Hay’ada Ilaalinta Ilmaha (CPS)
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa adeegyada ilaalinta ilmaha, waxa ay sameyn karaan iyo sidda loola dhaqmo iyaga.
Waa maxay hay’ada Ilaalinta Ilmahu?
Hay’ada Ilaalinta Ilmahu [inta badana loogu yeero (CPS)] waa hay’ad dowladdu leedahay oo eegta warbixinada silcinta iyo dayaca ilmaha ku saabsan. Ka dibna waxa ay go’aansataa sidda loo qaabilo warbixinadaa. Haddii ay eg tahay in waxbixini ay muujinayso in ilmo khatar ku jiro, waa ay baaraan si ay u ogaadaan in silcini dhacday iyo in kale. Waxay kaloo go’aamiyaan in qoysku uu u baahan yahay adeegyo iyo in kale. Kiisaska qaarkood, hay’ada Ilaalinta Ilmahu CPS) waxaa dhici karta inay ka xareyso dacwo maxkamad ayna waydiiso xaakim in ilmahaaga lagaa kaxaysto oo meel kale la geeyo ama loo dhiibo ehel. Arrintan waxaa la yiraa ku meelaynta “Dibada guriga.” Ku meelaynta “Dibada gurigu” waxa ay noqon kartaa ku meelgaar si adiga laguu siiyo waqti aad uga shaqeyso arrinta kaliftay in warbixinta la sameeyo markii horeba.
Haddii warbixintu aysan u ekayn inay muujinayso in ilmahaagu uu khatar ku jiro, dowladdu waxaa dhici karta inay xirto dacwada. Ama, haddii ay is leeyihiin waxa aad u baahan tahay caawimaad, waxaa dhici karta inay kuugu baaqaan Qiimeyn Qoys. Haddii aad ogolaato qiimeynta qoyska, hawl-wadeen ka socda hay’ada (CPS) ayaa kaala shaqeyn doona helida adeegyo si ay kaaga caawiyaan arrimaha qoyskaaga. Kuwaasi waxa ay noqon karaan dabiib aad heshaan adiga iyo ilmahaagu, fasallo waalidnimada ah, ama adeegyo kale si ay kaaga caawiyaan adiga inaad ka shaqeyso sababta warbixinta kaliftay.
Waa maxay silicu?
Silica macnahiisu waa tacadi ama dayac ilmo loo geystay.
Tacadigu waa waxyeel jireed ama mid caadifadeed oo ilmo loo geysto oo aan ahayn kama. Waa sidda waxyaabaha:
-
lafo jaban iyo nabaro jirka ah
-
gubid
-
garaacid aan ahayn edbinta caadiga ah
-
faro-xumeyn galmo nooc walba ha noqotee
-
waxyeel dhanka caadifada ah
Dayacu waa kolka ilmahu uusan helin waxa u uu baahan yahay sidda:
-
cunto
-
dhar
-
hoy
-
tacliin
-
daryeel caafimaad
-
xanaaneyn
-
ka ilaalin waxyeelo
Muxuu qofka shaqaalaha ah ee ka socda Hay’ada (CPS) sameyn karaa?
- Ugu baaqid Qiimeyn Qoys
Qiimeynta Qoyska macnaheedu waa hawl-wadeen bulsho oo ka socda Hay’ada (CPS) ayaa adiga kula kulmaya si uu kaala hadlo warbixinta silcinta ah. Kolka uu Qoys ogolaado Qiimeynta Qoyska, kolkaa Hay’ada (CPS) ma sameyn doonto baaritaan. Mana ay gaari doonaan go’aan oranaya in silic dhacay iyo in kale. Waxa ay meesha u joogaan uun kolkaa inay kaa caawiyaan inaad heshaan adeegyo adiga iyo ilmahaagu si kolkaa dhibka looga baxo.
Laakiin, haddii aadan la shaqeyn qoladda Qiimeynta Qoyska kolkaa hay’ada (CPS) waxa ay ka walwali in uu ilmahaagu khatar ku jiro, waxaana dhici karta inay kiiskaaga u gudbiyaan baaritaan.
