidda aad uga xareysan karto racfaan manfacyada ah Waaxda Adeegyada Bulshada (Department of Human Services).
Waxaad racfaan (dib u eegid) ka qaadan kartaa go’aan kasta oo ku saabsan gargaarka dadweynaha oo ay gaareen dhamaan wakiilada gargaarka dadweynaha ee degmada iyo waaxda MInnesota u qaabilsan adeega bani’aadanka. Racfaan waa ka qaadan kartaa haddii laguu diiday gargaarka, ama hoos loo dhigay ama lagaa jaray, ama dib loo dhigay ama lagaa khalday tirada.
Waxaad racfaan (dib u eegis) ka qaadan kartaa go’aamada ku saabsan wax yaabaha soo socda:
Barnaamijka maalgelinta qoyska ee Minnesota (MFIP)
Maya, laakiin waa ku caawinaysaa. Wac xafiiska u qaabilsan garyaqaanada wax caawiya sida ugu dhaqsaha bada in ay kuu caawiyaan ama meel kale kuu diraan ee 1-(877) 696-6529.
Guji halka “Sidee u sameeyaa (How I do)” sanduuqa bogga dusha sare kaga yaal
Hoos ka eeg “Raadi” Guji “edocs and forms”
Guji luqadaada
Garaac tirade 0033 baarta raadinta
Waxaa jira tilmaan bixin iyo foom. Si taxadar leh u akhri wax kasta, buuxi foomka dhamaantiis, dabadeedna Guji “Dir” oo ku qoran dhanka hoose ee midig. Waxaa ra’yi fiican ah in aad koobi ka daabacato.
Waxaad kaloo daabcan kartaa foomka oo maran, haddad rabto in aad gacanta ku buuxiso oo aad adigu dirto.
Boostada ama fakis: Foomka waxaadka heli kartaa degmada. Waxba kuma jabna haddii aaadan dooneyn in aad isticmaasho foomka, waxa keliya oo aad qortaa warqad oo boostada dhig ama fakis ku dir.
Sheeg go’aanka aad racfaanka ka qaadanaysid iyo sababta aad u qaadanaysid racfaanka.
Haddii aad rabto in gargaarku kuu sii socdo inta racfaanka lagu jiro, waxaa jira waqti xadiddan. Hoos ka fiiri ” ugu horeyn goormaan racfaan qaadan karaa”.
Waxaad hubisaa in aad racfaanka ku qortay tirsiga galkaaga dacwo, iyo taariikhda warqadda. La har koobi, waxaad warqadda racfaanka u dhiibi kartaa u qaybsanaha howshaada ee degmada jooga.
Waxaa kaloo aad ku diri kartaa boostada ama fakis ugu diri kartaa:
Xafiiska racfaanka ee u qaabilsan degmada Waaxda adeegyada bani’aadanka ee MInnesota P.O.Box 64941 St. Paul, MN 551640941
Inta badan waxaad haysataa 30 maalmood laga bilaabo maalinta degmadu ogaysiiska bixisay. Haddii ay tahay gargaarka cunnada waa 90 maalmood. Warqadda go’aanka waxaa ku qorran mudada aad haysato. Si taxadar leh u akhri.
Haddii aad racfaanka soo gudbiso muddo ka dambeysa waqtiga laguu xadiday, laakiin aan la dhaafin 90 maalmood wax in aad sheegtaa “ sabab macquul ah” la daahidda ku dhacday. Sababo macquul ah waxaa tusaale u noqon kara adigoo aad u xanuunsanaa ama magaalada ka maqnaa markii ay timi warqadda ogaysiintu.
Haddii aad racfaanka ka qaadanaysid joojin ama yarayn oo aad rabto in uu kuu sii socdo gargaarku inta racfaanka lagu dhex jiro, waa in aad racfaanka qaadataa:
10 maalmood gudohood marka ay degmadu warqadda ogaysiinta kuu soo dirtay ama
Ka hor inta uusan bilaaban taariikhda joojinta ee yaraynta gargaarka
Inta badan dhageysigu wuxuu dhacaa inta u dhexaysa 3 ama 4 todobaad marka aad racfaanka qaadatay ka dib. Haddii aad racfaanka ka qaadatay waxyaabo Degdeg ah oo ay ka mid tahay in laguu diiday Gargaarka Degdegga ah (AE) waxaad weydiisan kartaa “ dhageysi la dadajiyey”. La dadajiyey macneheedu waa lagu dhaqsaday. Dacwad dageeysigaagu waxaa laga yaabaa in uu dhaco 1 todobaad ama 2 todobaad ka dib marka aad racfaan qaadatay.
