Waa in aad goobta shaqada siisaa 30 maalmood oo ogeysiis ah, haddii aad awoodo. Haddii aadan horey u wargelin, ogeysii sida ugu dhaqsaha badan. Waa in aad u sheegto goobta shaqada sababaha aad uga soo baxday shuruudaha FMLA. Kani waa xafiiskaaga shaqaada oo ogsoon in aad weydiisaneyso FMLA. Fasax bukaan oo aad weydiisato kaliya kuma filna.
Loo shaqeeyaha waxa uu ku weydiiisan karaa cadeyn ku saabsan dhibaatada, sida cedyn uu soo qoro dhakhtarkaaga. Loo shaqeeyaha waxa uu la xiriiri karaa dhakhtarkaaga si uu hubiyo macluumaadka. Fasax kaama doonayaan si ay sidan u sameeyaan.
Fiiro gaar ah: xaaladda caafimaadku waa in ay noqotaa mid aad khatar u ah. Xaaladdu waa mid aad khatar u ah haddii uu tahay “xanuun, dhaawac, naafanimo ama xaalad kale oo jirka ama dhimirka ah oo u baahan in bukaanka la dhigo isbitaalka ama u baahan dhakhar inuu gacanta ku hayo”