- Baarida
Shaqaalaha Hay’ada (CPS) waxa ay baaraan warbixinada silcinta ku saabsan kolka ay u eg tahay in warbixintu ay muujinayso in ilmo uu khatar ku jiro sababtoo ah tacadi iyo/ama dayac uu waalidka ama qof ilmahaa hayaa uu u geysto.
Baaritaanka waxaa ku jira:
- wicitaano telefan ah ama kulano waalidka ama qofka ilmaha haya lala qaato
- booqasho ilmaha guriga lagu booqdo
- wareysi ilmaha la wareysto
- wareysiyo la wareysto dad kale sidda dhaqtaradda ama macallimiinta
Kolka ay dhameyso baaritaanka, Hay’ada (CPS) waa khasab inay go’aansato 2 waxyaabood:
- Ilmaha ma la lagu tacadiyey ama ma la dayacay?
- Qoysku ma u baahan yahay adeegyo?
Haddii Hay’ada (CPS) ay go’aamiso in qoysku uu u baahan yahay adeegyo, waxay kaloo go’aamisaa noocyada ay yihiin adeegyada ilmaha ilaalin doona qoyskana xasilin kara.
- Go’aaminta Silcini inay Dhacday
Kolka qofka shaqaalaha Hay’ada (CPS) uu dhameeyo baaritaanka, waa khasab inuu go’aamiyo in silcini dhacday iyo in kale. Haddii qofka shaqaalaha ahi uu aaminsan yahay in ilmaha la silciyey ama la dayacay, waxa ay gaaraan go’aan ah “go’aamin silicin.” Waxa aadna ka heli warqad iyaga si ay kuugu sheegaan go’aankooda.
Haddii aadan ku raacsanayn go’aaminta silcinta ah, waxa ka qaadan kartaa racfaan. Warqada ayaa kuu sheegaysa xaquuqdaadda aad u leedahay racfaanka iyo sidda racfaanka loo qaato. Waxa aad haysataa uun 15 cisho laga bilaabo maalinta aad warqado hesho si aad racfaan u qaadato haddii aadan ku raacsanayn “go’aanka silcinta’ ah ee la gaaray.
Go’aansiga racfaan qaadashadu waa mid aad muhiim u ah waayo go’aaminta in silcini dhacday waxay gashaa diiwaanka qofka haddii qofka taariikhdiisa dambi gelida la baarana waa laga heli. Arritani waxaa dhici karta inay kaa hor istaagto helida ama sii haynta shaqooyinka ku lugta leh daryeel-bixinta. Kuwaasi waa shaqooyinka sidda:
- bixiyaha adeegyada haynta ilmaha
- macallin ama macallin gargaaraha
- baas wade
- tababare
- kalkaaliso ama haynta qof
- ilmo u haynta dowladda
Marmarka qaarkood qofka shaqaalaha ahi waxa uu go’aamiyaa in silcini dhacday in kastoo aysan fidin wax adeegyo ah.
Haddii aadan racfaan ka qaadan go’aanka ah in silcini ay dhacday waxa ay ku jiri diiwaankaaga xataa ka dib dhamaadka wixii kiis maxkamadeed ah ee ay xareysay Hay’ada (CPS). Ka eeg warqadayada xogta aruursan Waa Maxay Si Xun Ula Dhaqan Sidee Ayeyse U Saameyn Kartaa Shaqadeyda?
- Siin Adeegyo
Haddii ilmaha lagu tacadiyey, ama ay u badan tahay in lagu tacadiyey, ama la dayacay, Hay’ada (CPS) waxaa dhici karta inay furto kiis. Kolkaa waxa ay fidin karaan adeegyo sidda daryeelka qabatinka maan-dooriyeyaasha, fasallo waalidka la siiyo iyo talo siin. Waxa ay fidin karaan adeegyada iyadoon maxkamad la tagin, haddii waalidku ay ogolaadaan inay la shaqeeyaan hay’ada.