Sarkaalka u qaabilsan dhagaysiga dacwadda wuxuu kuu soo dirayaa go’aanka muddo 90 maalmood gudohood ah ka dib marka aad racfaanka qaadatay, lakiin inta bada waqti ka dheer bay qaadataa. Galka dacwada Degdegga ah, sarkaalka u qaabilsan dhagaysiga waxaa saaran in uu go’aanka soo dedejiyo intii suura gal ah. Laakiin ma jiro wax gaar ah oo sheegaya sida ugu dhaqsaha bada.
Waxaad foomka ama warqadda racfaanka ku sheegtaa in aad u baahantahay tarjumaan. Xafiiska dacwada dhageysanaya waa in uu keenaa tarjumaan. Waxa suurta gal ah in tarjumaaku uu taleefoon kuugu tarjumo marka la dhageysanayo dacwadda, xitaa adiga oo goobta dhegeysiga jooga. In aad tajumaan leedahay waa arrin wanaagsan xitaa haddii aad u garaneyso afka Ingiriisiga. Waxaa lagu weydiin kara isla su’aalihii.
Waxaa laguu soo diray warqad ogaysiin dhagaysi dacwad. Waxaa ku qorran waqtiga iyo meesha dhayasigu ka dhacayo. Inta badan dhagaysigu wuxuu ku dhacaa telefoon laguu soo diray. Waxaad xaq u leedahay dhegeeysi aad goobjoog ka tahay, ama lagu qaado habka is arkid fog (video) xaaladaha qaarkood.
Haddii dhegysiga dacwadu tahay telefoonka, waxaad hubisaa in sarkaalka dhegaysiga uu haysto lambarka saxa ah oo uu kaa soo wacayo.
Hadii aad dareemaysid in aad u baahantahay dhegaysi goobjoog ah, ama is arkid fog (Video) sababo la xiriira adoo curyaan ah, ama marqaatigaagu yahay curyaan, wac xafiiska qaabilsan dacwadaada oo u sharrax sababta aad u dareemaysid in aad sidaas rabto. Waxaa suura gal ah in dhageysigaaga jadwal kale loo sameeyo
Degmadu waxay kuu soo diraysaa “ warbixinta arrimaha oo kooban”, ama wakiilka gobolka war bixintiisa oo kooban”. Halkaas waxaa ku dhan xaqiiqooyinka iyo sharciga ay u isticmaaleen go’aanka ay gaareen. Waxaa kugu haboon in aad hubiso buugga diiwaanka Daryeelka dadweynaha si aad u arragto waxa uu ka qorayo dhibka dacwadaada. Diiwaankaas waxaad ka heli kartaa maktabadda uu ku dhow, ama xafiiska Daryeelka Dadweynaha, ama xafiiska garyaqaanada dadka caawina. Diiwaanadaas waxaa kaloo laga heli karaa si toos ah mareegta Waaxda Adeegga Bani’aadanka ee MInnesota.
Waa in aad:
Ururso xaqiiqooyinka oo dhan. Nuqul (Koobi) ka samee warqad kasta ee ku caawin karta.Fakis warqadaha ugu dir xaakimka. Lambarka fakisku waxa uu ku yaal warqada ogaysiiska ah ee kuu sheegaysa taariikhda iyo waqtiga dhagaysiga dacwadaada. Ka sii nuqulo hawl-wadeenkaaga iyana.
La hadal qof kasta oo markhaati kuu noqon kara ama faafaahsan kuu qori kara. Haddii mid ka mid ah markhaatiga uusan iman Karin waqtiga dhageysiga waxaad dalban kartaa amarka maxkamad uga yeerista (subpoena) in u ku yimaado. Wac xafiiska dhegaysiga (651) 361-7900 sidii aad u heli lahayd maxkamad uga yeeris.
Fiiri sida ugu dhaqsa badan galkaaga yaal xafiiska Daryeelka Dadweynaha. Wakiilku ma isticmaali karo warbixinada galkaaga ku qorran marka dacwada la dhagrysanayo haddii aadan adigu marka hore arkin.
Dhegaysiga dacwada ka hor waa in aad samaysataa qodobada waaweyn ee dhegeysiga iyo faahfaahinta nuxurka dacwada dhegeysiga, iyo waxa aad rabto in aad tiraahdo.
Tababar ku qaado saaxiibkaa hortiisa sidii aad u sheegi lahay dacwadaada .
Haddii dhegaysigu ku dhacayo telefoonka, xaqiiji in telefoonkaagu shaqaynayo. Waxaad kaloo tegi kartaa xafiiska Daryeelka Dadweynaha ee ku yaal Degmadaada si aad telefoonka u isticmaasho.
Dhageysigu ma aha mid rasmi ah sida kan maxkamadda. Haddii dhegaysigu yahay goob joogid, qof kasta wuxuu fariistaa miis. Sarkaalka u qaabilsan degmada ee dhegaysiga dacwada ayaa weydiiya su’aalo uu qofku ka jawaabo asaga oo dhaarsan. Waxaa goobta jooga qofka galkaaga haya, mararka qaarkood waxaa la socda horjoogahiisa, garyaqaan ama u doode degmada wakiil u ah. Adiguna waad la iman kartaa garsoorahaaga, u doodahaaga iyo marqaatigaaga.
