Hadii adiga ama waalidka kale aydnaan u raaci karin, ama aynaan u raacayn ilmahaaga goobta codsiga dal-ku-galka, waalidka aan raaci karin ilmahu waxa uu u baahan yahay inuu buuxiyo Foomka DS-3053 Oraahda Ogolaanshaha – Siinta Dal-ku-galka Ilmo ka Yar 16. Form DS-3053: Statement of Consent - Issuance of a Passport to a Minor Under Age 16. Kan kuma aad buuxin kartid khadka (online) ka, waxa kaliya oo daabacan kartaa foom banaan.
Ka Hel Foomka DS-3053 (Form DS-3053) khadka (online) ee ah http://travel.state.gov/content/travel/en/passports/how-apply/forms.html
- Hoos u riix falaarta oo tag “Forms for Special Situations” (Foomama Xaaladaha Gaarka ah)
- Riix “Statement of Consent: Issuing a Passport to a Child (DS-3053)” (Oraahda Ogolaanshaha: Siinta Dal-ku-gal Ilmo (DS-3053))
Waxaad sidoo kale aad ka heli kartaa DS-3053 rugta codsiyada dal-ku-galka. Foomka la buuxiyey waa khasab in lagu hor saxiixo nootaayaale.
Waxaad kaloo u baahan tahay nuqul ah labada dhinac ee aqoonsiga labada waalidka kan maqan.
La tag foomka buuxsan iyo nuqulka aqoonsiga rugta codsiga. Foomka cadeynaya ogolaanshaha waalidka kale ma noqon karo mid da’diisu ay weyn tahay 90-cisho.
OGOW: hadii waalidka kale uu geeriyooday, la imow warqada cadeynta geerida ama warqada dhaarta geerida.
Hadii adiga kaliya laguu xukumay inaad sharciyan ilmaha mas’uul ka tahay, uma baahnid waalidka kale. LAAKIIN waa inaad cadeysaa inaad haysato xukunka ah inaad kaligaa ilmaha sharciyan mas’uulk ka tahay. La imow amarka maxkamada ee oranaya adiga kaliya ayaa ilmaha haysanaya. Hadii adigu aad tahay hooyada ilmaha, aabaha ilmaha dhalayna aydnaan isqabin, waxaad kale oo cadeyn kartaa arrintan hadii aad la imaado warqada dhalashada ilmaha taa oo hooyada kaliya uu magaceedu ku qoran yahay.
Gobolka Minnesota, hadii labada waalid aysan isqabin kolkii uu ilmahu dhashay ama calool galay, kolkaa hooyada ayaa kaligeed ilmaha sharciyan mas’uul ka ah. Arrintani waa jiri kartaa xataa hadii aabahu uu ku qoran yahay warqada dhalashada. Hooyada aan la qabani waxa ay isku dayi karaa inay hesho amar maxkamad qoys oo oranaya iyada kaliya ayaa sharcigan ka mas’uul ah ilmaha si ay u jirto cadeyn warqad ku qoran oo la hayo. Eeg warqadayada xogta aruursan ee Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha.
Hadii aadan haysan cadeyn, buuxi Foomka DS-5525: Oraahda Dhaqsaha/Duruufaha Gaarka ee Qoyska - Siinta Dal-ku-galka Ilmo ka Yar 16. DS-5525: Statement of Exigent/Special Family Circumstances - For Issuance of a Passport to a Minor Under Age 16 si aad isugu daydo inaad sharaxdo xaaladaada. Akhbaar kale ee foomkan ku saabsan ayaa ku jira qaybta soo socota.