- Soo jeedinta Qaadashada Ilmaha
Shaqaalaha Hay’ada (CPS) kama qaadi karaan ilmo guriga aan ahayn inay haystaan amar maxkamadeed, AMA uu waalidku yiraa waa hagaag in ilmaha la kaxaysto. Haddii qofka shaqaalaha ahi uu dareemo in ilmahu uu khatar degdeg ah ku jiro laakiin uusan ka heli karin in waalidku uu u ogolaado in ilmaha la kaxeeyo, waxa ay wici karaan bilayska. Bilaysku waa ay ka qaadi karaan ilmaha guriga waxa ayna geyn karaan goobaha ilmaha lagu hayo.
Waa khasab in lagu qabto dacwo dhagaysi maxkamadeed 72 saacadood gudahood (sabtiyada, axadaha iyo faystooyinku kuma jiraan) si loo go’aansado in ilmahu uu sii joogo guriga la geeyey iyo in kale.
- Aadid maxkamad
Shaqaaalaha Hay’ada (CPS) waxa ay waydiisan karaan Xaakim Maxkamadda Dhalinyaradda jooga inuu si ku meelgaar ah uga kaxeeyo ilmo guriga waalidka looga shakiyo geysi tacadi iyo dayac. Ilmaha waxaa loo dhiibi karaa ehel, dadka ilmaha dowladda u haya, ama goob degaan ah oo ilmaha la geeyo, inta ay Hay’ada (CPS) kala shaqeynayso waalidka xakinta sababaha ilmaha loo kaxeeyey.
Kiisaska intooda badan Hay’ada (CPS) waa khasab inay ka shaqeyso in qoyska la isku soo celiyo.
- Haddii ilmahu uu 8 jir yahay ama uu ka yar yahay Hay’ada (CPS) waa in ay ka shaqeyso ugu yaraan 6 bilood in qoyska la isku soo cesho. Haddii waalidku uu u kaalmaynayo uuna kala shaqeynayo hay’ada qorshaha kiiska, maxkamaddu waxa ay kordhin kartaa waqtiga.
- Haddii ilmahu uu 8 jir ka weyn yahay kolkaa waalidku waxa uu haystaa waqtiga badan
- Haddii ay u eg tahay in ilmahu guri ku celintu aysan amaan u ahayn, Hay’ada (CPS) waxa ay aruurisaa daliilo si ay u gargaaraan meeleyn rasmi ah oo ilmaha lagu meeleeyo oo ka dheer waalidka tacadiga iyo dayaca geysanaya.
- Haddii waalidka horey mar looga xayuubiyey xaquuqda waalid (TPR) ama haynta ilmaha ay si ay khasab maxkamaddi u wareejisay, kolkaa Hay’ada (CPS) ma aha inay ka shaqeyso inay isu soo celiso qoyska haddii ilmo cusub oo kiis cusub ah uu soo baxo.
Ma ka qaadan karaa racfaan go’aamin ah silcin ilmood?
Haddii aadan ku raacsanayn go’aaminta in silcini dhacday, waxa aad ka qaadan kartaa racfaan. Warqadani waxa ay kuu sheegaysaa xaqqa aad u leedahay racfaan iyo sidda racfaanka loo qaato. Waxa aad haysataa uun 30 cisho laga bilaabo maalinta aad warqada heshay in aad racfaan ku qaadato haddii aadan ku raacsanayn hay’adda go’aanka ah in silcini dhacday.
Go’aansiga ah inaad racfaan qaadato iyo in kale waa mid muhiim ah waayo go’aaminta ah in silcini dhacday waxa ay ka soo baxdaa baarida taariikhda qofka gaysta. Arrintani waxaa dhici karta inay kaa hor istaago helida ama sii haynta shaqo ku lug leh daryeel-bixin. Shaqooyinkaa waa kuwa sidda:
bixiye adeegyadda haynta ilmaha
macallin ama macallin gargaare
wade baas
tababare
kalkaaliso ama qof hayn ugu qoran qof kale
dadka ilmaha dowladda u dhiibato
Haddii aadan racfaan ka qaadan go’aanka silcinta ah waxa uu ku jiri diwaankaaga arrintani xataa ka dib wixii kiis maxkamadeed ah oo ay kugu soo oogto hay’adda CPS marka ay dhamaadaan. Eeg warqadayada xoga aruursan ah ee Waa Maxay Si Xun Ula Dhaqan Sidee Ayeyse U Saameyn Kartaa Shaqadeyda?
