After you're done reading this page, take a short quiz to test what you've learned!
Warqadan xogta aruursan ahi waxay ka hadashaa xaquuqdaadda aad ku haysan karto xayawaan yar oo guri joog ah adigoo kiryste ah, cidda haysan karta xayawaanka, sababta iyo xeerarka guryaha dowladda ama kuwa kiradooda la kabo.
Qaar badan oo ka mid qolyaha guryahu waxa ay leeyihiin xeerar “mamnuuca Xayawaan" oo la ilaaliyo. Laakiin xataa goobahaa, waxaa dhici karta inaad leedahay xaq ah inaad haysan karto xayawaan. Noocyada kala duwan ee guryaha ahi waxa ay leeyihiin xeerar kala duwan.
Hadii aad ku nooshahay guri dowladeed, waxaad xaq u leedahay inaad haysan karto xayawaan.
Hadii aad ku nooshahay guri kiradiisa lagaa kabo aadna ka soo baxdo shuruudaha waayeelnimada ama naafada, xaq waxa aad u leedahay inaad xayawaan yar haysan karto.
Hadi aad leedahay xayawaanka adeega, waxa aad xaq u leedahay inaad haysan karto. Xayawaanka adeegu waa xayawaan si gaar ah loogu tababaray caawinta naafada.
Hadii xayawaankaagu uusan ahayn xayawaanka adeega, laakiin, aad naafo tahay aadna ugu baahan tahay inuu ku caawiyo sababta oo ah naafanimadaada kolkaa waxaad xaq u yeelan kartaa inaad haysato. Jawaabtu waxa ay ku xiran tahay xaqaa’iqa xaaladaada. Waxaa dhici karta in lagu waydiisto inaad cadeyso naafanimada iyo sida ay ula xiriirto baahidaada ah helida xayawaan wehel ah.
Magaalooyinka intooda badani waxa ay leeyihiin sharciyo ku saabsan nooca iyo inta xayawaan ee aad haysan karto.
Waxaa jira sharciyo gaar ah oo quseeya dadka ku nool guryaha dowlada. Hadii aad ku nooshahay guri dowladeed ama aad tahay qof waayeel ah ama naafa ah oo ku nool guraha kiradooda la kabo, kolkaa waa aad haysan kartaa xayawaan. Qolada gurigu waxa ay dejin kartaa xeerar macquul ah oo ku saabsan xayawaanada – oo ay ku jiraan meelaha aad u kaxaysan kartid xayawaankaaga iyo sida aad u nadiifinayso saxaradooda.
Ka hor inta aadan keensan xayawaan yar, ka hel nuqul xeerarka xayawaanada yaryar qolada guryaha dowlada ama qolada guriga aad ka kireysatay hubina in aad u hogaansami karto. Qolyaha guryahu waxay inta badan soo dalacaan khidmad la xiriirta ku haysiga guriga xayawaan. Haddii ay soo dalacdaan khidmad xayawaan guri jooga ah, waa inay ku sheegaan taa xeerkooda ka degsan haysiga xayawaanka.
Hadii ay naafanimo jirto, waxa aad xaq u leedahay inaad xayawaan haysan karto. Tani waa arrin run ah oo ka jirta guryaha oo dhan. Xayawaankaaga khasab ma aha inuu yahay “xayawaan adeeg oo si gaar ah u tababaran”. Naafada waxaa laga wadaa inaad leedahay cudur maskaxiyan ah ama mid jireed oo si weyn u xadida hawl nolosheed oo aad u weyn – sida shaqada, socodka, cunto cunida ama hadlida.
Waxa aad u baahan kartaa inaad ka keento warqad faahfaahsan dhaqtarkaaga ama cid kale oo xirfadlayaal ah. Warqadu waa inay cadeysaa inaad naafo tahay aadna u baahan tahay xayawaanka si kolkaa aad u hesho inaad si dad kale la mid ah aad u isticmaasho una nafisto guriga.
Helida maciin macquul ahi waxa uu ku xiran yahay xaqaa’iqa xaalada. Waa khasab inaad daryeeli karto xayawaanka aadna hubiso inuusan dadka kale dhibin. Waxaad u baahan kartaa inaad ka keento warqad qolo guri aad horey uga jiri jirtay taa oo oranaysa in aan xayawaankaagu wax dhib ah cidna u geysan.
Qaadid khidmad ama kiro siyaado ah oo xayawaanada adeega ama kuwa wehelka awgood loo qaado sharcigu MA ogola.
Ka bilow inaad la hadasho qolada guriga, adigoo u sharxaya sharciga eegayana inaad heshiisaan. Nuqul ka tus warqadan xaqiiqda. Hadii aydnaan heshiin, waxa aad xareysan kartaa ashtako. Waxaa dhici karta inaad heli karto amar maxkamadeed oo kuu ogolaada inaad haysan karto xayawaan. Waxaad kaloo heli kartaa lacag maqdhow ah hadii aysan kuu ogolaan qoladu inaad haysan karto xayawaan, laakiin waa inay kuu ogolaadaan.
Hadii aad tahay dan yar aadna, ka wac xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga 1-(877) 696-6529. Ama ka eeg caawimaad barnaamijyadda kale ku jira barta: Rug ama Gargaar Bixiyaal.
Waxaad kaloo ka xareysan kartaa ashtako hay’ad dowli ah. Kiiska iyaga ayaa baari iyadoon wax lacag ahi adiga kaaga bixin. Waxaa dhici karta inay kaa caawiyaan inaad heshiis gaartaan ama waxaa dhici karta inay kiis dacwo ah ku furaan qolada guriga. La xiriir:
MN Department of Human Rights Griggs Midway Building 540 Fairview Ave North, Suite 201 St. Paul, Minnesota 55104
Telefan: (651) 539-1100 ama 1(800) 657-3704 MN Relay: 711 or 1-(800) 627-3529 Khadka ka gargaarka takoorka (helpline): 1-(833) 454-0148 Iimaylka ah: info.mdhr@state.mn.us shabakada (website) ah: www.mn.gov/mdhr/
Housing and Urban Development (HUD) Minneapolis Field Office 212 Third Ave South, Suite 150 Minneapolis MN 55401 Telefan: (612) 370-3000
Housing and Urban Development (HUD) Chicago Regional Office 77 West Jackson Boulevard, Suite 2600 Chicago, IL 60604-3507 Telefan: (800) 699-9777 Labada xafiisba: www.hud.gov
Degdeg ugu dhaqaaq hadii aad xareysanayso ashtako! Mar kasta oo aad degdeg u wacdaa, waa mar kastoo ay u badan tahay in wanaag ka soo baxo dacwada. Waxaa jira waqtigo kama dambays ah oo la xareysan kiisaska! 1 sanno ashtakooyinka laga xareysanayo hay’ada kasta oo dowli ah ama dacwo la cuskanayo sharci gobol, iyo 2 sanno dacwooyinka sharci dowlada dhexe leedahay la cuskanayo.