Qofka galkaaga dacwadaada haya ee degmada ka socda ayaa sheegi doona war bixinta ku saabsan dhanka degmada, wuxuuna siinayaa sarkaalka dacwada dhagaysanaaya wax kasta oo qoraal ah, ama marqaati ah oo cadaynaya si uu u xoojiyo doodiisa. Adiga iyo marqaatigaagu sidaas oo kale ayaad yeeli kartaan. Marka ugu dambaysa dhinac walba wuxuu bixinayaa warbixin gaaban ee ku saabsan dhankooda ee galka dacwada
Sarkaalka dhageysanaya dacwada kuma dhawaaqayo go’aanka dhegaysiga. Waa in aad sugtaa inta boostada laguugu soo dirayo jawaabta.
Sarkaalka dhageyasiga dacwaddu waxa uu qoraa go’aan talo soo jeedin ah waxa uuna u diraa mid ka mid ah Xaakimada Madaxa Adeegyada Bulshada. Xaakimka Madaxa Adeegyada Bulshada ayaa go’aanka ka dambaysta ah gaaraya ka dibna adiga ayuu kuu soo diri go’aankaa.
Haddii aad qaadanaysay manfacyo mudaddii racfaanku kuu socday, lagaana adkaado aakhirka, manfacaaga waa la joojin ama waa la yareyn ka dib dacwo dhagaysiga koowaad, xataa haddii aad racfaan kale sii qaadato. Sidoo kale waa khasab inaad dib u bixiso manfacyada aad qaadatay mudaddii racfaanku socday, haddii aadan ku guulaysan racfaan maxkamad heer kore ah. Haddii aad wali qaadanayso manfacyada, dowladdu waxa ay bilaabi inay lacag uga gooyso cadadka lagu siiyo lacagtii siyaadadda ahayd ee aad qaadatay.
Haddi aadan ogolayn go’aanka, waxaad haysataa 30 maalmood laga soo bilaabo maalinta uu saxiixay qaaliga ugu sareeya ee adeegyada bani’aadanka oo uu ku weydiisanyo dib uga fikir (dib uga fiirsato) ama racfaan aad u qorato maxkamadda.
Haddii aad rabto in aad weydiisato dib uga fikirid, marka hore waa in aad ay noqoto:
Mid qoraal ah iyo
U soo dir agaasimaha racfaanka
Waxaa kaloo qoraalka loo dirayaa wakiilada oo dhan ee ku jira liiska siday u kala horeeyaan 30 maalmood gudohood taariikhdii go’aanka ama amarka la gaaray.
Ma jiro foom u gaar ah. Waxaad qoraysaa warqad aad ku dalbanayso dib uga fikir go’aanka lagaa qaatay. Waa in aad sheegtaa sababta aad ugu malaynayso in galkaaga dib u eegid lagu sameeyo mar kale. Haddii aad hayso dood sharciyeed ku qor warqadda. Haddii aad hayso caddaymo cusub, sheeg sababta loo soo bandhigi waayay dhagaysigii dacwadda kuna lifaaq warqadda. Waxaad siisaa nuqul (koobi) qof kasta oo liistada ku jira adiguna la har koobi.
Warqadaha go’aanku ku qorran yahay ee ka timi DHS waxaad ka heli kartaa warbixinta aad u baahantahay oo dhan oo ku saabsan sidii aad u diri lahayd codsigaaga, iyo dhamaan liiska dadka iyo waakiilada aad koobi u diri lahayd.
Agaasimaha racfaanka wuxuu dib u fiirinayaa codsigaaga. Waxaa laga yaabaa in Agaasimaha aqbalo doodaada oo uu soo saaro go’aan, ama amar cusub, ama waxaa laga yaabaa in lagu siiyo fursad dhegaysi cusub, ama waxaa Agaasimaha gaari karaa in go’aanki ama amarkii hore uu sidiisa u taagnaado. Waxaad helaysaa warqad kuu sheegaysa arrimahaas oo dhan iyo waxa kadib dhic kara.
Haddii aadan waxba ka maqlin 30 maalmaad, wac oo hubi sida wax u jiraan.
Waxaad racfaan u qoran kartaa degmada halkii aad weydiisan lahayd dib u tixgelin. Isla markiiba wac garyaqaan gargaare ah.
Haddi aad weydiisatay dib uga fikir laakin aadan ku waafaqsanayn go’aanka dib uga fikirka, waxaad racfaan u qorran kartaa Maxkamadda Degmada. Isla markiiba wac garyaqaan gargaare ah ee 1-(877) 696-6529.