Maxaan sameeyaa haddii Hay’ada (CPS) ay ila soo xiriirto?
-
Qor magaca iyo lambarka ciddii shaqaale ah ee kula soo xiriirta adiga. Wac iyaga kolka aad u baahan tahay akhbaar kale oo kiiska ku saabsan.
-
Qoraalo ka sameeyso dhamaan kulamada shaqaalaha, oo ay ku jiraan taariikhda, cidda meesha joogtay, iyo waxa la is yiri.
-
La shaqee, daacadna ahow, laakiin taxadar kolka aad la hadlayso shaqaalaha. Xusuusnow, hadalkaaga adiga ayaa dib laguugu isticmaali karaa kolka kiiska maxkamada la qaadayo. Sharciyan, Hay’ada (CPS) kuguma khasbi karto inaad la hadasho. Laakiin haddii aadan la hadlin waxaa dhici karta inay taasi shaki geliso iyaga ayna furaan kiis dacwo si ay kuu baaraan.
-
Kala har nuqulo dhamaan warqadaha Hay’ada (CPS). Haddii qofka shaqaalaha ah ee ka socda hay’ada uu ogaado inaysan jirin wax tacadi ama dayac ah, waxa ay kuu soo diri warqad siddaa oronaysa. Warqaddu waxay kaloo tiraa waxa aad dooran kartaa in dacwada gabi ahaannba la baa’biyo. Marmar badan, waxaa fiican in la waydiisto qofka shaqaalaha ah ee ka socda hay’ada inuu hayo dacwada, si kolkaa haddii mar ay noqotaba mar ay soo baxdo wax su’aal ah oo ku saabsan waxa dhacay, aad u haysato qoraalada kiiska.
-
Tag dhamaan kulamada oo dhan. U soo kaxayso saaxiib, taakuleeye ama qareen kulamada haddii aad awoodo.
-
Waxa aad la xiriiri kartaa qareen gaar ah ama mid u shaqeeya ururka gargaarka dhanka sharciyada (legal aid) si aad talo uga hesho. Haddii aad danyar tahay, waxa aad xaq u leedahay qareen lacag la’aan ah oo ay maxkamaddu kuu magacowdo HADDII Hay’ada (CPS) ay:
-
Qorshaynayso in ilmaha meel kale la geeyo
AMA
-
Ka xareysanayso kiis maxkamad. Kolka kiiska maxkamad la hor geeyo, waxa aad xaq u leedahay qareen mar walba oo dacwada la dhagaysanayo.
-
Haddii ilmahaagu uu u baahan yahay in guriga laga kaxeeyo, kala shaqee qofka u shaqeeya Hay’ada (CPS) inuu soo helo uuna ku meeleeyo ilmahaaga qaraabadaadda, haddii taasi ay tahay waxa aad rabto. Haddii aad tahay qaraabo, kiiska degdeg ugu lug yeelo! Qaraabaddu waxa ay noqon karaan meeleyno la dooran karo laakiin siddoo kale waxaa lagugu dhiiri gelinayaa inaad ugu lug yeelato hawsha sidii adigoo u ah ilmaha taakuleeye kolka loo geeyo dadka kale.
-
Waxa aad xaq u leedahay inaad ka qaybgasho sameynta qorshaha kiiska ee caawinaya adiga iyo qoyskaaga. Daacad ahow! U sheeg qofka shaqaalaha ah waxyaabaha caawin kara in qoyskaagu wax ka qabto dhibaatooyinka, si kolkaa aad u hesho qorshe kiis oo fiican.
Kiisas maxkamadeed oo caynkee ah ayey Hay’ada (CPS) xareynsan kartaa?
-
Kiisaska Ilmaha u Baahan Ilaalinta ama Adeegyada (CHIPS). Hay’ada (CPS) waxaa dhici karta inay xareysato kiisas la yiraa (CHIPS) haddii ay aaminsan tahay in ilmahaagu uusan amaan ku ahayn gacantaada. Waxay kaloo xareysan kartaa kiis haddii ay kuugu baaqeen adeegyo aadna diiday, ayna is leeyihiin ilmahaagu amaan ma aha.
