Waa u muhiim xareynta canshuurta ama buuxinta wixii foomam ah ee ku waydiiya inaad cid isqabtaan iyo in kale. Ma oran kartid guur ayaa jira haddii dowladdu aysan aqoonsanayn guurkaaga. Sidoo kale waa muhiim hadii aad go’aansato inaad furto xilahaaga.
Guurka sharciga ahi waxa uu muhiim u yahay kala dhaxlida hantida. Hadii xilahaagu uu dhinto isaga oo aan dardaarmin, adiga aad dhaxlaya wixii hanti ah ee uu ka dhinto qofkaasi. Hadii aydaan isqabin, waxaa dhici karta inaadan wax xaq ah ku yeelan hantida qofku ka dhintay, xataa hadii qofkaa aad wada joogteen muddo dheer.
Hayshada ilmahu waxa ay ku xirnaan kartaa in waalidku ay si sharci ah isku qabeen iyo in kale kolkii uu ilmahu dhashay. Gobolka Minnesota, hadii waalidku aysan isqabin kolkii ilmahu uu dhashay, kaliya hooyada ilmaha dhashay ayaa ilmaha haysan karta hadii aan maxkamadi amrin wax taa ka duwan.
Hadii aadan hubin inaad u guursatay sida sharciga ah ee ay qabaan sharciyada Minnesota, la hadal qareen ka hor inta aadan xareysan canshuur ama aadan buuxin foomam lagu qorayo inaad cid isqabtaan.