Waxa ay ku xiran tahay taasi inaad haysato MA ama MinnesotaCare.
Haddii aad haysato MA
Cusboonaysiintaadu waa sannad-guuradda kolkii aad bilowday helida MA. Waqtiga kama dambaysta ah ee ay tahay in foomka la soo celiyaa waa bil ka hor maalintaa.
- Foomkaaga cusboonaysiinta waxa uu kuugu imaan boostadda ka hor qiysaastii bil marka la iska rabo in la sameeyo.
- Si taxadar leh u akhri. Waxa aad u baahan tahay inaad hubiso inaad haysato dukumiintaddu aad u baahan tahay.
- Foomka cusboonaysiinta iyo dukumiintiyaddu waxa u baahan yihiin in loo diro degmadaadda ama qabiilka aad ka tirsan tahay ugu dambeyn waqtiga kama dambaysta ah ee ay ku siiyeen ee la rabo in la soo celiyo.
Tusaale ahaan: Haddii markii kuugu horeeysay aad codsatay kaarka MA bisha Luulyo dhowr sanno ka hor, cusboonaysiintaaddu waa khasab in la sameeyo bisha Luulyo ee sannadkan. Waa inaad hesho foomka cusboonaysiinta bisha Maajo. Waa khasab inaad buuxiso aadna soo dirto foomka cusboonaysiinta kowda bisha Juun. Hay’addu waxa ay qaban hawsha cusboonaysiinta si ay eegto inaad wali xaq u leedahay MA iyo in kale. Waa khasab inay soo dhameeyaan hawshaada ugu dambayn maalinta ugu dambeysa bisha Juun si aad u ugu sii jirto kaarka MA.
Aad ayey muhiim u tahay in aad buuxiso soona dirto foomkaaga cusboonaysiinta markiiba. Degmadda ama hay’adda qabiilku waxa ay u qabtaan hawlaha cusboonaysiinta sidda ay u kala hor helaan warqadaha.
Haddii aad haysato kaarka MinnesotaCare
Cusboonaysiintaadu waxa ay dhici bisha Janaayo 1, 2024. Foomkaaga cusboonaysiinta waxaa boostadda la soo dhigi bisha Nofeermbar. Waa khasab inaad soo dirto foomkaaga oo buuxsan kowda bisha Deseembar.
Haddii qof ka mid ah qoyskaagu uu haysto kaarka MA qof kalena uu haysto kaarka MinnesotaCare
Kaarka MA waxa uu u baahan yahay in loo cusboonaysiiyo si la mid ah sidda kor ku xusan. Waxa aad ku heli dhamaan ogaysiisyadda iyo foomamka boostadda. MinnesotaCare waxaa laga yaabaa in loo baahan yahay in la cusboonaysiiyo aakhirka sannadka. Laakiin marmarka qaarkood isla akhbaarta loo isticmaalay MA ayaa loo isticmaali karaa MinnesotaCare cusboonaysiintuna iskeed ayey u dhacdaa iyadoon waxba la sameyn. Hay’adda ayaa ku soo ogaysiin ah in la cusboonaysiiyey.