Dowladdu waa khasab inay isku daydo inay kugu soo celiso ilmahaaga adiga. Waxa aad heli fursad aad kagala shaqeyso dowladda sameynta qorshe kiis. Waxa aad haysataa 6 ilaa iyo 12 bilood si aad u soo dhamaystirtid qorshaha.
Haddii ilmahu uu sii joogo meesha la geeyey aadana raacin qorshaha kiiska, kolkaa dowladdu waxa ay xareysan kiis rasmi u wareejin ilmaha ah.
-
Kiisaska Rasmiga ah. Kiisaska rasmiga ahi waa kuwa aan ilmaha lagu soo celi karin gacanta waalidkood. Caadiyan, Hay’ada (CPS) waxa ay xareysataa dacwo ah Xayuubinta Xaquuqda Waalidka (TPR). Waxa la yiraa (TPR) ku waa waxa ay doorka bidaan inay sameeyaan. Waxay kaloo sameyn karaan wareejin haynta ilmaha ah. Wareejinta haynta ilmahu ma xayuubiso (joojiso) xaquuqda waalidka. Waa amar maxkamadeed oo siiya haynta ilmaha ee sharciga ah iyo tan la noolaanshaha qof kale laakiin u ogolaada in waalidku booqan karo ilmaha.
Wixii akhbaar ee kale ka eeg warqada xogta aruursan Your Rights Under the Indian Child Welfare Act (ingiriisi kaliya) iyo Waa Maxay Mas’uulka Ka Caawiya Dacwadda?
Kolka kiis maxkamad la hor geeyo, xaakimku waxa uu u magacaabaa ilmahaaga qof maslaxadiisa ka wakiil ah [guardian ad litem (GAL)]. Wakiilkaa la yiraa (GAL) waxa uu u diyaariyaa warbixin maxkamada ku saabsan waxa ay tahay maslaxada ilmahaagu. Qofka maslaxada ilmaha loo magacaabaa (GAL) UMA aha qareenka ilmaha. Haddii ilmahaagu uu 10 jir yahay ama ka weyn yahay, waxa uu xaq u leeyahay qareen maxkamaddu u magacowday. Haddii uu ilmahu 10 jir ka yar yahay, maxkamaddu inta badan uma magacowdo qareen. Xeer-ilaaliyaha dowladda ayaa qareenka u ah Hay’ada (CPS).
Dadka loo geeyo ama ehelada ilmaha haysa waa ay tagi karaan maxkamadaha dhagaysiga dacwada. Waxa ayna waydiisan karaan xaakimka inay ka hadlaan waxa ay u is leeyihiin waa ay u fiican yihiin ilmaha.
Maxaan sameeyaa haddii dacwo maxkamadeed la xareeyo?
-
Tag dhamaan kulanada iyo dhagaysiga dacwadaha.
-
Haddii aad danyar tahay, codso qareen lacag ahaan ah oo maxkamaddu kuu magacowdo. Caadiyan, maxkamaddu ma magacowdo qareen lacag la’aan ilaa iyo inta laga gaarayo dacwo dhagaysiga koowaad. Qareenka maxkamaddu magacowdaa waa uu matali karaa labada waalidba xilliga dhagaysiga dacwada koowaad. Haddii aad dareensan tahay inaadan ku raacsanayn waxyaabaha qaarkood waalidka kale, u sheeg xaakimka. Kolkaa waxa aad heli kartaa qareen adiga kuu gooni ah.
Haddii aad is leedahay waa inaad hesho qareen lacag la’aan ah, waydii xaakimka inuu kuugu magacaabo qareen sidda u dhigayo Xeerka Minnesota ee (Minnesota Statute (260C.163, subd.3) Habraacyada Ilaalinta Dhalinyarada ee (Juvenile Protection Procedure Rules) (36.01 and 36.02, subd.2.)
Waxaad siddoo kale diyaarsan kartaa aadna maxkamada ka xareysan kartaa codsi qareen maxkamaddu magacowday ah adigaa galaya barta:: www.lawhelpmn.org/self-help-library/legal-resource/apply-court-appointed-lawyer-chips-case. https://www.revisor.mn.gov/statutes/cite/260C.163
-
Marba haddii ilmahu uu guriga ka maqan yahay, waa khasab inuu jiro dhagaysi dacwo maxamadeed oo la qabto 90 kii cishaba mar. Dhagaysiga dacwooyinkaas ujeedadoodu waa in maxkamaddu ay kula socoto horukaca kiiska.
Haddii aad tahay ayeeyo ama awoowe uuna ilmahu kula noolaa mar 2 dii sanno ee la soo dhaafay, waxa aad xaq u leedahay inaad adigu naftaadu kiiska “qayb” ka noqoto adigoo oo ‘faragelinaya.” Taa macnaheedu waa waxa aad waydiisanaysaa maxkamada inay kuu ogolaato inaad qayb ka noqoto kiiska maxkamadda. Aabe aan loo tixgelin inuu “qayb” ka yahay dacwada ayaa isna soo ‘faragelin” kara dacwada. Waxa aad ka heli kartaa foomamka aad u baahan tahay maxkamadda.
Waxa aad ka heli kartaa ( court forms you need) si aad u “farageliso” arrinta barta www.mncourts.gov.
-
riix Get Forms (Hel Foomam) ee taal korka kore ee bogga
-
riix Child Protection ee ku taal liiska soo baxa
-
riix CHIPS Motion to Intervene si aad u farageliso
-
dooro [Packet]. Waxaa ku jira wax walba oo aad u baahan tahay. Si taxadar leh u akhri tilmaamaha!
Ku Meelaynta Ilmaha Dibada Guriga
Waxaa jira 2 siyaabood oo ilmaha loogu meelayn karo meel ilmaha la geeyo:
-
Meelaynta aan ikhtiyaarka ahayn. Kuwaasi waa Guriga ka Kaxeyn ilmaha oo ay maxkamadi amartay iyadoo meelo kale la geynayo in kastoo waalidku uusan ogolayn.
-
Heshiisyada Meelaynta Ikhtiyaarka ah. Marmarka qaarkood waalidku waxa ay ogolaadaan inay u roon tahay ilmahoodu in meel kale la geeyo ama daryeel uu helo muddo. Kolkaa dowladda iyo waalidka waxaa dhici karta inay wada galaan Heshiis Meelayn Ikhtiyaar ah. Heshiiska waxaa ku jirta akhbaar ku saabsan mudadda meelayntu soconayso iyo adeegyada wax ka qaban kara dhibaatooyinka si kolkaa uu ilmahu guriga dib u soo noqdo.
Waalidku waa ay bedeli karaan ra’yigooda ku saabsan meelaynta ikhtiyaarka ah waxa ayna codsan karaan in ilmaha dib loogu soo celiyo gurigooda. Dowladdu waa khasab inay ilmaha soo celiso aan ka ahayn inay maxkamad tagto ayna ka hor cadeeyso maxkamadda in ilmahu uusan amaan noqon doonin haddii guriga lagu celiyo.
Ka warran dhaqanka iyo diinta ilmahayaga?
Haddii ay tahay in ilmaha guriga laga kaxeeyo, waa in lagu meeleeyaa qaraabo ama dadka ilmaha dowladdu u geysato iyadoo la fahamsan yahay qowmiyada iyo dhaqan ahaan cidda ay ka soo jeedaan. Laakiin ma jiraan wax xeerar ah oo oranaya waa in ilmaha lagu meeleeyaa qoysas ay isku qowmiyad iyo isku dhaqan yihiin. Waalidku waxa uu codsan karaa in ilmaha loo geeyo dad ay ilmaha isku diin yihiin.
Arrintu waa ay ka duwan tahay siddaa marka laga hadlayo ilmaha Hindidda Mareykanka/ Ilmaha Hindidda ah. Ka eeg warqadayada xogta aruursan Your Rights Under the Indian Child Welfare Act. (ingiriisi kaliya)